22 April, 2012

Maxkamada Gobolka Hargeysa Oo Dhageysatay Wejiga Labaad Ee Dacwada Masuuliyiinta Musuqmaasuqa Raashinka U Xidhan


Maxkamada Gobolka Hargeysa Oo Dhageysatay Wejiga Labaad Ee Dacwada Masuuliyiinta Musuqmaasuqa Raashinka U Xidhan

Maxkamada oo todobaadkii hore bilowday dhageysiga dacwadan oo muddo dheer laga dhursugayey

Hargeysa (GNS)-Maxkamada gobolka Hargeysa, ayaa maanta bilowday wejiga labaad ee dhageysiga dacwada masuuliyiinta loo haysto leexsiga raashinkii la dhacay. 

Maxkamada oo todobaadkii hore bilowday dhageysiga dacwadan oo muddo dheer laga dhursugayey isla-markaana xeer ilaalinta gobolka Hargeysa ku oogayso saddexda masuul ee kala ah Badhasaabkii hore ee Gobolka Maroodi-jeex, agaasimihii guud ee wasaarada dib-u-dejinta iyo la taliyihii Madaxwayne ku xigeenka Somaliland, ayaa maanta mar labaad ka bilaabantay Maxkamada gobolka Hargeysa. 

Dacwadan oo ah mid xaasaasi ah oo xukumaddu dhibane ka tahay ayaa maanta xeer ilaalintu maxkamada keentay lix Markhaati oo hayey masuuliyiintan iyada oo ay goob joog ka ahaayeen ehelada masuuliyiintan iyo garyaqaanada u doodayeyba. 
Dhagaysiga maxkamada oo aan loo ogolayn guud ahaan warbaahinta ayaa waxay socotay mudo ku siman shan saacadood iyada oo aad loo xoojiyey amaanka maxkamada isla markaana la xidhay dhamaan wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa maxkamada. 

Guud ahaan shacabka somaliland oo aad ugu dhag taagayey natiijada ka soo bixi doonta dacwadan ayaa iyagu soo buux dhaafiyey agagaarka maxkamada kuwaas oo dhawrayey natiijada ka soo bixi doonta dhagaysiga dacwada loo haysto masuuliyiintan ku eedaysan falalka musuq-maasuq. 

Dhagaysiga dawcadan oo maanta gashay maalinteedii labaad ayaan wali laga soo saarin wax natiijo ah balse waxa la filayaa in maalmaha soo socda la shaacin doono natiijada ka soo baxda dhagaysiga dacwadan. 

C/raxmaan Muuse Yuusuf 
Gabiley News Desk 
Hargeisa Somaliland
http://samotalis.blogspot.com/

No comments: