09 June, 2012

Bayaaminta Qodobka Muranka laga abuuray ee Go’aankii Maxkamadda UDUB


Bayaaminta Qodobka Muranka laga abuuray ee Go’aankii Maxkamadda  UDUB

Waxaa Qoraalkan igu kallifay inaan ka marag furo wixii aan ka ogaa xogta arrinta muranka laga abuuray ee ninba dhinac ula kacay Xukunkii maxkamadda sare ka dib, maadaama aan ahaa cida Guddoomiye ku xigeenka ay isugu dhawaayeen, ha noqoto xilka aan Xisbiga u hayey oo talo wadaag badan aanu lahayn ama isku dhawaansho iyo daacadnimo muranka ka hor naga dhaxaysay.

Waxaynu wada ognahay arrinta salka u ahayd murankii soo dhex-galay Xisbiga UDUB ee markii ugu horreysay kala qaybisay masuuliyiintii Xisbiga ee Dalka ku sugnayd, gaar ahaan caasimadda, inay ahayd arrinta Musharaxnimada jagada Madaxweynaha iyo ku xigeenka ee Xisbiga. Waxay ahayd arrin ay masuuliyiin badani ka biyo diideen Xeer-Hoosaadkii aanu u samaynay Qaabka Xulashada Musharixiinta hadday ahayd lacagta ku magacawnayd dhigaalka oo aad u badnayd (US$ 285,000) iyadoo ay jirtey lacag kale oo ahayd curaar oo dhammayd US$15,000/- oo laga rabay Lammaanaha Musharixiinta Madaxweynaha iyo ku xigeenka iyoQodobka ah in musharaxa jagooyinkan isu soo taagayaa labadii sanno ee u dambeeyey uu xubin firfircoon ka ahaa Xisbiga, taasoo keentay in Xubno ka mid ah Masuuliyiin damac lahaa ay ka gacan taagteen, shirar dambana aanay ka soo qayb gelin muddadii hawshaa la waday. Waxay noqotay arrin aan loo joojin, waxase khilaafka ugu weyni yimid markii aanu baahinay in muddo 15 casho ah lagu soo xareeyo araajida musharixiinta xafiiska Xoghayaha Guud, muddadaa dhexdeeda ayay ahayd markii khilaafka ugu wayni kacay taas oo uu ka bilaabmay haddalo uu wargeysyada kaga hadlay Guddoomiye ku Xigeenka Xisbigu iyo waliba Xubin uu maalmahaa xisbiga ku soo daray oo ku soo biiray madasha musharixiinta oo isaguna haddalo aan looga fadhiyin warbaahinta ku faafiyey. Waxaa luntay kalsoonidii Masuuliyiin badan oo xisbiga ah iyo Guddoomiye ku xigeenka oo lagu eedaynayay inaanu dhex ka noqon Karin arrinta musharixiinta maadaama oo uu nin xisbiga ku cusub oo aan shuruudihii la dhigay buuxin Karin uu tuurta ku sito. Waxa ka dib la gartay in la saaro Guddi Turxaan Bixineed intaan tartan la qaban waxaana la magacaabay 14 xubnood oo dhamaystira Turxaanta iyo kalsooni darrida dhalatay, waxase nasiib-darro ahayd in Guddoomiye ku xigeenka xisbigu joojiyey maalintay fadhiisan lahaayen kuna adkaystay in aan dib loo dhigayn wax uu ku tilmaamay in khudbad laga dhagaysto wiilka uu xambaarsanaa ee Md. Jamaal taasoo aan meelna kaga qornayn shuruuddii iyo xeer-hoosaadkii musharixiinta (waa meesha aanu ku kala tagnay marku iga diiday inuu hal maalin I siiyo oo aan xisbigii isla doonto guddigii turxaanbixintana fadhiisiyo), waxase ku hoos jiray afduub ah in Masuuliyiintii iyo Fulintii Xisbiga oo kala maqan kaligii cod loo taago, taas oo aanay ka wada warqabin oo naxdin iyo ku soo booddo ku noqotay intii lagu soo afduubay inay khudbada inanka dhagaystaan, waxaana dhacday in cod la riday iyadoon Xeer-hoosaadka u dhignaa loo qaybin loona akhriyin xubnaha joogay oon qaar ka mid ahi kaba warhayn, iyadoo la baal maray wixii Xeer-hoosaadkaa ku qornaa oo ahayd labada sanno iyo waliba in xeerkaasi ku qornayd in musharaxa madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen lagu doorto qaab lammaane ah, taasoo aanay jirin cid lagu lammaaneeyey musharaxa maalintaa la soo bandhigay iyadoo dhawr nin oo fadhiyay midba gaar loogu sheegay oo lagu soo kaxeeyey inuu lammaane ku xigeen u noqonayo, waxa aan jirin kooram G/Fulineed oo wax ansixiyey iyadoo markii dambe xubno aan Fulinta ku jirin fadhigaa u dambeeyey uun xubno kale lagu badalay, waxa gabi ahaanba la baal maray hannaankii doorasho ee Xeerka Guud ee Xisbiga. Waxa la dafiray oo la iska indho tiray warqaddii uu soo diray Guddoomiyaha Xisbigu taas oo markii uu ka war helay khilaafka Xisbiga uu Warqaddaa u soo diray Guddoomiye ku xigeenka iyo masuuliyiinta kale ee xisbiga kuna laalay Musharaxnimada Xisbiga ee muranku ka dhashay. Waxa haddaba ceeb ah in lagu sii socdo muran indho la’aan ah iyadoo laba Go’aan oo xukun ahi ka soo baxay murankaa (Go’aanka Guddiga Diiwaangelinta iyo Go’aankii rafcaanka ee Makamadda Sare), taasoo waliba ciddii dacwaddaa Xisbiga ku waday ay ku qanci la’adahay ilaa hadda oo ay xukunkii dhacay ee sida cad loogu dhawaaqay, qoraalna lagu bixiyey ay tafsiir khalad ah si badheedh ah ugula kaceen.

