08 May, 2012

Faysal Cali Waraabe Oo Si Ba’an U WeeraraySalaadiinta Dalka, Tilmaamayna In Qadiyada S/land Ay ka Wayntahay $100,000 In Loo Fadhiisto Shirka Xamar


Faysal Cali Waraabe Oo Si Ba’an U WeeraraySalaadiinta Dalka, Tilmaamayna In Qadiyada S/land Ay ka Wayntahay $100,000 In Loo Fadhiisto Shirka Xamar
“Dawladd Waa La Burburin Karaa, Laakiin Dib U Dhiskeedu Wuu Adag Yahay, Jaaliyadii S/land Waxay Isoo Fareen Salaadiinti Inay Iska Daayaan Tv-Yadan Ay Ku Caytamayaan Maalin Kasta”

Hargeysa, May 7, 2012 (Haatuf) – Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa eedo kulul u jeediyey Salaadiinta Somaliland ee u hanqal taagaya ka qaybgalka shirka lagu Ansixinayo Distoorka Somalia, kaas oo tilmaamay in Salaadiintaasi ay qadiyada Somaliland ay doonayaan inay dhaafsadaan qadar lacag ah, balse soo jeediyey in isaga iyo xukuumadu ay bixiyaan lacagtaasi Salaadiintu u tagayaan Xamar.
Faysal Cali Waraabe waxa kale oo uu sheegay in jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan qurbuhu ay soo fareen in Salaadiintu ay ka waantoobaan hadalada xanafta leh ee ay isku marinayaan Telefishanada.
Guddoomiyaha Xisbiga UCID ayaa sidaasi ka sheegay mar uu xalay ka qaybgalay Xus balaadhan oo loo sameeyey Madaxweynihii Labaad ee Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, xuskaas oo lagu qabtay Hotel Maansoor ee Magaalada Hargeysa, ayuu Faysal Cali Waraabe uu hadalkiisa ku bilaabay “Dawladd waa la burburin karaa, laakiin dib u dhiskeedu wuu adag yahay, maanta aasaaska aynu haysano taa uu Maxamed Siciid Gees ka sheekaynayo ee aynu ku dhaano Somalia weeyaan, Cigaal ayaana budd dhigiisii ahaa, waxaan filayaa hadii uu wakhtigu dayn lahaa inuu sii wadi lahaa sidii ay Somaliland maanta sidan uga sii qurux badnaan lahayd, wuxuu ahaa qof isagu siyaasada ku dhashay ayuu ahaa.
Maanta waxa aynu taaganahay halkii lixdankii ayaynu taagnayn, Somaliland gaar ayay u taagan tahay, Somalia oo qasanina gees ayay taagan tahay, waxaan jecelahay laba kalmadood in aan ku soo daro hadalkayga oo munaasibadan aaan kaga faa’iidaysto labaduba waa fariin weeyaan, midi waa fariin oo dadkii dibada ee Somaliland ayaa isoo faray, midna waxa isoo faray dadkii Somalia ee wax inala jeclaa, dadka Somalia dad badan ayaa wax inala jecel.
Jaaliyadii reer Somalialnd waxa ay isoo fareen Salaadiinta Somaliland inay iska daayaan TV-yadan ay ku caytamayaan maalin kasta inay naga daayaan, Kaftankii ayaa naga xumaaday baa la yidhi, Suldaan, Suldaan kale u jawaabayaa wax la arko maaha, qaran baynu galnay qaranka Institution baa jira ee waa inuu Institution uu ku hadlaa.

Waxa kale oo ay isoo fareen dadka Somalia, waar niyow lixdankiina waxa imika la soo qorayaa Buug xasuus qorkii uu ka tagay Aadan Cabdule Cusmaan Madaxweynihii 1aad ee Somalia 1960-kii, waxa xasuus qorkaa ku jira, iyagoo ina leh waar aynu lix bilood isa sugnee wax soo samaysta, waxa maantana la ina leeyahay maantana waar ha soo horaynina’e jooga ayaa la ina leeyahay.
Waar nimanka dhaqan yahaniinta ah ee Cumaamadaha qaatay waxa aanu leenahay, shirkaa aad ku ordaysaan ee aad leedihiin waanu ka qaybgalaynaa, ee aad leedihiin waa la idinku soo saarayaa, waxa lagu sharciyeynayaa Baarlamaanka Somalia loo samaynayo, hadaad kaa ka qaybgashaana kaa waynu ku jirnaaye ogaada, hadaad kaa ka qaybgashaan wada hadalka la yidhi Somaliland iyo Somalia ha lagu wada hadlana wuu burburayaaye ogaada, markaa taa waxa aan idin leeyahay walaalayaal, waxan waa lagu soo tabcay, waa lagu dhintay, Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal waxa uu ka gaadhi waayey inuu dawo tago oo uu caafimaad tago markuu xanuunka isku arkay ayuu u dhintay sidii uu u lahaa yaan waxani burburin, ragna way ku dhamaadeen.

Adeerayaal waxa weeyi waar ninka qadiyada Somaliland way ka weyntahay boqol kun oo aad qaadataan boqol kun anaga ayaa idin siin doona dawladduna boqol kun ha bixiso ayaan idin leeyahay, 100,000 dollar in Somaliland loo iibiyo oo loo fadhiisto Somalia baarlamaankeeda oo wakiilo la soo noqdo khaayi nimo ayaan u arkaa khaayinimo ka wayna ma jirto, taas ayaan idinku dardaarayaa, wixiina ilaashada bahashu waa xaraash somalialndna waxaan leeyahay yaan la xaraashin”.

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: