Mawqifka Ururka UDHIS ee Ku aadan Go’aanka Xaq-darada iyo Duudsiga ah ee Kasoo Baxay Gudida Diiwaangelinta Ururada Shalay (20/04/2012)
Dagaalkii ‘Xarbi-Xofaarka’ ee ka dhashay Baraago Biyoodyadii Kalshaale ee waji gabaxa siyaasadeed
Tan iyo markii dawlada Axmed Maxamed Siilaanyo la wareegtay talada dalka waxa Somaliland ku waa bariisatay waayo cusub oo sitta dhiilo iyo naxdin waagii joogaba taagan, xasarado siyaasadeed, muran iyo isku-dhacyo is daba jooga, waxaanay u muuqataa in xukuumada Siilanyo ay dedaal wayn u gashay sidii ay khalkhal siyaasadeed u gelin lahayd wadankan Somaliland oo ku faani jiray sanado badan xasilooni iyo dimuqraadiyad.
Arintan ayaa u muuqata mid salka ku haysa talo agaasiman oo maamulka Siilanyo uga golleeyay inuu ku minjaxaabiyo jiritaanka Somaliland marka daraasaad lagu sameeyo dhufsane yaraha ay wadaagaan dhacdooyinkan iyo kuwa kale oo aynu kalasoo kulanay xukuumadan Siilaanyo ee durba ku caanka baxday dulmiga, boobka iyo musuq-maasuqa qaawan ee aynaan noociisa hore u arkini.
Haddii aan waxoogaa dib u milicsano xiisadaha la kowsaday xukuumadan ee shacabka gilgilay waxaa ka mid ahaa:
* Murankii la xidhiidhay Contract-kii SomCable ee saameeyay Golayaasha iyo Xukuumada.
* Isku dhacii ay dawladu ku lug lahayd ee horseeday burburkii UCID iyo Saq-dhexe tooskii madaxweyne ee anshaxa dhaafsanaa.
* Dagaalkii ‘Xarbi-Xofaarka’ ee ka dhashay Baraago Biyoodyadii Kalshaale ee waji gabaxa siyaasadeed ku noqday xukuumada iyo ciidamada qaranka isla markaana sababta u noqday colaad qasaare naf iyo maalba leh oo ka alloosantay Gobolada Bariga Somaliland. Ku darsoo fashilkaa siyaaseed wuxuu albaabka u furay mucaaradad hubaysan oo Somaliland diid ah oo in badan bustaheeda iskaga dednayd balse haatan sababay kala goynta dhul-waynihii Somaliland.
* Murankii iyo xiisadii circa isku shareertay ee Warshada Sibidhka Berbera iyo go’aanadii iska hor-keenka ahaa ee xukuumada Siilanyo qaadatay
* Xadhiga masuuliyiin Sar-sare iyo shaqsiyaad bir-ma gaydo ah oo si wanjal iyo been abuura ugu xidhan ama la odhan karo waxay u qafaalanyiin Xukuumada Siilanyo sida: Xadhiga lagula kacay gudoomiyihii gobolka maroodi-jeex Muj: Xamarji iyo Boqor Buurmadow oo isagu u Qafaalan Xukuumada Siilanyo arimo aar-goosi shaqsi ah darteed.
* Xil-ka-qaadistii lama filaanka ahayd ee lagula kacay Wasiirkii Hore ee Maaliyada Maxamed Xaashi oo la odhan karo waa masuul daacadnimadiisa iyo hawl-karnimadiisa awgeed ay xukuumadu u caydhisay si ay ugu gacan banaanaato Musuq-maasuq baahsan oo lagu boobayo hantida wadanka.
* Xilka-Xoogistii budhkiyo, feedhka iyo feedho-tantoonka ahayd ee sida waxshinimada ah loogula kacay mudane Abdiraxman Cabdiqaadir (ma odhan karo xilka qaadis sharci ah ee waa ‘Feedho-Tumanyayn) ee iyadoo dunida darafyadeeda laga daawanaayo ay xukuumada Siilanyo (unashamedly) si dhafoor-taabasho iyo gardaro badheedh ah ugu samaysay muwaadinkaas. Ayaa ah talaabooyin isu eeg-eeg oo muujinaaya in si kas iyo ula-kas ah xukuumada Siilaanyo u doonayso in colaad iyo dhibaato ay ka aloosto dalka Somaliland iskana hor keento shacbiga walaalaha ah.
Nasiib wanaag laakii Shacbiga Somaliland ayaa dulqaad iyo xil kasnimo badan muujiyay kana gaabsaday inay si saami-gal quman u ah fal-gardaroodyadaa uga fal-celintaan dhacdooyinkaas oo dhan.
Laakiin waaba laga yaabaa in xilkasnimada iyo dulqaadka badan ee Shacbigu leeyay ay tahay tan fariinta qaladka ah u dirtay maamulkan sadex-midiglaha ah.
Dhacdadan hadaba ugu danbaysay ee ku saabsan go’aanada kasoo baxay Gudida Diiwaan-gelinta ayaa isaguna ah mid ku abtirsanaaya qorshahaa aanu horeba usoo socday, waxaana maanta shacbiga Somaliland u cadaaday in Axmed Maxamed Siilanyo uu qandaraas ku qaatay mashruuc ah Burburinta nabada ka Jirta Somaliland.
Sidaa daraadeed waxaanu shacbiga Somaliland iyo taageerayaasha Ururka UDHIS-ba u sheegaynaa:
1. In aanaan haba yaraatee aqali Karin go’aanadan kasoo baxay Gudida Diiwaan-gelinta oo ah kuwo ay si cad xukuumadu ugu lug leeday isla markaana loola dan leeyay inay xukuumadu iyadu xulato ururradii ku mucaaridka noqon lahaa. (lama arag xukuumad iyadu mucaaridkeeda soo xulata sida tan oo kale)
2. Ururka UDHIS wuxuu qaadi doonaa talaao kasta iyo ficil kasta oo uu kaga gilgilanaayo jawfalka iyo gardarada lagu duudsiyaayo xuquuqdiisa siyaasadeed iyo himilada taageerayaashiisa kamana gaabsan doono talaabo kasta oo nooc kasta ah oo aanu marxalad caqligu taliyo ku gaadhsiinayno xukuumada Siilaanyo. Si kale hadaan u idhaahdo inta Xukuumada Siilaanyo way Miyir beeshee la helaayo waxay ku miyirsanayso. Sida Gudoomiyahayaga, Muj Ibraahim Cabdullaahi Xussien tibaaxay meesha ay jeceshay xukuumada Siilaanyo ayaanu la gaadhi doonaa.
.
3. Ugu danbayn waxaanu ugu baaqaynaa dhamaan shacaka Soomaaliland inay ka gilgishaan dulmigan qaawan ee sidaanu soo sheegnay wajiyada kala duwan leh, gaar ahaan waxaanu ugu baaqaynaa taageerayaasha ururka UDHIS inay guntiga dhiisha isaga dhigaan sidii ay uga gilgilan lahaayeen dulmigan qaawan ee lagu duudsiyaayo rabitaankooda iyo himiladooda siyaasiga ah. Waana waajib in si caam ah loogu arko mashruucan mid lagula dagaalamaayo Duudsi iyo jaw-falka qaawan oo aan geedna loogusoo gaban ay ugula kacday xukuumada Siilanyo.
4. Waxaa kale oo aanu ugu baaqaynaa Ururada kale ee iyaguna dareensan in sidaas oo kale loo duudsiyay ay iyaguna qaadaan talaabooyin kuwan la mid ah talo midaysana laga yeesho qorshe caam ah oo ah amardiido baahsan oo ka dhaqan gasha dalka (widespread Civil disobedience) si waafaqsan Distuurka Qaranka iyo xuquuqaha aassaasiga ah ee ay damaanad-qaadeen Shuruucda Caalamiga ahi; Sida UN Bill of Human Rights
Wa Billaahi Towfiiq
Yassin Ismail, UDHIS representative at London Branch UK.
No comments:
Post a Comment