Nuxurka Warqadda Igmashada Guddoomiyaha Xisbiga

Waxan jecelelahay inaan wax ka iftiimiyo Warqadda igmashada ee Guddoomiyaha Xisbigu ku soo igmaday 35 Xubnood oo Xisbiga ahaa inay soo xulaan Golaha Dhexe, warqaddaas ayaa Sumadeedu tahay Ref: JSL/GXUDUB-001/10/2011 kuna taariikhaysnayd03/10/2011, Ujeedada warqadda ayaa ahayd Guddiga soo xulidda Xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Bahweynta UDUB. Warqaddaas ayuu Guddoomiyuhu ku Xusay in Guddigaa uu Guddoomin doono Guddoomiye ku Xigeenka Xisbigu, waxa kale oo Guddoomiyuhu isla warqaddaas ku sheegay inuu 35 xubnood si gaar ah ula hadhay oo uu isagu soo magacaabi doono.

Waxa haddaba isweydiintu tahay warqaddaas, oo maxkamaddu sheegtay inay ku dhaqan sharci leedahay haddii nuxurkay xambaarsantahay lagu dhaqmay sideedana loo raacay, ma loo raacay sideedii iyo nuxurkii ay lahayd?

Waxaan xog-ogaal ahaan qirayaa maadaama aan ahaa/ahay Ku Simaha Xoghayaha Guud ee Xisbiga UDUB inaan nuxurka warqaddaa la raacin oo la baal maray

1. Ma jiraan meel 35-kii xubnood ee la soo wakiishay wax ku soo wada saareen, xataa 19ka xubnood ee Guddoomiye ku Xigeenku magacaabay oon qaarkood ku jirin liiska 35ka ah ma jiraan meel ay iskula dhammaystireen liiska Golaha Dhexe ee la soo igmaday, ama saxeex guddigaa laga hayaa.



