03 May, 2012

Maayar sheegay inuu damac kaga jiro inuu isu soo sharaxo xilka madaxweynenimo

Maayar sheegay inuu damac kaga jiro inuu isu soo sharaxo xilka madaxweynenimo

Hargysa,-Duqa caasimada Hargeysa Xuseen Maxamed Jiciir ayaa ku eedeeyay shirkadaha Laydh-tiriiga inaanay wax canshuur ka bixin tiirarka ama birahan laydhka ee ay magaalada Hargeysa ka wada dhex qotomiyeen,wuxuu intaas ku daray in markay u yeedhaan ay qaarkood is dhego maraan oo aaney u iman taas darteedna hadda laga bilaabo ay dhulka dhigi doonaan tiirarkooda ama birahooda laydhka, duqu wuxuu sidaas sheegay maruu shalay warbixin siinaayey gudiga joogtada ee golaha guurtida.

Maayar Jiciir wuxuu kaloo duray Shiikh Aadan Siiro oo ka mid ah mulkilayaasha shirkadaha Laydh-tiriiga islamarkaana leh tiirarka ama biraha ugu badan ee caasimada Hargeysa ka dhex qotoma,wuxuuna ku eedeeyay inaanu Shiikhu u iman markastay u yeedhaantaas la ajligeedna birahiisa ay dhawaan fuji doonaan, oo dhulka dhigi doonaan ee yaanu cabanin, wuxuu maayarku intaas raaciyey in Aaden Siiro mubaax u yahay inuu sidiisii masaajidada kaga hadlo arintan oo kale.

Dhinaca kale maayarka Hargeysa wuxuu tibaa xay inaanu iyaga keliya mudadii sharcigu ka dhaamaan ee golayaasha guurtida iyo golaha barlamaankuba kuraasta ku fadhiyaan muddo-dhaaf, wuxuuna maayar Jiciir warbixintiisa ku soo gebagebeeyay inay kuligoodba golayaasha dalka oo dhami ku fadhiyaan muddo-dhaaf ,waqtigoodii dhamaadey.dhinac kale duqa caasimada Hargeysa wuxuu sheegay in hunguri ama damac ka hayo jagada tan ugu xigta ee uu isu soo sharaxi doonaa tahay kursiga madaxtooyada ama madaxweyne!

Isku soo wada duuboo waxaa halkaas ama hadal duqa Hargeysa ka dhadhamaaysa in golayaasha dalka oo dhami muddo dhaaf ku fadhiyaan kuraasta islamarkaana aney muuqan ama jirin werwer in doorasho dhici doonto iyo inkale.



No comments: