Wargeyska Caalami.
“Anigu suldaan ahaan ma aaminsani iney siilaanyo iyo afarta uu wataa matalaan shacbiga somaliland, Waxa la Gudboon inuu Is Casilo”
Muqdisho (Caalami)-Boqo Maxamed Jaamac Guray oo ka mid ah Madax Dhaqameedka Somaliland oo ka Qayb galay Shirka Qabyo Qoraalka Dastuurka Somaliya ee Muqdisho lagu Ansixinayo ayaa ka Warbixiyay Tagitaankiisa Muqdisho, Doorka Madax dhaqameedka Somaliland ku leeyihiin Shirkaasi iyo Xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo oo uu ku Tilmaamay mid aan Matali Karin Shacabka Somaliland isla markaana ah mid ku Fashilantahay Waxyaabihii lagu Doortay.
Boqor Maxamed Jaamac Guray oo Xalay Khadka Telefoonka ugu Waramay Wargeyska Caalami ayaa Naqdiyay ka Qayb galka Shirarka Somaliya oo uu Sheegay in ay Dabarka ka Furtay Xukuumadda Axmed Siilaanyo isaga oo Tilmaamay in aan Cidna laga hor istaagi Karin maadaama la Jabiyay Sharcigii Xakamayn jiray in laga Qayb galo
Boqor Guray oo ka mid ahaa Ergooyinkii Shirka ayaa Sheegay Shirku si fiican usocdo, walina aanu si Buuxda u Furmin balse illaa barri la filayo inuu si Rasmi ah u Furmi doono, Waxa kale oo uu ka Warbixiyay Doorka ay ku leeyihiin Madax Dhaqameedka Somaliland Shirkaasi waxaanu yidhi “ Door Fiican ayay ku leeyihiin Madax dhaqameedka Somaliland shirkaasi, ha noqodeen kuwa shirka yimi ama kuwii hore ujoogay, sifiicana way uga qayb qaadanayaan, Kaalintoodiina Way Buuxinayaan, sifiican baa la noo qaabilay” ayuu yidhi Boqor Guray
Boqorka oo aanu wax ka Waydiinay Muranka ka Aloosan Qodobo ka mid ah Dastuurka oo Ergooyinka iyo Beelaha Somaliya qaarkood Saluug ka muujiyeen ayaa waxa uu ku jawaabay“Anigu Shaqsiyan Dastuurka Maan Arag, Manaan Akhriyin, waa wax soo socda oo kolay madax dhaqameedka iyo ergooyinka loo soo Bandhigi doono, waa la arki doonaa, Way jirtaa oo wax kasta oo la keeno la iskuma wada raaco, oo waa lagu kala aragti duwanyahay,laakiin waxaa waxaas oo dhan ka muhiimsan oo aniga igala horeeya in la wada hadlo, haddii la wada hadlana waa la heshiiyaa, Somaliland iyadaa wixii qaldan saxan karta oo toosin karta,markaa waxyaabahaasi oo dhan marka hawsha la gudo galo ayaa laga wada hadli doonaa”
Boqorka mar aanu wax ka waydiinaya Go’aankii Somaliland ka soo saartay Salaadiinta ka qayb galka shirka Qabyo Qoraalka Dastuurka Somaliya iyo Aragtidiisa Arintaasi ayaa sheegay in aanay haboonayn in la Xakameeyo “Arrintaasi waxay iila muuqataa mid aan ku haboonayn sida loo dhigay sababtoo ah dadka reer Somaliland arrintaa distoor bay ka dhigteen madaxweyne Siilaanyo wuxuu jabiyay sharcigii ahaa inaan laga qayb gali karin shirar kasta oo loo qabanayo somalida meel kasta oo lagu qabanayana in la tago iyagaana jideeyay, markaa anigu arrintaa in laga hadli karo uma arko, maadaama distoorkii laga saarey maaha siyaasad, waxaan halkan u joogaa waa madaxdhaqameed.markaa weynagii hore u ogayn madaxweyne siilaanyo waakii ka qaybgalay shirkii london ee shariifka ay wada kulmeen aniguna waxaan aamin sanahay in qodobkii meesha uu ka baxay sharci diidaya inaan madax dhaqameedka soomaaliyed la kulmaana aanu jirin, oodo dhacameed sidey u kala sareeyaan ayaa loo kala guraa markaa arrintan waa arrin maanta bilaabmaysa oo madaxdhaqameedka soomaaliyeed inay isku yimaadaan ay waajib tahay in waxyaalo badan laga tashado lays weydiiyana dhibaatada jirta halkay doontaba haka jirtee, somaliya waa markii koowaad ee sidan oo kale la iskugu yimaado tanina waa qorshe wax wal oo la tabanayo ama la isku diidan yahay lagaga hadli karo shirkanina wuxuu sahlayaa in kasta oo hore uqaldanaa la saxo waxaanan umalaynayaa iney ka fiicantahay halkii hore layskaga cambaarayn jirey aan la is cambaarayn, dhinaca kale anigu suldaan ahaan ma aaminsani iney siilaanyo iyo afarta uu wataa matalaan shacbiga somaliland,madaxweyne siilaanyo waxa doortey shacbiga Somaliland waxaanay ku doorteen cod 70% ujeedaduna waxay ahayd isbadal inuu sameeyo, horumar sameeyo,cadaalad iyo sinaan helaan,waxqabad helaan,shaqo abuurid helaan, Waxyaalahaasi oo dhan inuu Siilaanyo sameeyo ayay dadku u doorteen waxaanan maanta leeyahay waxyaalahaasi oo dhami waxay noqdeen halba caad lagu lisay waxaanan u arkaa