Maxkamada Gobolka Hargeysa oo Gudo-gashay Dhegaysiga Wejiga Labaad ee Dacwada Masuuliyiinta Musuqa u Xidhan
Hargeysa-Maxkamada Gobolka Hargeysa, ayaa Shalay si rasmi ah u guddo gashay wejigii labaad ee dhageysiga dacwada masuuliyiintii ku eedaysnaa Raashinkii mucaawinada ee la lunsaday isagoon gaadhin dadkii loogu tallogalay.
Dhegaysiga Dacwadan oo Todobaadkii hore ka bilaaban tahay Maxkamada Gobolka Hargeysa, ayaa waxa Xeer ilaalintu Shalay Maxkamada keentay lix Markhaati oo muduci ku ah eedaysaneyaasha oo ay ka mid yihiin Badhasaabkii hore ee Gobolka Maroodijeex, Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Dib-u-dejinta iyo La Taliyihii Madaxweyne-ku-xigeenka.
Maxkamada gobolka Hargeysa ayaa Markhaatiyada mid mid u wareysatay sida ah wax uga ogyihiin arrintaas. Dhageysiga dacwadan ayaa sii socon doonta maalmaha soo socda si go’aan looga gaadho.
Yool
http://samotalis.blogspot.com/
No comments:
Post a Comment