Axmed Ibraahim Cawaale
Hargeysa, June 6, 2012 (Haatuf) - Axmed Ibraahim Cawaale oo ahaa ninkii loo xidhay buugg uu ka qoray Taariikhda beelaha Soomaalida iyo Isirkoodu xagay ka soo jeedaan ee xasaasiyada keenay oo shalay laga soo daayay xabsiga, ayaa sheegay in buugaasi uu qoray ee la yidhaa Dirkii Sac-maalada uu qaybo ka soo xigtay nin Maxamed Hirad la yidhaahdo, isla markaana uu ka soo xigtay Website-ka Wardheer-news, waxaanu intaa ku daray inuu buugaasi intii suuqa gashay uu ururiyay, isla markaana ka saari doono waxyaalaha lagu aflagaadaynayo Isirka qabiilooyinka Somaliland, waxaanu qiray qalad ka dhacay.
Qoraaga buugaasi waxaa uu cadeeyay inuu raaligalin ka bixiyay dareenada xasaasiyadu ka dhalatay ee ku duugan buugiisa.
Mr Cawaale oo shalay xabsiga laga soo daayay oo arrimahaa saxaafada uga waramay ayaa waxa uu yidhi “Horta Buugan Xiisada kiciyay anigu ma lihi Website-ka Wardheer-news buu ku jiraa, ninka qorayna Maxamed Hirad baa la yidhaahdaa waxaanu ku daabay April 2010-kii, balse markaan eegay arrimaha xasaasiyada kiciyay ee qabaa’ilka waxaan arkay in qalad dhacay, buuga intii suuqa gashay waan ururiyay, balse anigu waxaan soo xigtay, calaa’kuli xaal waxaan doonayaa inaan buugii dib u saxo, kana saaro waxyaalihii la dhibsaday, xataa waxa la yidhi ninkan waa laga dambeeyaa, laakiin buugani waa mid ka hadlaya taariikhda Soomaalida iyo asalkeedii”
http://samotalis.blogspot.com/
No comments:
Post a Comment