Xukuumadda Oo Si Weyn Loogu Dhaliilay Waxtar La’aanta Goobaha Addeegyada Bulshada Iyo Jawaabta Xisbiga Talada Haya
“Xanuunkani waa Kaneecada iyo Hargabka oo kale, qofka haddii la baadho wax uun baa laga heli lahaa, waliba qoladayadan buuqa badan ee aniga iyo Cali Warancade…” Muuse Biixi
“Dawladnimada aynu Doonayno Ee Halganka badan loo galay macnaheedu ma Waxay tahay sida ay dad badani u fahanmeen baabuur Qurux badan iyo guryo cadcad oo cid gaar ahi leedahay?” Sheekh Aadan Siiro
Hargeysa, (Togaherer) – Madal ay ku qalinjabiyeen 29 Arday oo wax ku bartay xarun lagu daryeelo dadka uu haleelo xanuunka dhimirku ayaa shalay lagu dhaliilay waxtarka ay dawladdu u geysato goobaha adeegyadda guud.
Munaasibad shahaadooyin lagu guddoonsiinayay Ardaydan oo dhamaystay farsamooyinka Dawaarka iyo Laydhka,ayaa waxa ka soo qaybgalay gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, Sheekh Aadan X. Maxamuud Xiirey (Aadan Siiro), Wasiirkii hore ee Duulista Cali Warancade, waalidiinta ardaydan qalinjabinaysa iyo madaxda xarunta SAHAN ee magaaladda Hargeysa oo ardaydani ka baxday.
Guddoomiyaha Dalladda SAHAN Bashiir Maxamed Jaamac oo ugu horeyn faah-aahin ka bixiyey sida ay u shaqayso xaruntani, waxyaabaha ay bulshada u qabato iyo sida ay ugu guulaysteen inay dadkii xanuunka ka bogsaday waxbaraan. Ayaa waxaa uu yidhi, “Aad baan uga mahadnaqayaa dadkan dhamaystay waxbarashada, 2008dii ayaa la aasasay xaruntan ilaa maanta waxa soo maray 1460 qof, hadda waxa ku sugan ilaa lix boqol oo qof, ardaydan qalinjabanaysaa waxay casharada qaadanayeen sideed bilood oo ay ku barteen farsamadda Laydhka iyo Dawaarka, waanad aragtaan dharka ay soo saareen oo waxa naga iibsada qurbajoogta, inkastoo dadka wadanka joogaa aanay wali naga iibsan, waxaanan ku talo-jirnaa in dugsiyadda talonaysa dirayskoodda ay ardaydan ka iibsadaan.
Dharkan waxa ku qoran nin waliba inta uu sameeyay, Aad baan uga mahadcelinayaa shaqaalaha Sahan hawsha adag ee ay hayaan, dadka halkan la keenaa waxay intoodda badani ku jiraan xaalad adag oo iyagoo aad u ildaran ayaa la keenaa xarunta, waxa ku jira afar afar iyo shan shan walaalo ah oo markii la keenay aad u ildarnaa”ayuu yidhi gudoomiyaha ururka SAHAN, Bashiir.
Sidoo kale, waxa uu u mahdnaqay gudoomiyaha dhakhaatiirta Somaliland oo kaalintoodda qaatay, sidoo kale waxa uu gudoomiyaha SAHAN dhaliilay ka war hayn la’aanta xukuumadda ee xaruntan, isagoo sheegay in xukuumaddii hore wax badan ku tartay, balse aanay xukuumadani waxba ku darsan hawlaha xaruntan lagu xanaanaynayo dadka madaxa ka xanuunsanaya, waxaanu sheegay in hooyo Shan nin oo xanuunsanaya ku haysatay miyiga ay ka soo qaadeen oo ay xaruntan ku jiraan.
Xaaji Cabdikariin Xuseen (Cabdiwaraabe) ayaa isna soo dhoweeyey xaruntan oo uu sheegay inay tahay mid la taageero, isla markaana dadkii wax ka bartay ay qaarkood dhoofeen oo ay soo fareen in uu ku salaamo.
Sheekh Aadan X. Maxamuud Xiiray (Aadan Siiro) oo ka mid ah culimadda waaweyn ee Somaliland, ayaa isna hawlwadeenadda xaruntan ku amaanay dedaalkoodda iyo sida ay Ilaahay dartii ugu shaqaynayeen dadkoodda jilicdasan, isagoo xusay in qofka la keeno xaruntan laga qaado boqol doolar oo lixdan dollar ku baxdo dawadiisa, iyadoo ay sugayaan shaqaalihii, cuntadii iyo adeegyadii kale oo dhan.
“Hooyadaas laga waramayey da’deedda iyo itaalkeedda aad aragtaan ee Shanta qof ee ay dhashay ka xanuunsanayaan ee xaruntan la keenay, shanta inan waxa ku baxaya bishii shan boqol oo dollar, maxay kula tahay hooyadaas aad arkaysaan ee xaynta yar ku haysata miyiga Hargeysa, waa ayo cidda uu xilku ka saran yahay, dawladnimada aynu doonaynaa ee halganka badan loo galay macnaheedu ma Waxay tahay sida ay dad badani u fahanmeen baabuur qurux badan iyo guryo cadcad oo cid gaar ahi leedahay miyaa, dawladnimadu waa iyadoo kuwaas loo gargaaro iyaga ilaahay loogu dhowaanayaa, xukuumadda waxaan u sheegayaa xil baa idinka saaran, dadkaasi qofka la siidaayaa dhib badan buu ku haynayaa mujtamaca iyaga iyo in inta kale ee goboladda kale joogta in xarumo loo sameeyo weeyi, oo Sahan la taageero, maadaama oo ay keeneen mashruuc la taaban karo, xaruntan Sahan waa xarun dadkeena jilicdasan loogu gurmanayo ee xanuunka dhimirka ahi ku dhacay, xaruntani maaha mid laga raadiyo dheef ee dadkeena ayaa lagu barbaariyaa”ayuu yidhi Sheekh Aadan Siiro oo aad u amanay gudoomiyaha xaruntan iyo hawl-wadeenadda.
Waxaan u mahadnaqay jaaliyadda reer Sucuudi arabiya oo kafaalo qaaday shanta nin ee hooyadda qudhi dhashay ee xaruntan la keenay oo iska soo ururiyey $7200 dollar, waxaana iska soo ururiyey hablo markii ay maqleen shanta qof ee walaalaha ah ee lagu hayo xaruntan.
Waxa isaguna halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo Sheekh Aadan Siiro iyo Gudoomiyaha SAHAN ba ku amaanay dadaalka ay ugu jiraan dadkan xanuunsaysa, isagoo sheegay inay ku mahadsan yihiin hawlaha balaadhan ee ay xaruntan ka hayaan. “labadan dhalinyaradda ee had iyo goor hawsha ku foogan ee Sh. Aadan Siiro iyo Bashiir ilaahayna waafajiyey hawlo badan oo samafal ah waanan u ducaynaynaa, dadkeenu waxay cuqdad ka qabaan xanuunka maskaxda, xanuunkani waxa uu ka mid yahay xanuunadda caadiga ah kaneecada iyo Hargabka oo kale, qofka haddii la baadho waxuun baa laga heli lahaa, waliba qoladayadan buuqa badan ee aniga iyo Cali Warancade haddii Kombuutar la saaro waxa la odhan lahaa waxyaalo badan baa idinku jira oo cadho leh oo neerfis leh”ayuu yidhi, waxana uu intaas ku daray “Midna waanu qaadanaynaa oo dhaliisha SAHAN nooga timid waanu qaadanaynaa, wax lagu tartamo waxa ugu fiican sadaqadda, waxaan filayaa Insha Allah in canaantaasi dib usoo noqon doonin, haddii hawlo badan oo qaranka ah na loo diray tii la nagu dhaliilo waanu qaadanaynaa, runtii SAHAN maan filayn in ay naga cabato fajac ayey igu noqotay, meelo kale waan filayey in lanagu dhaliilo, waayo gacantii dhaqaaluhu ku jiray Maxamed Xaashi oo qof Sahan uga roon ama dalka dantiisa uga roon ama danta guud uga wanaagsan oo inaga mid ahi isagaa u horeeya, waan garan waayey sida Maxamed Xaashi iyo Sahan isku seegeen, maanta wasaaradaasi aad ka cadhooteen raga joogaa waa la mid Maxamed Xaashi, waa Sheekheenii weynaa, garan maayo siday arrintaasi u dhacday, laakiin ilaahay dartii cabashadaasi dib u dhici mayso, halka ay ka khaldantay waanu heli, waan doonaynaa in dadka samafalka wada la garab istaago, waana in aynu ka baxno fikrado badan oo dadkeena maskaxdoodda ku jirta hay’ad baanu sugaynaa, dadku xitaa ducadii eebe ayey dhaafeen. Kii abaari ku dhacdaaba waxa uu leeyahay hay’aduhu hana soo gaadhaan hay’aduhu waa dad inaga oo kale ah oo sideena sagaal ku dhashay ee inagama fiicna, waliba waxaynu dheer nahay nimcadda islaamka”ayuu yidhi Gudoomiyaha kulmiye Muuse Biixi.
Waxa isaguna halkaasi ka hadlay Cali Maxamed Warancade oo ka dalbaday xukuumadda inay dhageysato cabashooyinka dadka ay ku tahay dawladda, “Xafladan aynu ka hadlayo maanta waxa keentay dawladnimada, waxa jira cabashooyin badan oo dawlada laga cabanayo oo ay tahay in ay maqasho, kuwa buka ayey dawlad u tahay, kuwa jilicdasan bay dawlad u tahay, inkastoo ay yar tahay waxay dawladu gacanta ku haysaa oo aan xogogaal u ahay haddana sida loo kala daran yahay in loo kala horumarinayo ayaa loo baahan yahay oo ay ka mid tahay daladda SAHAN oo lix boqol oo qof oo dhib badan u gaysan lahaa ummadda iyo magaalooyinka halkan ku haya in lala ogaado ayey u baahan tahay, aniguna waxaan ahay ragga uu hunguri kaga jira madaxtinimada haddii aanu helno waxaanu doonaynaa in aanu culays saarno danyarta Somaliland”ayuu yidhi.
Sidoo kale, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay waalidka dhalay ardaydan qalinjabinaysa, culimo, abwaan beerleex iyo dad kale.
Warqabadka Togaherer
Hargeysa, Somaliland
No comments:
Post a Comment