25 April, 2012

Dadka lagu Xidhay Caynaba Maaha Argagaxiso ee Waa Arin Sumcada lagaga Xumaynato Huteelkayga..” Mul


Dadka lagu Xidhay Caynaba Maaha Argagaxiso ee Waa Arin Sumcada lagaga Xumaynato Huteelkayga.." Mul   



Dadka lagu Xidhay Caynaba Maaha Argagaxiso ee Waa Arin Sumcada lagaga Xumaynato Huteelkayga.." Mulkiilaha Huteelka Sool Safaari ee Oog.


Burco- Mulkiilaha Huteelka Sool Safaari ee ku yaal magaalada Oog ee ka tirsan degaanka Caynaba, Axmed Ismaaciil Gaane ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay warkii ka soo baxay maamulka Caynaba ee lagu sheegayay inay qabteen dad argagaxiso ah, balse ay tahay waxba kama jiraan dadka la qabtayna yihiin shaqaalihii huteelkayga.Mulkiilaha Huteel Sool Safaari,waxa uu intaasi ku daray in talaabadan u arko mid lagu wax yeelaynayo sumcada huteelkayga.
Hadaba War-Saxaafadeed uu soo saaray Axmed Ismaacil Gaane oo dhamaystiran waxa uu dhignaa Sidan:

"Waxaan halkan ummada reer Somaliland u cadeynayaa anigoo ah mulkiilaha Hotelka OOG ee loo yaqaano Sool Safari Hotel Magaceygana la yidhaahdo Ahmed Ismail Gaaane , in warka masuuliyiinta Caynabo meesha ku soo dhoobdhoobeen markay taariikhdu tahay 21/4/2012 ay tahay been aan sal iyo raad toona laheyn kuna saleysan neceyb iyo iska horkeen ummaddeed.
Loogana jeedo laba arrimmod oo keliya;
a) In wax loogu dhimo sumcadda huteelka oo aanu waqti badan iyo hanti badan geliney sidii ay adeeg hufan ugu fidin laheyd dadka macaamiisha iyo kuwa safarka ahba, waxay tani salka ku heysaa arrin xaasidnimo (jealousy), dadkan lagu eedeynayo argagixisanimadu waa dadkii ka shaqeysan jirey Huteelka, waana wax ka fog macquulka.
b) In layska horkeeno xakuumada iyo bulshada qaar.
Waxaan ummadda reer Somaliland u sheegayaa in, iyadoon dhalintan wax fal ah lagu qaban oo marayey wadada laamiga ah ee ummadu wada marto inta layska qabsadey markii la aqoonsadey ay arintii noqotey, meel aan rabey roob maygu da'ay, isla markaana iyadoon wax baadhis ah ama maxkamadu ku cadeyn ay iyagu go'aan ka gaadheen in ay yihiin nimankii hay'adda rasaaseeyey.
1. Sida iminka wax yihiina xitaa maxkamad xukumi kartaa ma jirto, waana sida ay qabaan sharciga dalka iyo caalamkuba waayo waa (prejudice) "ka hordhac xukun maxkamdeed". Qof/dad waa laga shakiyi karaa laakiin waxaa la yiraahdaa dad looga shakiyey falka noocaas ah ayaa la qabtey laakiin waa habaabin cadaaladeed in la yiraahdo ragii falka geystey baanu qabaney oo heynaa

2. Maadaama ay cadahey inuu jiro wax la yiraahdo {conflict of interest} "dano gaar ah" oo Boolliska Caynabo arinta ka leeyihiin laga wareejiyo baadhista,iyo xukunka arintan loona wareejiyo Laascaanood ama Burco laakiin aan marnaba wax kalsooni ah lagu qabi karin in cadaalad laga fisho Caynabo.

3. Waxaan xukuumada Somaliland oo ay cadaaladu martida u tahay u sheegayaa, gaar ahaan wasiirka Arimaha Gudaha in arintan si taxader iyo xeel dheeri leh u eegaan una hiiliyaan cadaalada, ummadana aan lagu qasbin waxaaney dooneyn iyo iney ka aamin baxaan shaqada booliiska.

4. Ta ugu mihiimsana waa, waxaan gacan ku jirin dadkii falkan geystey waayo cid doondooneysaaba ma jirto. Booliiska Caynabona cadho sheydaan geliyey ha noqoto ama aqooni meesha ha dhigtee waxay ku qanacsan yihiin iney ragii falka geystey hayaan, taas oo ah mid xaqiiqda aad uga fog.
Waxaan dadka dhalintani ka soo jeedo u sheegayaa, iney ka war sugaan cadaalada xaqoodana si salmi ah ku raadsadaan."Ayuu ku soo Koobay War-Saxaafadeedkiisa.




No comments: