“Cidna Ka Yeeli Mayno Inay Sharci Daro Nagu Samayso, Barito Ayaanu Samaynaynaa Mudaharaadyadii Aanu Ku Muujinaynay Go’aankaasi Sharci Darada Ah” Gudd Udhis Muj Ibraahim Dhagaweyne
Hargeysa, May 1, 2012 (Haatuf) - Gudoomiyaha urur siyaasadeedka Udhis Mujaahid Ibraahim C/llaahi Xuseen (Dhago-weyne) ayaa shaaca ka qaaday inay maanta dalka ka dhigi doonaan mudaharaadyo salmi ah oo ay ku muujinayaan cabashada ay ka muujiyeen go’aankii guddiga diiwaangalinta ururada iyo ansixinta Axsaabta siyaasadu ay ku sheegeen in sagaalkooda urur ay ku dhaceen qiimayntii ay ku sameeyeen, waxaanu tilmaamay inaanay aqbali doonin go’aankaasi.
Gudoomiyaha Udhis Ibraahim Dhago-weyne waxa kale oo uu ku eedeeyay guddiga diiwaangalinta inay ku kaceen awood Maxkamadeed oo sharci daro ah, isla markaana waxa uu cadeeyay in go’aankaasi lagu reebay uu sharci daro ahaa.
Mujaahid Ibraahim Dhagaweyne oo shalay socdaal ku tagay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer oo warbaahinta uga waramay mawqifka ay ka taagan yihiin go’aankii guddiga diiwaangalinta ka soo baxay, isaga oo arrinkaa ka hadlayana waxa uu yidhi “Guddiga diiwaangalintu awood aanay lahayn ayay isticmaaleen, awooda kala reebista ururadana iyagu malaha, anagu shuruudihii nalaga doonayay oo dhan waanu buuxinay, waxaanu leenahay waxay ku kaceen guddigaasi waa qayrul sharci. cid noo yeedhay oo naga qancisay shuruudaha aanu ku hadhanayna ma jirto, cidna ka yeeli mayno, sharci daradaasi nalagu sameeyay barito ayaanu samaynaynaa mudahahraadkii aanu ku muujinaynaynay go’aanka aanu gaadhnay”
Dhinaca kale xukuumada ayaa la sheegay inay diyaar garow culus ugu jirto sidii ay uga hortagi lahayd mudaharaadyadaasi ay ku baaqeen ururadii ku dhacay natiijadii guddiga diiwaangalinta ururadu ay soo saareen, taas oo ilo wareedyadu sheegeen in ciidamo tiro badan la dhoobay fagaarayaasha khayriyooyinka ee magaalooyinka waaweyn ee dalka.
http://samotalis.blogspot.com/
No comments:
Post a Comment