26 June, 2012

Xukuumadda Somaliland Oo Markii u horeysay soo bandhigtay cidii ka dambaysay isku daygii dil ee loo gaystay.....

Xukuumadda Somaliland Oo Markii u horeysay soo bandhigtay cidii ka dambaysay isku daygii dil ee loo gaystay Guddoomiyihii Maxkamada Gobolka Hargeysa

falkaasi guddoomiyaha lagu dhaawacay oo la xidhiidha arintii kiiskii hore......


Hargeysa (GNS)- Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland C/laahi Iimaan Fadal ayaa markii u horeysay shaaca ka qaaday cidii ka dambaysay falkii isku dayga dil ee loo gaystay Guddoomiyihii Maxkamada Gobolka Hargeysa Maxamed Maxamuud Duraan bishan horaanteedii.
Taliyaha oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa ayaa kaga waramay baadhitaanka ay sameeyeen iyo sida ay ku soo ogaadeen cidii falkan ka dambaysay.

Taliyaha oo arrimahaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi “Waxaan halkan idiinka soo gudbinayaa arin aad iyo aad bulshada Somaliland ay natiijadeeda nooga sugayeen oo si qurux badan u dhamaatay, arintaasi oo ah isku daygii dil ee loo gaystay guddoomiyihii Maxkamada Gobolka Hargeysa C/rashiid Maxamed Maxamuud (Duraan) 11-kii bishan lixaad dhaawaca loogu gaystay.

Halkan waxaan idiinka soo tabinayaa in ilaa ayaantii falku dhacay ay ciidanka Boolisku ku jireen baadhitaan dheer oo aad iyo aad u miisaaman oo ay kiiskaasi ku hayeen dabo gal, waxaanan idiin soo tabinayaa in ciidanka Boolisku aanay ka leexan tubtii markii u horeysay ay qaadeen”.

Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland oo ka hadlaya cida falkaasi lagu helay ayaa waxa uu yidhi “Intaasi ka dib markii ciidanka Boolisku baadhis qoto dheer ku helay, xaqiiqsaday kuna kalsoonaaday kuna qancay cidii falkaasi gashay ama lug ha ku lahaato ama cidii fulisay ee aanu aqoonsanay waxaanu markiiba la xidhiidhnay dad sideed qof ah oo wax lug ku lahaa iyo wax kiisku galay iskugu jiray, intaasi ka dib waxaanu la xidhiidhnay odayaal laba dhinac ah oo aanu u bandhignay arinta iyo dad kale oo muwaadiniin ah, waxaanay si fiican uga hawl galeen sidii cidii falkaasi fulisay gacanta loogu soo dhigi lahaa nasiib wanaag maanta oo ay taariikhdu tahay 26 June 2012 waxa arintaasi xil weyn iska saaray oo markii aanu u bandhignay ku qancay oo noo soo gacan galiyey odayaal laba dhinac ah oo dhinicii eedaysanaha ahaa, falkaasi guddoomiyaha lagu dhaawacay oo la xidhiidha arintii kiiskii hore ee uu guddoomiyaha ka ahaa ee uu qaadayey ee musuqmaasuqa, waxaan halkan idiinku soo bandhigayaa oo aan idiin sheegayaa idiina cadaynayaa in aanu gacanta ku hayno cidii falkaasi gaysatay”.

Sacad Muse Cabdi
Gabiley News Desk
Hargeysa/ Somaliland



http://samotalis.blogspot.com/

No comments: