25 April, 2012

Xeer ilaaliyaha guud oo soo bandhigay eedaha loo haysto boqor buur madow iyo buuq iyo sawaxan ka dha


Xeer ilaaliyaha guud oo soo bandhigay eedaha loo haysto boqor buur madow iyo buuq iyo sawaxan ka dha  


Hargysa,-Saaka subaxnimadii ayaa waxaa ka soo hor muuqday maxakamada Hargeysa Boqor Cismaan Aw-maxamuud Buur-madow oo madaxweyne Siilaanyo isku beel ka soo jeedaan balse mudo bil iyo badha ugu xidhnaa xabsiga dhexe ee Somaliland iyadoo loo haysto wax loogu yeedhay aflagaado Madaxweyne Siilaanyo.

Boqor Cismaan Buur madow ayaa intaan maxakamada la keenin ka hor ciidamo nooca loo yaqaan SPU iyo RRU lagu daadiyey daafaha amaba wadooyinka soo gala maxakamada kuwaas oo si adag indhaha ula raacaayey dadka halkaas gaafwareegaayey ama adeeg maxakamadeed sugaayey,Boqorka isaga laftiisana waxaa wadey ciidamo badan oo aad u hubaysan.

Dhinaca kale warbaahinta ayaa loo diiday inay galaan gudaha hoolka dacwada Boqor Cismaan Buur-madow ka socotey, waxanay askartii ama ilaaladii waday boqorku u hanjabayeen ciday u maleeyaan xataa inay mobil sawir lagu qaadi karo ama hadal lagu duubi karo sidato oo agagaarka hoolka dacwada ka soo ag dhawaada.

Isk u soo wada duuboo ilaa hadda ma cada eedaha boqorka loo haysto hase yeeshee xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Xasan Axmed Aden ayaa xaqiijiyey in loo haysto dhaliilo been abuura iyo ceebo-maamul oo xasaasiya oo sharafta iyo sumcada madaxweyne siilaanyo dhaawac culus gaadhsiisey oo boqorku warbaahinta u mariyey,taas darteed ay daruuri tahay in laga abaal mariyo ayaa laga soo xigtay! yeelkeede looyaradii difaacayey boqorka ayaa gaashanka ku dhuftay eedaymahaas kuna tilmaamey kuwo been abuura dabadeedna waxaa bilaabmay sawaxan iyo buuq hoolka gudihiisa laysla sarajoogsadey taas oo sababtey in maxakamada la xidho dibna loo mudeeyo waqtiga dacwadaha lagu soo ogaayo boqorka halkooda ka sii socon karaan.



No comments: