10 June, 2012

Waa Jiraan Ganacsato ka Wareegtay Dekedda Boosaaso oo Tagay Dekedda Berbera..”

Waa Jiraan Ganacsato ka Wareegtay Dekedda Boosaaso oo Tagay Dekedda Berbera..” 

Wasiirka Dekedaha PUNTLAND ee Somaliya
-Wasiirka dekedaha iyo Gaadiidka badda Puntland Md. Siciid Maxamed Raage, ayaa si dadban u qiray in qaar ka mid ah ganacsatadii wax kala soo degi jirtay dekedda weyn ee Magaalada Boosaaso ay u wareegeen dekedda Berbera.

Wasiirku ma sheegin sababta keentay hoos-u-dhaca ku yimid dekedda Boosaaso, hase-yeeshee waxa uu deeddafeeyay wararka sheegayay in Saddexdii bilood ee u dambeeyay dekedda Boosaaso hoos u dhacday 50%.

“..Wararka la sheegayo ee la leeyahay dekeddii baa hoos u dhacday waa been waxbana kama jiraan, hawsha dekedduna si fiican bay u socotaa.”. Ayuu yidhi Wasiir Siciid Maxamed Raage.

Wasiirku wuxuu ku dooday inay tartan ku hayso dekedda magaalada Berbera oo sida muuqata ka cashuur hoosaysa tan Boosaaso, isla markaana ganacsato badan soo jiidatay.

“..Waa jiraa in tartan uu nagala dhexeeyo dekedda Berbera oo ganacsatadii ka iman jirtay dhanka Jigjiga ay u wareegeen xaggaas..”. Ayuu intaa ku daray.

Hadalka Wasiirka dekedaha iyo Gaadiidka badda Puntland Siciid Maxamed Raage ayaa yimid toddobaad ka dib markii warbixin lagu daabacay bogagga Internet ku ay bannaanka keentay hoos u dhac sii kordhaya oo ku yimid hawlaha soo dejinta iyo dhoofinta dekeda Magaalada Boosaaso.

Dhinaca kale, qaar ka mid ah ganacsatada gudaha Puntland ayaa ka cabanaya in suuqyada Magaalada ay dadkii ku yaraadeen, iyaga oo taasna ku sababeeyay ciidamada maamulka oo cadaadisyo kala duwan kula kacay ganacsatada ka soo jeedda gobollada Koonfurta dalka, Sool, Sanaag iyo Cayn, kuwaasoo dhammaantood u wareegay dhinaca dekedda Berbera.
http://samotalis.blogspot.com/

No comments: