Xildhibaan Qabille Oo Siyaasada Xukuumadda Siilaanyo Ku Macneeyay Faashil Dalka Ku Hagaysa Midnimadii Somali-Wayn Ee Hore Loogu Halaagsamay
"Wasiirka Arrimaha Dibadu Illaa Hadda Sidii Gorayo Dhagax Ku Margatay Wuu Hadli Kari La'ayahay, Waxaa La Raadinayaa Midnimadii Soomaaliya"
Hargeysa (Caalami)-Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland ayaa sheegay in xukuumadda uu hogaaminayo Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) ay doorbidayso midnimo Somaliweyn, waxaanu sheegay in uu xogogaal u yahay arintaasi.
Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille waxa kale oo ka hadlay siyaasada Arrimaha dibadda Somaliland isaga oo sheegay in ay maanta marayso heerkii ugu hooseeyey, isla markaana shirarkii London iyo Istanbul uu wasiirka arrimaha dibada Maxamed C/laahi Cumar uu indhaha ka qarsanayo in uu shacbiga u bayaamiyo natiijooyinka shirarkii London iyo Istanbul.
Xildhibaan Qabile oo waraysi gaar ah siiyey Wargeyska Caalami ayaa sidoo kale ka hadlay muranka ka taagan warshada sibidhka ee magaalada Berbera ee la sheegay in heshiiska laga gaadhay.
Xildhibaan Qabile oo ugu horeyn ka hadlaya muranka ka taagan warshada sibidhka ee magaalada Berbera iyo sida uu u arko waxa uu yidhi "In Dhaweyd muranka dalka ka taagan intiisa badan waxa gacan ku lahaa Ganacsatada waa-weyn ee dalka , hadday tahay Maxjar, hadday tahay Cable, hadday tahay maal-gashi iwm, door isku mid ah ayaan tabayaa, xog gaar ah aniga oo aan ka hayn arrintan saaka (shalay) soo shaac baxday ee Warshada Sibidhka aragtida aan ka qabo waxa weeyaan markasta waxa maqan damaanadii Shacabka .
Madaxweyne Axmed Maxamed (Siilaanyo) haddii uu xukunka ka dego Madaxweynaha ku xiga xilka ma wuxuu ka tirsanayaa Ganacsato saamilay ah, waxa maqan xuduntii isku xidhi lahayd ee u damaanad qaadi lahayd Shacabiga, aragtidaa wixii aan horo uga qabay ayaa maanta-na maqan, waxaanan qabaa Mustaqbalka soo socda in arintaasi ay dhalin doonto murug Sharciyeed iyo hanti umaddeed oo aan gacan damaanadeed iyo meeqaam lagu qaato mid-na aanay lahayn, markaa haddii aanay wadanka haysan Boqortooyo abadiya oo iyadu sidaa Sucuudiga tagri falkeedka isla leh, waxaan qabaa habdhaqankii aynu lahayn iyo tii Sharciyadeed-ba in hunge arintaasi lagaga sido oo aanay wax qurux badan dhalin Karin, murana ay horseedayso Mustaqbalka soo socda, taa marka aan u eego waxaan qabaa in Sharcigaasi dhaawacan yahay gacan-gacan wax u dhiibtana maahe, Sharcibaa wax la iskugu dhiibi karaa, mar kasta taan anigu ugaadhsanayo waxa weeyaan damaanada ugu weyn Xukuumadda leh doorkaa Xukuumaddu-na waa mid meesha ka maqan, markaa ma Ganacsatado la siman bay noqotay Xukuumaddii oo ka mid ah Ganacsatada saamileyda loo qaybinayo, cid waliba ma xoriyad gaar ah bay u heshay in ay waxay doonto qaybsato, mee doorkii Xukuumaddu, mee doorkii Sharcigu, mee doorkii Sharciga maal-gashiga iyo meeshu kaga soo aroorayay, waxaan qabaa intu-ba inay ka maqan yihiin meesha"
Xildhibaan Qabile mar uu ka hadlayey Siyaasada Arrimaha dibada Somaliland iyo halka ay marayso waxa uu yidhi "Siyaasada arrimaha dibada maanta inaan ka hadlo-ba may ahayne wey goblantay, mawqifkayga-na maalintii loo amba-baxayay London baan ka muujiyay, Wariye Ducaale oo ku sugan London, Magaaladda Istanbul wuxuu ku weydiiyay Su'aal Wasiirka Arrimaha dibada maxaa maanta aad la guryo noqonaysaan Umamaddii-na aad u sheegaysaan, ilaa hadda sidii gorayo dhagax ku margatay wuu hadli kari la'ayahay wuxuu Shacbigan u sheego, Madaxweyne Siilaanyo-na ma garanayo wuxuu noo sheegayo, waxaan xog-ogaal ku hayaa in maanta la raadinayo wixii midnimadii Soomaaliya ay Somaliland isku bedeli