10 April, 2012

WADANI Waan u Naxay Markuu Xoghaye Ka Dhigtay Nin Soo Liqay Dawlada Hoose ee Caasimada Hargeisa

WADANI Waan u Naxay Markuu Xoghaye Ka Dhigtay Nin Soo Liqay Dawlada Hoose ee Caasimada Hargeisa

   

WADANI Waan u Naxay Markuu Xoghaye Ka Dhigtay Nin Soo Liqay Dawlada Hoose ee Caasimada Hargeisa

Ururka Wadani oo ah mid taageerayaal badan haysta oo waliba dad badani quud daraynayaan inuu noqon doono mid ku soo baxa doorashayooyinka soo socda, lana rajaynaayo inuu isbadal samayn doono ayaa shalay waxa dadka degan Degmooyinka Koodbuur iyo 26ka Juun fajac iyo la yaab ku noqotay markii la maqlay inuu Ururka Wadani u magaacabay Maxamed Cabdillahi Uurcade oo ah Maayor Ku xigeenka Caasimada Hargeisa oo si weyn loogu xanto inuu yahay nin ku fashilmay xilkii loo doortay isaga oo lagu xanto inuu ku tagri falay Dhulkii danta guud ee degmooyinka Koodbuur iyo 25k Juun bal iska dhaaf inuu wax u qabto Caasimada Dalka ee Hargeysa.

Dad badan ayaa ka niyad jabsan soo celinta Masuuliyiinta umada waxyeelada weyn u geystay oo sharaftoodii iyo karaamadoodii baabiiyay. Waxa wax laga naxo ah UURCADE oo ku fashilmay xilkii hore loogu doortay in maantana xil loo dhiibo, waa nasiib daro weyn oo aan umada u cuntamayn. Somalidu waxay tidhaahdaa ninka maqasha lagala ilwaayo ayay geela u dirsataa.

UURCADE wuxuu ka mid yahay raga dhulkii danta guud ee laga jaray muwaadiiniinta ku tagri falay ee maanta laga waayay meel masaajid, Iskuul, Saldhig Booliis, Goob caafimaad, Garoon Kubadeed meel laga dhiso la waayay, ilaa laga gaadhayo Biyo Shiinaha ilaa iyo Makhaayada Inanta ee dhinaca galbeed ee Caasimada Hargeisa.

UURCADE waxa weeyi nin ku sifoobay daacad daro, musuq, shaqo xumo iyo bahdilaad uu ku sameeyay Umadii soo dooratay ee 26Juune iyo Koodbuur. Hadii aad soo booqato Degmooyinkaas waxad arkaysaa qorshe xumada loo qorsheeyay dhismayaasha, khashinka iyo nadaafad xumada taala, wado xumada iyo qorsho xumada dhul bixinta ee Degmooyinkaas.

Ururka Wadani waxan kula talinayaa inuu ilaaliyo karaamada Umada oo aanu xil u dhiiban rag ku fashilmay xilalkii ay Qaranka u hayeen oo aanu marlabaad dib u soo dhoob-dhoobin dad musuqa iyo maamul xumadu dishootay.

Waana fadeexad in dadkaas iyo kuwa la midka ah dib umada loogu soo celiyo. Ururada Cusibina waa inay saaxada keenaan dad nadiif ah oo sharaf iyo karaamo ku dhex leh Umada Somaliland.

C/raxmaan Maxamed

Hargeisa-Somaliland




No comments: