Hargysa,-Gudoomiyaha Xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo dhawaan hadal ku saabsan masuuliyiinta xukumada siilaanyo xukuntay ku saabsan ka jeediyey munaasibad loogu qabtay xafiiska Kulmiye musharax u ordi doono golaha degaanka Hargeysa ayaa ka hadlay xukunkii iyo xadhigii ku dhacay masuuliyiinta xukumada Siilaanyo ku eedaysay musqmaasuq raashin deeq ah oo kala ahaa badhasaabkii hore Hargeysa Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi (xamarji),Agaasimihii hore ee Wasaarada dibudejinta Axmed Cilmi Barre iyo La taliyahii madaxweyne ku xigeenka oo iibsaday xadhigii iyo ganaaxii xukumada siilaanyo goroda u gelisay.
Masuuliyiinta raashinka la musuqmaasuqey u xidhan ayaa la sheegay inay si weyn saaxiibo dhow ula ahaayeen gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi intii aan jeelka loo taxaabin ka hor balse beryahan danbe fiintu dhexmiranyso kolkii Muuse Biixi ka baaqsadey inuu u hiiliyo oo si dhexdhexaad ah uga hadlo qadiyadooda.wararka aanu helay ayaa sheegaaya in Muuse biixi beryahan danbe xagga xukumada Siilaanyo u janjeedhsaday isagoo iska fogeynaya qadiyadooda iyo xadhiga xaqdarada ah iyo wanjalaada loo soo maleegay,badiyaabana si cad ama la fahmi karo ugama hadlo qadiyada nimanka la dulmay balse kelmado aan macno badan sidin ayuu ka tabactabacsiiyaa.
Haddaba intii lagu jiray xafladaas ayaa Muuse Biixi ka hadlay qadiyada nimankan raashinka loo xidhay waxaanuu yidhii"maxakamadahu waa meelo xasaasi ah arinka qolyaha raashinka u xidhanina waa xasaasi,nimankan maxakamad ayaa la geeyay oo maxakamadii go'aan bay ka gaadhey,mar labaad ayaa la qaadayaa oo taas ayeynu dhawraynaa oo sugaynaa,qof kasta oo arintaa si kale u arkaaya waxaa haboon inuu ilaaliyo caadifadiisa oo aanu xukunka maxakamada farogelin,qofkii la xidhana xukun wuu ku dhacayaa ama qof walba oo xidhan oo denbi lagu haystaba,waxaan leeyahay arintaas maxakamadu go'aanka ka gaadhey dad badan baa ka xanuunsaday,dad badan baa wax ka sheegaaya,waxaana ila haboon in maxakamada labaad la sugo oo wixii cadaalada la mariyo,waxaana wanaagsan in qof kastaaba samir iyo adkaysi la yimaado.
isku soo wada duuboo gudoomiye muuse biixi wuxuu u soo jeediyey cid walba oo arintan ka hadlaysaa ama ka hadasha inay ku qanacdo oo ixitiraamto go'aanka maxakamadu ka gaadhey oo ay sugaan ilaa iyo inta maxakamd labaad la geyn doono.
http://samotalis.blogspot.com/
No comments:
Post a Comment