lahayd inay Shaadhka hoostiisa ugu jirto Xukuumadda , heshiiska ugu dambeeyaa-na ka dhici doono dal Carbeed, dariiqda Rod Map-ka saxeexidii inuu mar hore inaga tagay waxan la isku maaweelinayo-na ay tahay hees caruureed, waxa weeyaan tagista hore meeqaamkeedii waa tii la waayay , Goleyaasha Sharcidajinta-na eedayn horaan u soo jeediyey wixii meeqaamkaa aynu ku lahayn mid cad muu ahayn meel maanta meeqaam Somaliland ay ku leedahay oo Xukuumadda Somaliland ay Shacabiga soo hor-dhigi kartaa ma yaalo, mar kastana haddii dhalashada (Nationality) la waayo iyo sababayn cad oo Ummadda lagu qanciyo, waxa weeyaan waa xaq igumana haysto wax dambiyana kuma qabo in arintaasi jirto, markasta Kalsoonida waxa laga raadinayay Salaadiin, waxa laga raadinayay ururada Bulshada iyo meel aanay ku jirin, Kootarabaanintii wey soo gudhay August-na mayigeedii wuu ina haya dhawaan bayn hor iman doontaa Shacabiga indhishiisa oo shan ah"
Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi "Lafdhabarta Dembiga dhacay waxa leh Goleyaasha Sharci dejinta kuma masuugayo , horena waan u sheegay , Xukuumaddu-na weynu ogayn meeqaamka ay sheegaysay ee ay Kootarabaaninaysay inaanu ahay mid jira, halkii Axmed Cabdi Xaabsade oo ah Wasiir ka mid ah Xukuumadda Somaliland, halka waxaanu ka tagnay buu yidhi annaga oo dal jira ah, Madaxweyne leh, Dawlad gooni isku taagay oo Somaliland ah, markii aanu tagnay London waxaanu ugu tagnay anaga oo Madaxweyne kale leh, Xukuumaddu iyadaa afkeeda iskaga marag furtay in arrintaasi ay tahay mid faashila oo cad, siimanuu joogeen haddii uu been sheegayo Axmed Cabdi Xaabsade, markaa maragu dhexdeenuu yaala ee meel dibad ah ha ka doonin, khilaafkii Wasiirka Qorshaynta iyo Wasiirka Arrimaha dibada ee Istanbul dhexdeeda la isku qabtay meeqaamka Somaliland ay ku leedahay, waxa weeyaan waa marag labaad oo cadaynaya, markaa Weyso inooma dhawrna"
Xildhibaanka oo ka hadlaya aragtidiisa ku aadan shir beeleedyada dalka ka dhacaya waxa uu yidhi "Shir beeleedyada bilaabmay annagu aragti ahaan waxaan qabaa in Shirkaasi yahay mid Caafimaad beeshuna ay xaq u leedahay , dal-daloolka Siyaasadda Arrimaha dibada ayaa keentay in Shacbigani in Shacabigani aayihiisa daba-qabateeyo , waxaanan qabaa inay tahay guul Shacbiga Somaliland u soo hooyanaysa taageero inay siiyaana waan u soo bandhigayaa maanta".
Xildhibaan Qabile oo ka hadlaya xisbiyada Siyaasada dalka ka jira ka uu taageersan yahay waxa uu yidhi "Anigu horta ma guur-guurin, horena saaxiibaday waddada ay mareen waan ogaa kamanaan guurin Xisbigii aan ka tirsanaa ee waan ku nagahay, waxaan-se jirta guul daro weyn oo aan qabo in ay Axsaabta qaranka iyo ururada soo baxayba hortaala iyo Shacabi weynaha Somaliland, goormaa inoogu dambaysay meel Koomishanka qaranka ka balan-qaadaan Doorasho inay dhacayso, waxaan qabaa in la ina mashquuliyay oo aynu qulux tumayno, maanta waxa ka weyn aragtidaa sidii aynu bad-baadin lahayn qarankii Somaliland ee tacabka badan uu inagaga soo baxay , laakiin Siyaasada Axmed Siilaanyo waa mid ina Mashquulisay marka la eego Arrimaha dibad iyo Siyaasada guud Labada-ba inaynu mashquul abadiya ka galnay, dabeetana maalinba dhacdada u dambeysa aynu damab cararayno, meesha lagu hadlayo Doorasho kuma jirto Miisaaniyadii qaranka talada ay soo jeediyeen Komishanka qaranku weynu ognahay in 2013 ka hor sababo jira awadeed inaanay jirin, marka hawada ayaa loo calaamadiyay Xisbiyad aad igu canaananayso, kama-se tagin saaxada waxaan qabaa in Siyaasada arrimaha dibadu godka ay ku libidhay inay doorashadaasina ku libidhay oo ay isku meeqaam ay taagan tahay maanta "
Wargeyska Caalami
No comments:
Post a Comment