inuu khiyaameeyay oo uu curyaamiyay dadkii doortey beena u sheegay markaa waxaan aaminsanahy in dadkii doortey ee 70% ku doortey maanta codbixin kale haddii la qaado walaahi waxaan ku kalsoonahay inaanu 3% helayn aan reerkooda ahayn iney waxyaabo fara badan oo aan loo baahnayna iney labadii sano ee ay xilka hayeen galeen waxaanan leeyahay hadday noqoto saxaafadda, shacbiga, boqoradda, masuuliyiinta, intaba iney xadhig iyo handadaad iyo cago juglayn kula kaceen, intaa kadib waxa kale oo jira in khayraadkii dalka ee umaddu wada lahayd loo sinaan waayo, shirkadihii maalgashiga loo sinaan waayo, waxyaalahaasi iyo kuwo kaleba ay jiraan sidoo kale waxaynu ognahay in cadaaladdii dalka uu farogaliyay nidaamku dimuqraadiyadda reer galbeedku wuxuu sheegayaa in haddii madaxweyne la doortey oo umaddu u codeysay balan qaadyaddii fulin waayo inaanu madaxweyne ahayn ayuu nidaamka reer galbeedku sheegayaa, waxaana la gudboon inuu iscasilo, oo aanu shacabka Somaliland marnaba matali karin shirna ka qaybgali karin sababtoo ah kalsooni kama haystaan dadkii soo doortey meel ay wax u socdaana lama garanayo.waxa kale oo jira in golayaashii baarlamaanka, guurtida, sharci dejintii ay dhammaan isku milmeen waxqabadkeeduna wuu liitaa oo shacbigu way wada ogyihiin waanan ognahay cadaalad daradii uu samaeeyay ee kala reebista ururadda oo waan ka wada dharagsan nahay”
Boqor Guray oo Hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi“Sideynu ognahay ka qayb galka shirka somaliya sharci baa ka yaalay kaaso oo ahaa inaan meel somalia joogto aan la soo istaagin qodobkaana Siilaanyo isagaa jebiyay, una gudbiyay baarlamaanka weyna ansixiyeen haddana waxa laleeyahay waa la joojiyay oo salaadintu ma tagi karaan ma garanayo wax uu qarinayo sharciguna maaha in uu noqdo la joojiyaana banaan la jiifiyaana banaan, waan ku soo noqonayaa somaliland wax alaale wax iga hortaaganina ma jirto”
Boqor Maxamed Jaamac Guray mar aanu Wax ka waydiinay in Xukuumaddu la socotay Tagitaankiisa Xamar ayaa waxa uu yidhi“Maya cidna xukuumadda kala maan xidhiidhin mawqifkayguna wuu cad yahay waxay wad-wadaana ma aqaan, mana aaminsani, haddii cadaalad lawaayana waa la kala socon uun, lama xidhiidhin cidna kalama xidhiidhayo mana jecli inaan lahadlo madaxweyne siilaanyo iyo xukuumaddiisa garan-waaga ah, xukuumadda garan waaga ayaa ku badan oo meel ay ka yimaadeen laba garan maayo kuwaasi uu dalka kusoo daayay, markaa kuwaasi anigu lahadli maayo”
Boqor Maxamed Jaamac Guray waxa uu Saxaafada u soo jeediyay in ay ka hadlaan runta isla markaana tilmaamay in aan la Cabudhin Xoriyatul Qowlka “Adeerow marka hore waxaan jeclaan lahaa saxaafadda madax banaan waxa wanagsan in waxyaalo dhexdhexaadnimo ah ka hadlaan oo cidna aan xuquuqdeeda meel kaga dhacayn waxyaalo kalena aanay ku jirin waxayaalaha aan ku dhaliilayno siilaanyo waxa ka mida cabudhinta saxaafadda oo markii ay ololaha ku jirtey odhanaysay, saxaafadda ayaanu xor ka dhigi maantana hal mar ayay 20 wariye xabsiga dhigeen, waxyaabaha nasiib darrada ah ee dhacay ayay ka mid tahay, saxaafaduna iney sida xukuumadda siilaanyo dadka dhibto maaha, waa iney waxyaabo badan ilaaliso, aniga siilaanyo ima dooran meeshana imuu keensan, Buurmadawna waa nin tolnimo naga dhaxayso takale wax yar ayaan joogay madaxda somaliya inaan la kulmo wey noqonaysaa, waanan la kulmayaa waanan kawada hadli doonaa waxyaabo badan oo somalida dan u ah”
Boqor Guray Waxa uu Madaxwaynaha ugu Baaqay inuu Xilka iska Casilo maadaama oo uu hanan kari Waayay Kalsoonidii Shacabka, Cadaaladana ku Dhaqi kari waayay Bulshada “Siilaanyo waxaan leeyahay waxyaabo badan oo lagaaga cabanayo ayaa jira, sida masuuliyiintan aad xidhxidhay, markaa waa in xukuumaddan la xakameeyo ama la joojiyo waxay wado oo madaxdhaqameedyaddu ka tashadaan, dhinaca kale waxaan xukuumaddan leeyahay ha is casisho labadaa sano sidey wax u dhaceen waan wada oganahay iney somaliland balaadhanayd laakiin imika yaraatay markaa siilaanyo ha iscasilo umadduna ha tashato” ayuu yidhi Boqor Maxamed Jaamac Cumar (Guray)
Source: Wargeyska Caalami
caalaminews@yahoo.com
http://samotalis.blogspot.com/
No comments:
Post a Comment