24 June, 2012

Nin Somali ah oo Xaaskiisa Ku Dilay Magaalada London oo Maanta la Xukumay.


Nin Somali ah oo Xaaskiisa Ku Dilay Magaalada London oo Maanta la Xukumay.
Zakariye Maxamed oo 29 jir ah ayaa manta Maxkamad Dalka Ingriiska ku xukuntay ugu yaraan 25 sano oo Xarig ah oo u Dhiganata (xabsi daa’im)

Gabiley.net- Zakariye Maxamed oo 29 jir ah ayaa manta Maxkamad Dalka Ingriiska ku xukuntay ugu yaraan 25 sano oo Xarig ah oo u Dhiganata (xabsi daa’im) ka dib markii uu qirtay inuu gacantiisa ku dilay Amina Adam oo 32 jir ah iyagoo jooga guri ay wada deggenaayeen oo ku yaal xaafadda Walworth ee Koonfurta Magaalada London. 


Dilkaan oo dhacay 6dii November e Sannadkii hore ee 2011 ayaa waxaa ka horreeyay labo mar oo Zakariye uu garaacay marxuumaddaan , Bishii April ee 2011 ayuu Zakariye caloosha ka garaacay ka dibna baxsaday, hase yeeshee waxaa la soo qabtay bishii July ee isla sannadkaas iyadoo markaas xabsiga la dhigay ka dibna lagu xukumay inuu iskaa wax u qabso ku shaqeeyo, dhaqdhaqaaqiisana lala socdo. Iyadoo xaaladdu halkaas marayso ayay Zakariye iyo Amina heshiiyeen ilaa habeen habeennada ka mid ah ay is af dhaafeen ka dibna uu Amina gurigeeda ku dilay isagoo adeegsanayay 3 mindiyood iyo jajabka muraayad ka mid ahayd muraayadihii guriga. 

Markii uu boolisku guriga soo gaaray ayuu Zakariye booliskiina ugu hanjabay inuu iyagana dilayo, halkaasoo ay isticmaaleen qoriga loo yaqaan ‘Taser’ ee dadka lagu suuxiyo Kadibna Saas lagu Qabtay Gacan ku dhiigle Zakirya Maxamed. 

Zakariye oo dalkaan Ingiriiska yimid sannadkii 2002, isagoo wata Baasaboor Holland oo macmal ah Ama Fiijir ah taasoo sababtay in sharciga loo diido ilaa markii danbe 2007 loo siiyay si ban’aadamnimo ah. 

Marxuumadda ayaa iyadu ka shaqayn jirtay Qaybta shaqaalaha ee Telefishinka caalamiga ah ee Al-Jazeera, xaruntiisa London. Ugu Danbayntii Amina waxay ka timid degaannada Soomalida ee dalka Kenya, halkaas ayayna ku barbaartay ka hor inta aysan dalkaan Ingiriiska u soo wareegin.


http://samotalis.blogspot.com/

No comments: