Xukuumada Oo Soo Bandhigtay Istiraatijiyada Qaran Ee Quudinta Iyo Nafaqaynta Carruurta.
Hargeysa -Wasiirrada caafimaadka iyo xanaanada xoolaha ayaa maanta ka qayb galay xafladda lagu daah-furayey istiraatiijiyadda Qaran ee quudinta iyo nafaqaynta caruurta Somaliland ee Sanado Xiliyeedka 2012 ilaa 2016.
Munaasibada daahfurka oo lagu qabtay hotel-ka Maansoor ee Magalaada Hargaysa, waxa ka soo qaygalay masuuliyiinta wasaarada iyo wakiilka UNICEF ee Somaliland iyo gudoomiyaha gudida arimaha bulshada ee golaha wakiilada Somaliland.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dr Xuseen Muxumud Maxamed (Xoog) oo ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay in Somaliland ay safka hore kaga jirto liiska wadamada nafaqo darada caruurtu ay ka jirto isagoo ku sababeeyey arrimo ay ka mid yahiin dhaqaale xumada, Naaska oo aan caruurta badankooda lagu duwin, abaaraha soo noqnoqonaya, Cuntadii ku haboonayd caruurta marka da’doodu lix bilood gaadho oo aanay helin iyo qodobo kale.
Wasiirku waxa uu sheegay in nafaqo daradu ay saamayn guud ku yeelanayso guud ahaan dadweynaha waxaanu tilmaamay in mushkiladaasi lagu yarayn karo oo qudha iskaashi sal balaadhan oo ay bulshadda iyo dawladdu la timaado.
Wasiirka Caafimaadku wuxuu Haweenka u soo jeediyay inay carruuta siiyaan naaska oo uu xusay inuu waxtar weyn u leeyahay nafaqadda caruurta.
Sidoo kale, Wasiirka wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dr. Cabdi Aw Daahir oo ka hadlay shirkaasi ayaa sheegay in waxyaabaha lagama maarmaanka u ah kor u qaadista nafaqada caruurta in ay ugu horayso naas nuujinta gaar ahaan dambarka hooyada oo la ogaaday inuu 99% ilaaliyo caafimaadka iyo korriinka caruurta, door balaadhana ka qaato maskaxda iyo fahamkooda dabiiciga ah.
Agaasimaha guud ee wasaaradda Caafimaadka Cabdi Axmed Nuur (Gurey) oo isna munaasabadaasi ka hadlaya ayaa sheegay in Somaliland ka mid tahay meelaha ugu badan ee ay caruurtu u geeriyoodaan nafaqo darada, qorshahan qaran ee quudinta iyo nafaqaynta caruurtuna waxauu qayb ka yahay barnaamijka lagula dagaalamayo nafaqo darada haysata caruurta Somaliland, waxuuna kula dardaarmay hay’adaha ay khusayso inay u diyaargaroobaan sidii mas’uuliyadaasi loo gudan lahaa.
Waxa kale oo halkaa ka hadashay wakiilka hay’adda UNICEF ee Somaliland Ettie Higenns iyo Agaasimayaasha waaxyaha Qorsheynta iyo Nafaqaynta ee wasaaradda Caafimaadka Khadar Maxamed Axmed iyo Dr Axmed Jaamac Muuse oo sharaxaad muhiim ah ka bixiyey qorshaha qaran ee daahfurka istiraatiijiyada nafaqaynta iyo quudinta caruurta somaliland
Ramaas
http://samotalis.blogspot.com/
No comments:
Post a Comment