24 June, 2012

Faroole:"Puntland ma aqbali doonto is bedelada hadda socda iyo wixii ka soo baxay shirka wada hadallada ee TFG iyo Somaliland....

M/wayne faroole oo ka soo hor jeestay wadahadaladii Maalmahan uga socday Caasimada Biritain Londan Somalia iyo Somalailand Sheegayna in aan waxba ka jirin wadahadaladaas
Puntland ma aqbali doonto is bedelada hadda socda iyo wixii ka soo baxay shirka wada hadallada ee TFG iyo Somaliland taas oo meesha ka saartay xubnihii Puntland

Madaxwaynaha maamulka Puntland ayaa la sheegay in 19-kii bishan aynu ku jirno uu warqad qoraal ah u diray dowladaha Ingiiiska, Norway iyo Midowga Yurub oo dhexdhexaadinayey wadahadaladii ay dhawaan dalka Ingiriiska ku yeesheen ergooyin ka kala socday dowladda KMG Soomaaliya iyo Somaliland. 

Faroole ayaa warqadda uu u diray dowladahaasi waxa uu kaga hadlay shirkii magaalada London ku dhexmaray dowladda KMG iyo Somaliland, taas oo uu sheegay inay jiraan waxyaabo si ula kac ah loo qalday sida uu warqadda ku qoray, kuwaas oo uu ku sheegay inay ka mid yihiin isbadalkii lagu sameeyay Guddigii hore ee uu magacaabay Madaxweynaha dowladda KMG. 

Sidoo kale Madaxweyne Faroole waxa uu qoraalkiisu ku sheegay in Puntland ay taageero u muujisay dowladda Ingiiiska isku daygii iyo qabashadii shirkii Soomaalida ee London ka dhacay 23-dii Feberaayo 
2012, kaas oo Soomaalidu ku kulantay qodobbo dhaxal gal ahna laga soo saaray, waxaana iyadoo shirkaasi London laga shidaal qaadanayo, 

Madaxwaynaha dowladda KMG uu magacaabay 7-xubnood oo dar dargaliya wada hadallo u dhexeeya TFG iyo Somaliland, go’aankaasi uu Madaxwaynuhu ku magacaabay Guddigaasi 15-kii April 2012, wuxuu ahaa go’aan uu madaxwaynuhu qaatay oo mudnaantiisa lahaa marka la eego xaaladaha adag ee dalka ka jira, isla markaasna ay Puntland aqoonsatay, hase ahaatee la garab maray markii dambe. 

“Waxaan ognahay in dowladda Ingiriisku ay martigelinayso wada hadal u dhexeeya TFG iyo Somaliland, w
http://samotalis.blogspot.com/

No comments: