20 July, 2012

TAHNIYADDA RAMADAANTA OO KA TIMID LA-TALIAYAHA MADAXWEYNAHA EE DHAQAALAHA

TAHNIYADDA RAMADAANTA OO KA TIMID LA-TALIAYAHA MADAXWEYNAHA EE DHAQAALAHA, GANACSIGA, IYO MAALGASHIGA AXMED XASAN CARWO

Waxa bilabantay bishii soonka, bishii quraanka, bishii raxmadda, bishii dambi dhaafka. Waa Ramadaan iyo barakadeedii. Waa fursad Alle ina siiyey inaynu toobad keeno iyo nafta ooynu ku soo dabaalno dariiqa toosan iyo tubta Raxmaanku ina faray.
Waxaan hanbalyo kal iyo laab ah u fidinayaa shacbi-weynaha Somaliland qolqol joog iyo qurbojoogba, iyo dhammaan Islaamka daafaha dunida ku nool. Waa bisha ina mideysa ee meel kasta oo Islaam ku nool yahay maalqabeen iyo quudlaawe ay ka simanyihiin inay soomaan ooyna afka waxba gelin daalaca waaga ilaa guduudka maqrib. Waa cadaalad Alle uu ummadiisa faray inay dartiis u gaajoodaan ooy ogaadaan xanuunka ay leedahay si ay ugu naxaan kuwa sanadkoo dhan ku jira qadoodi iyo qaadaa ma dhergaan. Waa cibaado wadata caafimaad, naxariis iyo raxmad.

Waxaan ummadda ugu baaqayaa inay soonka adkeeyaan ooy raaciyaan salaada faradka ah iyo taraawiixda, sadaqadda iyo quraan akhriska. Waa inayna waqti ku lumin telefishanka iyo riwaayadaha beryahan dunida Islaamka lagu asqeysiiyo Ramadaanka.

Alle henaga yeelo inta dariiqa toosan raacda, inta barakada bishani ayna dhaafin, inta toobadda keenta, inta dhammaadka bisha naarta laga xoreeyo. Waa ayaamo tirsan ee yeyna dhayal kugu dhaafin. 

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: