08 May, 2012

Badhasaabkii Xilka Laga Qaaday Ee Salal Oo Ka Hadlay Sababaha Uu Filayo Inuu Xilkiisa Ku Waayey


Badhasaabkii Xilka Laga Qaaday Ee Salal Oo Ka Hadlay Sababaha Uu Filayo Inuu Xilkiisa Ku Waayey

Hargeysa, May 7, 2012 (Haatuf) – Guddoomiyihii Gobolka Salal ee isaga habeen hore xilka laga qaaday Maxamed Muuse Bucul ayaa ka hadlay sababta uu u aanaynayo inuu xilkiisii ku waayey, kaas oo sheegay inaanu jeclayn inuu hada iftiimiyo sababta uu u aanaynayo in xilka la igaga qaaday, isla markaana mar uu Wargeyska Haatuf  xalay khadka tilifoonka ugu waramayey waxna kaga waydiiyey sababta uu xilkiisa ku waayye, ayaa isagu ku gaabsaday inuu Madaxwaynaha Somaliland Axmed Siilaanyo uu xaq u leeyahay xil ka qaadistiisaas, isla markaana tilmaamay in culays saarnaa laga qaaday.
Badhasaabkii hore ee gobolka Salal Mr. Bucul waxa uu sidoo kale uu beeniyey khilaaf la sheegay inuu dhexmaray isaga iyo Wasiirka Daakhiliga Maxamed Nuur Caraale Duur, kaas oo sidoo kale sheegay inaanay saamayn Wasiirkii Macdanta iyo Tamar Dalka Djibouti Maxamed Cawaale oo isaga dhawaan laga celiyey xadka labada dal. Ugu horayna Maxamed Muuse Bucul isaga oo ka hadlaya Xil ka qaadistiisa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Madaxwaynuhu xilkan uu iga qaaday isagaa markii hore ii magacaabay, xilkana ummadda iyo qaranka Somaliland ayaan u hayey imikana talaabo uu xaq u leeyahay oo uu Distuurku siiyey ayuu qaaday aniguna wax alaala wax aan ka qabaa ma jirto”.

Guddoomiyihii hore ee Salal Maxamed Muuse isaga oo hadlkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Xil ka qaadistayda wax raad ah oo ay ku lahayd Wasiirka Macdanta ee Djibouti ee laga celiyey Xadku ma jirto, mana aaminsani inay saamayn ku leedahay arintaasi xilka uu Madaxwaynuhu iga qaaday, Sababta oo ah Wasiirkaasi sifo sharci ah oo uu markii hore ku yimid ma jirto, markaa Madaxwaynuhu xaq ayuu u leeyahay inuu xilkaa iga qaado marka uu doono.
Xilkuna waa wax culus oo diinteenu sheegtay, inaguma waxaynu nahay dad Islaam ah markaa xilka qofka Masuulka ah ee laga qaadaa maadaama oo uu xaga Ilaahay wax wayn ka yahay qofkii laga furtaa waa qof culays laga dulqaaday, waxaana haboon inuu Ilaahay ku shukriyo oo uu Alxamdulilaah yidhaahdo”.
Mr. Bucul mar uu ka hadlayey khilaaf la sheegay inuu dhexmaray Wasiirka Arrimaha Gudaha Duur, waxa uu yidhi “Wax khilaaf ah oo aniga iyo Duur na dhexmaray ama meel aanu isku khilaafnay midna  ma jirto,isla markaana wax saamayn ah oo ay arintaasi xil ka qaadistayda ku leedahay ma jirto, Wasiir Duurna hadii uu isagu khilaaf sheegtay isaga ayey u taalee meesha uu la tagayo. Markaa wax dhibaato ah oo leedahay xilka qaadistayduna ma jirto maadaama oo markii horena aan xil qaran hayey imikana wixii igaga soo hagaaga shaqada qaranka inaan qabto diyaar ayaan u ahay”.


http://samotalis.blogspot.com/

No comments: