“Weftigeenii qaybta labaad ee shirkii Turkiga ka qaybgeli mayno ayey yidhaahdeen, waanay fadhiisteen, waxaanay ahaayeen markaas arday Soomaaliya ah”
“Waxa Xaabsade loogu diiday oo fiisaha loogu diiday basaboor Somaliland buu sitay, kolkaa inay iska joogaan bay ahayd. Hadday basaboorkeenniiba diiddan yihiin”
“Waxa kaloo inala gudboon in aynaan hoos gelin sidan dawladaha caalamku ugu talinayaan Soomaaliya. Labadaa shir ee London iyo Istanbul innoogu filan xumaane”
Wasiirkii hore ee maaliyadda Somaliland
Hargeusa (Jam)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa daboolka ka qaaday inay siyaasadda arrimaha dibadda ee Somaliland qallooc weyn iyo farogelin shisheeye soo galeen, isaga oo sheegay in Somaliland ceeb ku tahay inay meel la fadhiistaan dawlad aan ummadeedu kalsooni buuxda ku qabin.
Eng. Maxamed Xaashi oo gurigiisa ugu warramay shalay qaar ka mid ah warbaahinta, waxa uu si adag u dhaliilay qaabkii Somaliland kaga qaybgashay shirarkii loo qabtay Soomaaliya, kuwaasoo uu ku sifeeyey inay ahaayeen qaar lagu khaldamay oo aan mansab dawladeed lagaga qaybgelin, isaga oo tusaale u soo qaatay in shirarkii dhawaan Soomaaliya loogu kala qabtay dalalka Ingiriiska iyo Turkiga markii kadinka laga galay ay noqdeen madaxda Somaliland qaar masuuliyiinta Soomaalya madax u yihiin.
“Kolkii aynu dawladnimadeennii la soo noqonay waxaynu la nimi fikir aynu odhanayno waynu ka wadahadlaynaa Soomaaliya wixii innaga dhaxeeyey iyo sidaynu u wada noolaan lahayn oo aynu u wada noqon lahayn laba dawladood oo jaar ah, waana arrin aad iminka moodo inaan aad loo fasirin.
Waynu wada hadlaynaa uun baa la yidhaa, laakiin maxaynu ku wadahadlaynaa? Ma aha xorriyaddeennii iyo wixii burburka aynu u marnay, wixii dad innagaga dhintay iyo intii xoola la innagaga dhacay, wixii innagu dhacay in maanta si yar uun loo yidhaa way soo noqonayaan wax meesha ku jira ma aha. Waxaynu ka wadahadlaynay waxay ahayd inaynu noqonno laba dawladood oo jaar ah; inaynu ka wadahadalno wixii innaga dhaxeeyey, hadday yihiin daaro safaarado oo dibadda ah sidaynu u kala qaadan lahayn iyo jaar wanaagsan u noqon lahayn. U noqosho Soomaaliya kolaba may ahayn waxaynu ka wadahadlaynay.
Waxaad moodaa in mawqifkii wax iska yara beddeleen iminka. Markii hore iyagaa [Soomaaliya] shisheeyaa ku dhex jiray, haddana waxaad mooddaa innagana inuu shisheeyihii daraf innaga soo galay, sababta oo ah iminka shirarka cusub ee la wado waa shirar ay hoggaaminayaan dawlado shisheeye. Dawladaha shisheeye hoggaanka ay hoggaaminayaan arrintii waxay ka dhigeen wax aynu ku heshiinayno, madaxda Soomaaliyana sidaasay uga hadashaa.
Shirkii London marka laga soo bilaabo iyo kii Istanbul ee Turkiga waxaad arkaysaa fooftaan-habaab inuu ina soo dhexgalay. Iyaga taladooda markii hore ajnebi baa u hayey, taladii wadahadalkana hintaaq baa ku yimi, waxaanad moodaa in loo qaatayba inaynu ka wadahadlaynaba jiritaankii Somaliland iyo gonni-isu-taaggeeda, arrintuna sidaa may ahayne waxay ahayd taan soo sheegay ee ah wixii innaga dhaxeeyey inaynu ka wadahadalno oo jaar wanaagsan noqono.
Baanka Adduunku wuxuu soo saaray in 170 milyan oo dollar oo lagu caawiyey Soomaaliya ay 30 milyan oo dollar xisaab-celin ka keeneen. 140 milyan baa maqan, waana lacag fara badan oo dadka wax badan u qaban lahayd. Nniman maanta ummadda danteedii haya maaha, ummad talo ka go’dana maaha,” ayuu yidhi Eng. Maxamed Xaashi Cilmi.
“Mawqifkaas cusub ee aynu galnay ee la leeyahay aynu la shirno oo dhex fadhiisanno; bal waxaad ka soo qaaddaa shirkii London madaxweynaheennu wuxuu tegay isagoo madaxweyne ah. Shirka markuu galay illeyn la inama ictiraafsanee Shariifkaa inoo madaxweyne ahaa siday iyaguba u fikirayaan. Kolkii wasiirkeenna Khaarajiga iyo weftigiisu tageen Istaanbulna waxa inoo madax ahaa iyaga [Soomaaliya], waayo dadkan isu yimi Soomaaliya uun bay dawlad ahaan u aaminsan yihiin, kolkaa khasaare ayaa halkaa innoogu jira oo ay tahay inaynu mawqifkeennii hore oo ahaa dad ummaddu soo dooratay oo ummadda danayna oo wax ka go’aan inaynu wadahadal la galno, wadahadalkeenuna noqdo sidaynu horeba u qabnay ee ahaa laba dawladood oo jaar ah inaynu noqono, taasanay arrinteennu ahayd.laakiin imika waxaad moodaa in siyaasadeenii arrimaha dibadda qalooc galay oo dalal ajaanib ahi ina soo faragaliyeen.
Reer Soomaaliya kolkay ka hadlayaan arrimaheenna waxay yidhaahdaan cid walba wax baa gaadhay, waanay yasayaan dhibaatadii ay innagu sameeyeen, waxana weeye iyagu iyagaa is gaadhsiiyey, inangana dawladdii dalka ayaa dhibaatada ina gaadhsiisay. Waxay aad u yareeyaan xasuuqii innagu dhacay ee dadka badan ku dhintay ee carruur iyo dumar iyo cid walba lahaa. Waxaanay waxba ka soo qaadin xoolihii badnaa iyo magaalooyinkii la gurtay ee aynu u nimi iyagoo haawanaya, halkaasna waxa ku jira quudhsi siday arrintaa uga hadlaan.”
Wasiirkii hore ee Maaliyaddu oo la hadlayey beesha caalamka waxa uu intaa ku daray,”Caalamku inuu habowsan yahay oo xataa uu khalad ku jiro waxaad ku garanaysaa Soomaali weyn baynu raadinaynaa. Waxaynu nidhi labadeennii dawladood ee ugu horreeyey ee xorriyadda qaatay, iskuna darsaday halkaa ha laga bilaabo oo Soomaalida Keyna, Jabuuti iyo Soomaaliya Itoobiya degtaa ha isu timaad. Xaaladdaasi way isbeddeshay maanta oo Soomaalidii Kenya si wanaagsan bay ula qabsadeen Kenyan. Nabad baa dhacday, horumar bay ku tallaabsadeen, doorashadii bay ku jiraan, meel wanaagsan baanay marayaan. Tii Itoobiya sidoo kale. Jabuuti istiqlaal bay heshay, waana dawladahaas waaweyn ee maanta calanku u taagan yahay. Innagu labaatankii sannadood baynu ka soo kabanay dhibaatooyinkii ina gaadhay oo doorasho, kobcin dhaqaale iyo horumar baynu ku jirnaa, kolkaa afartii gees mid uun baa dhibaatadu ka taagan tahay waana kaas Soomaaliya, kolkaa kii Soomaaliya ee xumaa ayaa caalamku leeyahay ha la isu kiin keeno oo Soomaaliweyn dib u abuura oo dabadeedna halkii ha ka bilaabanto waa mushkilad, jujuub, waxanna wax soconaya ma aha.
Dawladahan yidhaa waxa baannu danaynaynayaa IGAD ha noqoto amma kuwa kalee waxaad mooddaa inay meel aan loo baahnayn oo qar ah jafayaan, ta ina haysataana waxa weeyaan sidaynu arrintan uga baxnaa, waxana weeye inaynu fikraddeennii hore ee ahayd kolkay wax noqdaan, waayo iminka wax maaha. Xataa in lala fadhiisto ayaa ceeb ah, kolkaad aragto siday yihiin ee xoolihii ummadda u lunsanayaan, waxaanad mooddaa in xaaladdeennii wadahadalku innaga yara qalloocatay, laakiin waxaan odhan lahaa aynu arrintaa dib ugu noqono oo danteennii u soo noqono oo kolkay wax noqdaan oo dad masuuliyiin ah noqdaan waxaynu is odhanayno aynu is nidhaahno.”
Wasiirkii hore ee Maaliyaddu waxa uu uga digay beesha caalamku in aanay dalka Somaliland iyo dawladnimadiisa faraha la soo gelin, isagoo arrintaas ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Waxa kaloo inala gudboon in aynaan hoos gelin sidan dawladaha caalamku ugu talinayaan Soomaaliya. Labadaa shir ee London iyo Istanbul innoogu filan xumaane waa inay dawladdu ka noqoto, wada-tashigana badsanno oo xukuumad iyo dadweyne ay Somaliland isku tashato oo laga tashado oo taladu noqono mid muddakar ah oo dadka u qalanta, waxana inoo furan dariiq wanaagsan oo aynu mari karno, waana kaas aynu ku taagan nahay ee doorashadeenna ku gelayno ee dhaqaalaheennii ku kordhinayno.”
“Xukuumadda ka mid baan ahaa, waxan iminka soo baxayna hore umay jirin, shirfkii London baana ugu horreeyey. Waxa Xaabsade loogu diiday oo fiisaha loogu diiday basaboor Somaliland buu sitay, kolkaa inay iska joogaan bay ahayd. Hadday basaboorkeenniiba diiddan yihiin maxaynu ka dooni baa meesha taal? Midna Turkigu maba qarsado oo wuxuu guumaystaa qolooyin badan sida Kurdishka, qolo kalena waakii xasuuqay bari hore. Ninka sidaas ah ma aha mid aqbalaya kala tag iyo wax kale, waana cillad isaga haysata. Inaynu Turkiga kuma dheerayno may ahayn, haddii uu diiday basaboorkaagii anigu waxaan qabaa in weftigu iska joogo.
Ta labaad; weftigeenii qaybta labaad ee shirkii Turkiga ka qaybgeli mayno ayey yidhaahdeen, waanay fadhiisteen, waxaanay ahaayeen markaas arday Soomaaliya ah, madaxna may ahayn, waxana u madax ahaa Shariifka iyo Cabdi-weli, waana waxyaabaha nuqsaanta innagu keenaya,” ayuu yidhi Eng. Maxamed Xaashi Cilmi.
No comments:
Post a Comment