07 May, 2012

Xeer ilaaliyaha guud ee Mareykanka Eric Holder oo xukun dil ah u raadinaya sadex qof oo Soomaali ah


Xeer ilaaliyaha guud ee Mareykanka Eric Holder oo xukun dil ah u raadinaya sadex qof oo Soomaali ah oo loo haysto toogashadii afar Maraykana oo watay doon dalxiisa

Dadkii ku dhintey hawlgalkaasi ee loo haysto dilkooda sadex nine e Soomaalida ah ayaa waxay kala ahaayeen mulkiilayaashii doonidaasi Jean & Scott Adam iyo..

Dacwad ku oogayaasha Mareykanka ayaa sheegay inay u raadinayaan xukun dil ah sadex qof oo Soomaali ah hadii lagu helo dambi ah toogashiidi afar qof oo Mareykan ah loogu geystey dooni afduub loogu haystey xeebaha Soomaaliya sanadkii la soo dhaafay. 

Axmed Muuse Salaad, Abuukar Cusmaan Beyle, iyo Shani Nurani Shekih Abrar waxaa laga yaabaa inay mutaan xukuno kale oo dil u horseedaya kuwaasi oo ay ka mid tahay inay afduub, u qabsasho dad la haysatnimo keentey dhimasho, ku kicid fal dhan ka ah xasiloonida socdaalka badda oo keenay dhimasho, kuwaasi oo dhamaantood marka la isagu tago isku noqonaya kiisas dambi oo gaadhaya 22 ka mid ah 26 kiis ee xukunka dilka. 

Xeerilaaliyaha guud ee Mareykanka Eric Holder ayaa la xaqiijiyey in uu raggan Soomaalida ah u doondoonayo xukun dil ah, isagoo arinkan go’aansadey maalinimadii Isniinta. 

Dadkii ku dhintey hawlgalkaasi ee loo haysto dilkooda sadex nine e Soomaalida ah ayaa waxay kala ahaayeen mulkiilayaashii doonidaasi Jean & Scott Adam oo ka soo jeeda deegaanka Marina del Rey ee gobolka California, iyo saaxiibadood Bob Riggle & Phyllis Macay oo ka soo jeeda Seattle. 

Afartan qof waxay ahaayeen muwaadiniintii Mareykanka aheyd ee ugu horeeyey ee lagu dilo fal ku saleysan budhcad badeednimo oo ka dhaca xeebaha Afrika, iyadoo dilkooda uu yimid ka dib markii Markab dagaal oo ay ciidamadu Mareykanku leeyihiin uu isku dayey inay xoog ku soo furtaan la haystayaashooda. 


Mareykanku waxay qabteen 14 ka mid ahaa budhcad badeeda waxay siidaayeen hal mid oo ka mid ahaa oo la sheegay in da’diisu ay yareyd oo aan maxkamad la soo taagi karin, halka inta kale falkaasi lagu helay. 

11 ka mid ah raggan ayaa la xaqiijniyey in lagu xukumay xabsi daa’in ama madaxaa ha ku furto, iyadoo loo cuskaday lugtii ay ku lahaayeen afduubkan. 

GNS News Desk Helsinki 
contactgabiley@yahoo.com
http://samotalis.blogspot.com/

No comments: