10 June, 2012

“Madaxweyne Walaahi-Baanay Noqonayn Xamarji, Axmed Cilmi Barre Iyo La Taliyihii M/Ku Xigeenku Xabashidii Mareexaanka Loo Laynayey, Arinkaasina Waa Arin Mudan In Laga Dhiidhiyo”

“Madaxweyne Walaahi-Baanay Noqonayn Xamarji, Axmed Cilmi Barre Iyo La Taliyihii M/Ku Xigeenku Xabashidii Mareexaanka Loo Laynayey, Arinkaasina Waa Arin Mudan In Laga Dhiidhiyo”
Xildhibaan Axmed-Weyne

Hargeysa, June 8, 2012 (Haatuf) – Xildhibaan Axmed Ibraahim Daahir (Axmed-Weyne) oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada ugu jira xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye ayaa si adag uga hadlay xukunkii Maxkamada degmada Hargeysa ku riday saddexdii Masuul ee eedaymaha Musuqmaasuq lagu eedeeyay, kaas oo sheegay inuu Golahooda horkeeni doono Mooshin ka dhan ah xukunkaas.
Xildhibaan Axmed Wayne waxa uu Madaxwayne Axmed Siilaanyo ugu baaqay inuu xukunkaas soo faro-galiyo oo uu Cadaalada Waafajiyo, kaas oo ku dooday inaanay waxba ka fulin labadii balamood ee ugu waawaynaa oo uu tilmaamay inuu Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ku soo galay Ololihii doorashada, labadaas qodob oo uu tibaaxay inay ahaayeen Cadaalada iyo Musuqmaasuqa oo uu Xildhibaanku ka dayriyey halka ay hada marayaan.
Xildhibaan Axmed Wayne waxa uu fashiliyey hadalo ay u sheegeen Saraakiisha Xeer Ilaalinta ee iyagu dacwada ku oogayey Masuuliyiinta Musuqmaasuqa lagu eedeeyey, kaas oo tilmaamay inay u cadeeyeen inaanay wax dambi ah ku helin saddexdaa Masuul, isla markaana ku dooday in xukunkaasi ahaa mid lagu dagdagay. Waxaanu sidaas ku sheegay Xildhibaan Axmed-wayne  shirjaraa’id oo ay shalay si wada jir ah Hutel Guuleed ugu qabteen isaga iyo Xildhibaan Axmed Ducaale Bulaale, kaas oo ay si wada jir ah ugu naqdiyeen siyaasada hogaamineed ee Madaxwayne Axmed Siilaanyo, talooyin badana uga soo jeediyeen, ugu horayna Xildhibaan Axmed Ibraahim Daahir (Axmed-wayne) isaga oo arimahaas ka hadlaya waxa uu hadalkiisa ku bilaabay   “Waxa lanoo soo doortay inaanu tacadiga xukuumadda ummadda ka ilaalino, markaa maanta waxaan ku khasbanahay inaan ka hadlo arin aan laga laabmi karayn ah oo cadaalad daro cad ah oo hadhcad dhacday, Waxaan ka mid ahaa dadkii masuuliyiinta ahaa ee Maxkamada dhageysanayey, ilaalinayeyna inaan qas ka dhicin, nimankaasi wax alaale wax dambi ah oo ku cadaa may jirin oo dambigu cid kale ayuu ku cadaa haddii cadaalad la raadinayo oo la sugayo, waxaynu ahayd in cidii dambigu ku cadaaday la soo qabto”.
Mudane Axmed waxa kale oo uu ka hadlay qaabkii loo maamulay raashinkii  galaaftay saddexda Masuul ee la xukumay oo mid ka mid ahi uu iibsaday xukunkii ku dhacay, kaas oo ahaa la taliyihii Madaxwayne ku xigeenka Mr. Cismaa, waxaanu yidhi “Raashinkani intan muu ahayn ee Doon dhan ayay ahayd, dawladana waxa la doonayaa inay dadka uga jawaabto halka uu raashinkaasi maray, saddexda baabuur ee nimankan lagu eedaynayey waa la keenay oo kiish kama maqnayn.
Nimankani waxay noqdeen kuwo dambi cid kale lahayd maqaar saar looga dhigay, oo cid kale oo ka waaweyn ayaa iyaga isku xalaaleysay, markaa arinkaasi cadaalad daro xun oo fool xun ayaa ka dhacday, anagu haddii aanu nahay xisbiga Kulmiye ee Madaxwayne Axmed Maxamed Siilaanyo kow ka yahay, labadii qodob ee aanu ololihii doorashadii ku galay ee Madaxwaynahan codka lagu siiyay ayaa Maxkamadan saamaynayey, waxayna ahaayeen cadaalada iyo Musuqmaasuqa, Madaxwaynuhuna waxa uu ku ololeeyay inuu labadabaa wax ka qaban doono, Maxkamadan xiiso gaar ah ayay ummadda u lahayd oo aad-baa loo daawanayey, waayo labadaa qodob ayay taabanaysay, waxayna tijaabo u ahayd inay suurto-gal tahay fulinta labadaa qodob ee uu balan-qaaday iyo inay ahayd hadal maalintaasi lagu dhaafay, waxaana cadaatay inuu ahaa hadal maalintaa lagu dhaafay , xisbigana dambigaasi malaha waayo xisbiga barnaamijkiisii waa laga leexday, wax tallo ahna lama waydiiyo, markaa waa bar-madow oo Madaxwaynaha iyo xukuumaddiisa ku taalla”.
Xildhibaan Axmed-weyne isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu sheegay in cadaalad daradu aanay abtirsiimo lahayn, waxaanu yidhi  “Cadaalad daradu abtirsiimo malaha, aniga iyo Madaxwaynuhu jabhadii ayaanu isku ahayn, waxaanu ka dagaalamaynay cadaalad xumo iyo dad la iska xukumo, markaa Madaxwayne wixii oo maanta xukuumadaada ka dhacaya kuguma saamaxayno, la imana odhan karo waa Kulmiye muxuu marada u saari waayay oo uu u  Qarin waayay, waxaanan leeyahay maya ma saarayo, waayo cadaalad daradu abtirsiimo malaha, shalay Afweyne Daarood-buu ahaa oo aynu kula dagaalamaynay, maantana Siilaanyo waa nin reer Sheekh Isaxaaq ah, cadaalad darada dawladiisu samaynayso halaga aamuso, cadaalad daradu waa cadaalad daro, cidii ay ka timaadana waa in halkeeda loogu taggo, markaa waa igu waajib inaan ka hadlo”.
Isaga oo hadalkiisa sii watana, waxa uu yidhi  “Markii Maxkamadu afar maalmood socotay, ayaa nin xeer ilaalinta ah oo aanu Maxkamada wada dhageysanaynay oo aanu is-garab fadhinay ayaa markii la soo baxay igu yidhi meesha waanu ku ceebownay oo wax alaale iyo wax dambi ah oo aanu nimankaa ku haynaa ma jirto, inaanu halkaa iskaga xidhno ayay ahayd oo aanaan umadda is-dhex keenin, waayo dawladda ayaa ku ceebowday, waayo wixiiba dawladda ayuu ku meeraystay, booliskeedii iyo markhaatiyadeedii, dawladuna iyadaa ceebteeda dibada wada keentay, ceebteedii ay golle keentay ayay nimankan badbaado uga dhigatay, Maxkamadan gobolkuna maaha tii aanu anagu dhageysaneynay, meel kale ayaa lagu soo qaaday kiiskan”.
Xildhibaan Axmed Ibraahim Daahir (Axmed-weyne) mar uu isbarbar dhigayey xukunka ku dhacay masuuliyiintii Musuqmaasuqa lagu eedeeyay iyo hab-dhaqankii dawladii macangaga ahayd ee Siyaad Barre, waxa hadaladiisii ka mid ahaa “Barigii Siyaad Barre ayaa ninka Mareexaan ee qof dilla la odhan jiray waala qabtay, maalinta la yidhaahdo waala dilayaa (Qisasayaa), ayaa nin Xabashi ah oo dagaaladii lagu soo qabtay inta jeelka laga soo saaro ayaa madaxa maro madow loo soo galiyo badhka la taagi jiray oo la odhan jiray ninkii Mareexaan-baa la dilay. Masuuliyiintan Maxkamadu xukuntay sidaas ayay u eg-yihiin, Walaahi-baanay noqonayn Xamarji, Axmed Cilmi Barre iyo La taliyihii Madaxwayne ku xigeenku Xabashidii Mareexaanka loo laynayey, waxaan leeyahay arinkaasi waa arin mudan in laga dhiidhiyo, taasina umadda ayay u taalaa, waxana waa wax ina wada saameeya, Balaayana madax la qabtey leedahaye minjo la qabto malaha, waana wax hor leh oo inagu bilaabmay.
Waxaan leeyahay Madaxwaynaha, Madaxwayne inta aad is-tidhaahdeen nimankan ceebtiina maqaar-saar uga dhiga oo hadhowna saamaxa, Madaxwayne saamaxaad kaagama baahna, nin aan dambi galin saamaxaad kaagama baahna ee cadaalad ayuu kaaga baahnaa, tiina la idinkama helin, inaad saamaxdaan ayaa doonaysaane, saamaxaadaasi wax dhici karaya oo la idinka yeelayo adiga iyo dawladaada oo ummadda u cuntamaya maaha, haddii aad saamaxdana walaahi kiiska waanu wadaynaa ilaa cadaaladu sugmayso oo la cadaynayo in aanay dambi galin, maantana waa boog-madow oo ku taala xukuumaddaada sidii aad u sixi lahaydna adiga ayay ku jirtaa”.
Xildhibaan Axmed-weyne, waxa uu sheegay inuu golaha wakiilada ee uu ka midka yahay horgeyn doono Mooshin ka dhan ah xukunka Masuuliyiintan, isaga oo sidoo kalena golaha ugu baaqay in laba guddi loo saaro arintaas, waxaanu yidhi “Golahayagu marka uu furmo anigu waxaan diyaarinayaa Mooshin ah in la daba gallo cadaalad darada iyo musuqmaasuqaasiba, haddii kale anaguna waxba ma nihin oo cadaalad darada iyo dulmiga meesha ka dhacay waanu gargaarnay oo la mid-baanu noqonaynaa, markaa waxaan leeyahay xildhibaanada golahayaga hawshaasi way inoo taalaaye waa inaynu arinkaasi u saarnaa laba guddi oo gaar ah oo baadha arinkaasi oo taabta, Madaxwaynaha iyo dawladiisana haddii ay isa-saxayaan iyagga ayay u taalaa, ceebna malaha ka maydhmi mayso, haddii aad khaldantay oo aad tidhaahdo waan khaldamoo waan ka noqonayaa ceeb maaha, mana ceeboobaysid, Madaxwaynahana waxaan leeyahay taasay ragganimadu ku jirtaa”.
 Dhinaca kale waxa isaguna halkaas ka hadlay Xildhibaan Axmed Ducaale Bulaale oo isaguna si adag uga hadlay xukunka ku dhacay Masuuliyiintii Musuqmaasuqa u xidhnaa, kaas oo sheegay inay dalka ka taagan tahay Cadaalad-daro ka wayn tii ay ku dhaliili jireen xukuumadii hore ee Madaxwayne Rayaale.
Xildhibaan Axmed Ducaale oo arimahaas ka hadlayana, waxa ka mid ahaa hadaladiisii  “Waxaan waxyar ka odhanayaa arinkii Maxkamadda gobolka ee saddexda masuul xukuntay, Maxkamadu waxay ka yeelatay arinkaas 8 fadhi waxaana ka qaybgalay dad waawayn oo odayaal iyo abwaano-ba leh,  marka hore waxa la  doonayaa dambigana muu jiraa mise ma jiro, waxaan dhagaystay dhawr iyo sodon markhaati dhamaantood mid qudha oo yidhaahda galaanbay qaateen ma jiro, qofkasta oo markhaati ahna waxay waydiinayeen hal su’aal oo ahayd ma jiraa wax raashin ah oo maqani waxaanay dhamaantood ku jawaabayeen maya, wixii meeshaas ka dhacayna wax shaqo isku leh muu ahayn oo cadaaladana wuu ka fogaa oo waxaan leeyahay xukunkaasi cadaalad-daro ayuu ku dhacay, hadii aanu ka mid ahayn dadkii dhagaysanayey dacwadaasina waxaanu leenahay waa in arinka cadaalada la waafajiyo, Madaxwaynahana waxaan leeyahay arinkaas baadh”.
Xildhibaan Axmed Ducaale isaga oo hadalkiisa sii watana, waxa  uu intaas ku daray “Qodobka labaadna waxa weeyi reerihii ay Masuuliyiintaasi ka dhasheen oo wada cadhaysana aan leeyahay arinka meel xun ha gaadhsiinin, Madaxwaynahana waxaan leeyahay arinkaas ku noqo, marka ay wax cadaadaan maaha  hala xidho ama xil ha laga qaado, waana in dawladu karaamadeeda ilaalisaa oo qofka wax xukumayaa maaha qofka dadka ugu aqoonta badan oo ninkii Garsooraha ahaa muu ahayn nin aqoon badan”.

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: