22 April, 2012

Ciidamadka Booliska oo Isku Geddaamay GURIGA Guddoomiyaha Wargeyska Yool

Ciidamadka Booliska oo Isku Geddaamay GURIGA Guddoomiyaha Wargeyska Yool

Hargeysa-Unnug ka tirsan Ciidamada Booliska Somaliland oo ay weheliyeen Xubno ka tirsan Ciidamada CID-da, ayaa Abaaro Toddobadii Subaxnimo ee Shalay Hujuum ku qaaday Guriga uu degan yahay Guddoomiyaha Wargeyska Yool, Maxamed Cabdi Guuleed (Curad).

Ciidamadan oo bilowgiiba gaadh ka qabtay Wadooyinka Guriga ayaa laba ka mid ahi waxay si toos ah u soo abaareen Guriga, iyagoo Dumarka isugu sheegay in ay yihiin Shaqaale ka tirsan Dawlada Hoose, Sidaa darteedna u baahan yihiin Mas’uulkii, waxana lagu war geliyey inuu Hurdona kadib markii Albaabaka laga furay ay u baaqeen xoojin dheeraad ah oo ka mid ah Ciidamadii kale ee dibedda ku sugayey, kuwaasoo iyaguna si dhaqso ah markiiba isugu soo shubay gudaha dhexe iyo Afaafka Guriga.

Tallaabadan oo ahayd mid runtii Argagax ku abuurtay Dumarkii iyo Caruurtii Xaafada oo dareen sas leh ka qaaday Ciidamada hubaysan ee Dalqada u soo galay Guriga. Askarta CID-da ah, oo iyagu ku lebisnaa dharka Shicibka ayaa ku wargeliyeen Haweenkii ay markaa Guriga kula kulmeen inay soo kiciyaan Guddoomiyaha Wargeyska Yool, haddii’se ay taa diidaana ay khasab kula soo bixi doonaan.

Marwadii Guriga oo Firka-naxsan, ayaa Guddoomiyaha u sheegtay in Ciidan sugayo, intaa ka dib Guddoomiyaha iyo Ciidamadu waxay isku waajaheen Barxada Dhexe ee Guriga, ka dibna waxa ay u dhiibeen Waaran kasoo baxay Maxkamada Gobolka Hargeysa, kaasoo sida cad qoraalkiisa Maxkamadu ku tixraacaysay qoraal kale oo Sumadiisu ku taallay, Sidaa darteed, ku amartay qabasho iyo baadhis.

Hase-yeeshee, intii aan Guddoomiyaha loo gudbin Xarunta CID-da waxay Ciidamadu baadhis adag ku sameeyeen Guriga oo ay Qol-qol u baadheen, Dabadeedna waxa la geeyey Xarunta Ciidanka Dembi-baadhista, hase-ahaatee, qadar kadib Sarkaalkii Madaxda ka ah CID-da waxa uu Askarta Guddoomiyaha soo qabtay ku amray inay soo qaadaan qalabka uu ku shaqeeyo Wargeyska Yool siina daayaan Guddoomiye Maxamed Cabdi Curad.Warbaahinta madaxa bannaan ee Somaliland oo u taagan iftiiminta ileys horseed ka ah nolosha ummadu leedahay, majaraha ay ku socoto iyo abaarta ay ku jahaysan tahay ayaa intii Xukuumadda cusubi jirtay waxay kula kacdaa hay’adaha Warbaaihta qaarkood iyo Suxufiyiin tiro badan falal kala duwan oo isugu jirey xadhig, caga-jugleyn, ganaax iyo xayiraad, kuwaasoo weli qaarkood ka soo kaban la’yihiin riiqdii kasoo gaadhay

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: