Madaxweyne Geelle oo xafiiskiisa ku qaabiley weftiga Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland ee booqashada ku jooga Jabuuti
Jabuuti (Jam)- Madaxweynaha dalka Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa oggolaaday in baasaaboorka Jamhuuriyadda Somaliland lagu geli karo waddankiisa, kadib markii uu xafiiskiisa ku qaabilay shalay wefti uu hoggaaminayo Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo booqasho ku jooga Jabuuti.
Wasiirka Warfaafinta Somaliland Md. Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe) oo weftiga madaxweyne-ku-xigeenka ka mid ahaa, balse isagu dib ugu soo laabtay shalay dalka, ayaa sheegay in Madaxweyne Geelle aqbalay in baasaboorka Somaliland lagu tago dalka Jabuuti, isagoo arrintaas ka hadlayeyna wuxuu yidhi “Waxaan xusi karaa arrimihii aannu Madaxweynaha Jabuuti kala hadalay ee uu oggolaanshaha naga siiyay in baasaboorka Somaliland si rasmi ah loogu tagi karo Jabuuti, iyadoo xafiiskii Somaliland ee Jabuuti furan yahay. Waxa la magacaabay ninka Jabuuti wakiilka uga noqonaya Hargeysa.”
Waxa kaloo wasiirku tilmaamay in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland ay ka wadahadleen sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga labada dal ee dhinacyada ganacsiga iyo nabadgelyada, isla markaana isla waafaqeen qodobadda laga arrinsaday ee ku wajahnaa taabbogelinta xidhiidhka labada waddan ka dhexeeya.
“Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland iyo weftigiisii waxaannu saaka (shalay subax) xafiiskiisa si rasmi ah ugu booqannay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle. Markii aannu shirkaasi ka soo baxnay ayuu Madaxweyne-ku-xigeenku shir jaraa’id ku qabtay xafiiska Madaxweynaha Jabuuti oo uu kaga warramay waxyaabaha saddexdii maalmood noo qabsoomay. Waxaan xusi karnaa waxa weeye soo dhawayntii qiimaha lahayd iyo martiqaadkii markii horeba nooga yimi Ra’iisal-wasaare Dalayta Maxamed Dalayta soo dhawayntiisii isagoo ilaa lix wasiir ay la socdaan. Saddexdii maalmood oo ay maanta (shalay) noogu dambaysay waxaannu intaba ka helaynay qadooyin martiqaad ah madaxda Jabuuti ee kala geddisan,” ayuu yidhi Wasiir Boobe, waxananu intaa ku daray in booqashadaasi si wanaagsan ugu dhammaatay.
Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayay goobaha ay booqdeen weftiga madaxweyne-ku-xigeenku waxa uu yidhi; “Dekado door ah oo Jabuuti leedahay mid baa ka mid ah la yidhaa Dekadda Kalluumaysiga, waxana qodaysa shirkad reer Jasaa’ir ah (Aljeria) oo ciid qaadaysa si gunteedda loo dheereeyo. Iyadoo dawladda Jabuuti waxoogaa soo fidisay waddada Saylac timaad dhismaheeda ama kabisaadeeda. Madaxweynuhu wuxuu ballanqaaday in shirkaddan qodaysa dekaddaasi ay Saylacna iman doonto si iyadana gunteeda u sii dheerayso.”
“Waxa kaloo aannu madaxweynaha Jabuuti ka wadahadalay sidii ganacsatada labada dal ay labaduba u maalgashan lahaayeen Somaliland, kadib markii shirkadda Coca-cola la furay in la soo dhaweeyey maalgashiga shisheeye iyo ka dalalka Jabuuti oo kale ah ee aynu jaarka nahay.
Waxay muujinaysay booqashadani in xidhiidhka labada dal maalinba maalinta ka dambaysa uu sii xoogaysanayo,”ayuu yidhi Wasiirka warfaafintu.
Sidoo kale, waxa isaguna isla shalay dalka ku soo laabtay Wasiirka Duulista Hawada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Guddoomiye-ku-xigeenka 3aad ee xisbiga talada haya ee KULMIYE Md. Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle
No comments:
Post a Comment