Xildhibaanka oo maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa.................
Hargeysa(GNS):-Xildhibaan maxamed C/raxmaan oo ah Mudane ka tirsan golaha guurtida Somaliland ayaa maanta shir jaraa’id oo uu ku qabtay hotel xaraf waxa uu jawaab adag kaga bixiyey hadalo isla maanta ka soo yeedhay xildhibaan waabeeye oo ka tirsan golaha wakiiladda, isla markaana ah gudoomiye ku xigeenka 2aad ee xisbiga talada haya ee Kulmiye oo ugu hanjabay mudaneyaal golayaasha ka tirsan kuwaasi oo ka biyo diidey habdhaqanka xukuumadda siilaanyo.
Xildhibaan Maxamed C/raxmaan Ayaa ku tilmaamay mid sharaf dhac ku ah xildhibaan waabeeye sidoo kale wuxuu sheegay inuu yahay xildhibaan waabeeye nin aan la socon waaqiciga siyaasadda Siilaanyo.
Sidoo kale xildhaan maxamed C/raxmaan mar uu ka hadlayay masuuliyiinta ku eedaysnaa lunsiga raashinka ee xukunkoodu dhacay dhawaan waxa uu yidhi “ hadaan ka hadlo masuuliyiintii lasoo eedeeyey ee dhawaan lagu ridey xukuunka aan cadaaladda wafaqsanayn ee been abuurka laga sheegay waxaad ogtihiin in lagu waayay wax cadaymo ah maxkamadduna ay xukun been ah ridey hadaba waxaan leeyahay xukuumadda siilaanyo waxa weeyi doon laba khafis leh kaasoo xaga hoose ay kujiraan nimanka madaxda sheeganaya xaga sarena ay saaranyihiin shacabku kuwaasi oo doonaya inay shacabka ku dalooliyaan biyaha badda hadaba waxaan leeyahay umadda beenta ka daaya oo cadaaladda kula dhaqma”
Ugu danbeyntii waxaan leeyahay walaalkay xildhibaan waabeeye meesha aad taallaa waa halkii lagu sadqeeyay C/raxmaan C/qaadir Oo ahaa ninkii lacagta xildhibaanimadda kuu sahashay kusiiyay ee umadda kaala mid dhigtay hadaba waxaan kuleeyahay maalin maalmaha ka mida in aad adigu laftaadu halkaa imin doonto , oo sidaa si leeg laguugu gawrici doono” ayuu yidhi xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan
C/raxmaan Muuse Yuusuf
Gabiley News Reporter
Hargeysa/Somaliland
Soodaani@gmail.com
No comments:
Post a Comment