2. Waxa guddigaa la soo igmaday ku jiray 10 Xildhibaan halka guddiga dambe ee Guddoomiye xigeenku magacaabay aanu mid qudhi kaga jirin.



3. Waxa liiska Golaha Dhexe G/Xigeenku gaadhsiiyey 476 xubnood oo ay dheeryihiin Xubnaha Golaha Wakiilada ee Xisbiga UDUB.



4. Wuxu Guddoomiye ku xigeenku G/Diiwaangelinta u gudbiyey liis ka kooban 351 Xubnood oo Gole Dhexe, mana jirto xataa 19ka xubnood uu magacaabay wax uu dib ugu soo celiyey oo tiradaa hore iyo tan dambe ay isla waafaqeen. Waxanu liiska uu Gudbiyey ka reebay dad badan oo kaadhad G/Dhexe haysta



5. Ma jirin tiro loo reebay Guddoomiyaha Xisbiga sida ku xusan warqada uu igmashada ku soo sameeyey oo uu kula hadhay 35 xubnood oo isagu soo magacaabayo, iyo waliba tiro 10 xubnood ah oo Xeerka Xisbigu u ogolyahay Guddoomiyaha inuu isagu ku soo xulo kartidooda, taasoo Guddoomiye ku xigeenku toos ugu gudbiyey G/DiiwaangelintaGuddoomiyaha oo jooga, isagoo dhinaca kalena dafirsan tirada warqadda igamashada uu kula hadhay iyo ta Xeerku siinayoba



6. Guddoomiye ku Xigeenku wuxuu baal-maray Xeerka Xisbiga Qod. 13.1 oo ka dhigaya tirada Golaha Dhexe 161xubnood ay 19 ka mid ahi yihiin G/Fulinta, iyadoo qodobku sheegayo in laga badin karo hadba sida loogu baahdo, haddana waxa waajib ah in marka hore lagu saleeyo tirada qodobkani sheegay, kordhintana loo raaco habka xeerka Xisbigu tilmaamayo.

Iyadoo haddaba waxaas oo khaladi jireen, warqaddaa Guddoomiyuhu soo dirayna la macno tiray oo aan marnaba nuxurkeedii la dhaqangelin, waliba khaladaad badan oo aan dulmarayna jireen, waa indho adkaan iyo kaalay ila muran in wali khalad dambe lagu sii socdo iyadoo la gaadhay halkii ay ku soo gudhaysay oo ahayd Maxkamadda Sare.

Haddaba mid waxaan leeyahay Guddoomiye ku xigeenka midna kooxda kale. Mid waxaan leeyahay Guddoomiye ku xigeenka oo aanu muddadaa si gaar ah iyo si guudba u soo wada shaqaynay: Guddoomiye Xigeen ama Saaxiib waxba adiga kaama lumin, maxkamaduna xilkaagii ayuunbay kuu sheegtay, Xeerarka iyo tacabka kale ee aad tabaysana waa wax xisbiga u yaal oo aan lumayn marba inta anfaca badana Xisbigu wuu inala arki, waxa dan inoo wada ah inaan wakhti dambe muran inagaga lumin iyadoo hawlo badani xisbiga u yaalaan.

Kooxda kale waa laba, qolo meeshay u socoto la wada ogyahay oo raba cid ay xisbiga kasii kaxaystaan (waa Shan Xubnood) iyo afraad kale oo si qaldan wax loogu sheego ama maalinta shir jaraa’id la qabanayo uun kamarada laga soo saaro.

Qoloda hore waxan leeyahay waxa jira nin soo gal rag leh oo sii bax dumar leh.

Afraada kalena Guddoomiyaha iyo inta Xisbiga lexejeclada u leh ayay waajib ku tahay inay ka qanciyaan wixii qalad loo fahansiiyey, iyaguna waa inaanay xisbiga marti kuma ahee cidda xumaanta wadda aanay ku soo raacin

Abdi Halim Mohamed Musa

K/S Xoghayaha Guud ee Xisbiga UDUB
http://samotalis.blogspot.com/

No comments: