10 April, 2012

Shirwaynihii Ururka WADANI Oo Lagu Doortay Hogaanka Ururkaas Iyo Murashaxa Madaxwaynaha, Laguna Ansixiyey Xubnaha Fulinta Iyo Golaha Dhexe & Guddoomiye Cirro Oo Dhaliilay Habdhaqanka Siyaasiyiinta S/Land

Shirwaynihii Ururka WADANI Oo Lagu Doortay Hogaanka Ururkaas Iyo Murashaxa Madaxwaynaha, Laguna Ansixiyey Xubnaha Fulinta Iyo Golaha Dhexe & Guddoomiye Cirro Oo Dhaliilay Habdhaqanka Siyaasiyiinta S/Land

 "Siyaasiyiinta S/Land Waa Inay Indhahoodu Arkaan Dayaca Haysta Bulshadooda Oo Aanay Iyagu Isku Muuqan, Waxaana Loo Baahan Yahay Siyaasad Muda Kar Ah Oo Aan Lahayn Yoo-Yootan"C/Raxmaan Cirro

Hargeysa, April 10, 2012 (Haatuf)  – Shirwaynihii 1-aad ee urur siyaasadeedka WADANI oo mudo Laba maalmood ah ka socday Hutel Maansoor ee Magaalada Hargeysa ayaa shalay si rasmi ah loo soo gabo-gabeeyey, isla markaana lagu doortay hogaanka iyo Murashaxa ururkaas, waxaana sidoo kale Madashaas lagu ansixiyey 35 xubnood oo noqon doonta guddida fulinta iyo 250 xubnood oo iyaguna noqon doona Golaha dhexe ee urur siyaasadeedka WADANI.

Shirwaynaha ururka WADANI ayaa ka hor hogaanka ururka waxa lagu ansixiyey Xeerka Ururkaasi yeelanayo iyo barnaamij siyaasadeedkiisa oo nuqulo ka mid ah ergooyinka loo qaybiyey, markaas ka dibna waxa madashaas laga sheegay in Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro uu noqonaya Musharaxa Madaxwaynaha hadii ururkaasi u soo gudbo Xisbi-nimo, halka murasha Madaxwayne ku xigeenka ururkaas loo doortay ku xigeenkiisa koowaad Axmed Muumin Seed.

Shirwaynahan shalay la soo gabo gabeeyey oo ahaa mid si wayn loo soo agaasimay ayaa waxa ka ka soo qaybgalay 500 ergo, kuwaas oo ka kala socda dhamaan gobolada Somaliland, xubno ka socda guddida diwaangalinta ururada siyaasadda iyo ansixinta axsaabta qaranka iyo Marti sharaf tiro badan.

Sidoo kale waxa madashaas Shirwaynaha koowaad ee ururkaas hadalo kooban ka jeediyey dhamaan Masuuliyiinta loo doortay inay hormuudka ka noqdaan urur siyaasadeedka WADANI, kuwaas oo dhamaantood soo wada bandhigay waxyaabaha u qorshaysan inay qabtaan. Ugu horayna waxa madasha ka hadlay Guddoomiyaha ururkaas, isla markaana ah Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro) waxa uu hadalkiisa ku bilaabay "Marka ugu horaysa waxaan u mahad naqayaa Ilaaha ina siiyey nabada aynu dhex durduuranayno, caafimaadka iyo farxada aynu ku wada joognana inoogu deeqay Muslimiina inaga dhigay. Marka xigta waxaan u mahad naqayaa taageerayaasha ururka WADANI intiina halkan joogta iyo inta faraha badan ee nagala socota Shaashadaha TV-yada caalamka meelkasta oo ay joogaan waxaanan jeclahay inaan qof walba oo WADANI ka tirsan aan halkiisa ugu mahad naqo, Waxa kale oo aan u mahad naqayaa ergooyinka gobolada iyo kuwa ka yimid laamaha dibada ee ururka WADANI".

Guddoomiyaha urur siyaasadeedka WADANI C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro) isaga oo hadalkiisa sii wata kana hadlaya culayska Masuuliyadda,waxa uu yidhi "Waxaan ergada ka soo qaybgashay shirwaynaheena leeyahay walaalayaal waad ku mahdsan tihiin doorashada aad na doorateen, walaalayaal Masuuliyadu waa xil culus oo sida uu Ilaahay quraankiisa ku sheegay uu u soo bandhigay Cirka iyo Dhulka oo diiday, binu-aadamka ayaase qaatay, masuuliyada aad ii dhiibteena way igu culustahay inkasta oo noloshayda intii badnayd aan hayey masuuliyado kala duwan, waxaanan ka soo bilaabay Masuuliyada dugsigii sare ee Sheekh oo aan ka mid noqday guddidii Iskuulka iyo qoraa ku xigeenka Wargeyskii Iskuulku lahaa ee la odhan jiray Sahan, masuuliyadan aad maanta i saarteena waxaan Ilaahay ka baryayaa inuu igu asturo waxaanan dhamaantiin idinka codsanayaa inaad gacan igu siisaan. Anigu dhinacayga waxa aan idiin balanqaadayaa inaan idinku hago wixii aynu heshiis ku nahay oo Xeerka iyo Barnaamijka ururka aan idinku hogaamiyo, run ahaantii hogaaminta fiicanina waa in dadka kugu xeeran wax laga siiyo talada, siyaasiyiinta Somaliland waxaan u soo jeedinayaa inay indhahoodu arkaan dayaca wayn ee ka jira Somaliland ee aanay iyagu isku muuqan, shacbiga reer Somaliland mushkilada, kala qaybsanaan iyo dib u dhac in ku filan way haystaan. Waxaana loo baahan yahay siyaasad muda kar ah oo aan lahayn Yooyootan, waxaan ku baaqayaa in qaabkaas oo dalkeena iyo dadkeena aan anfacaynin laga guuro, waxaana haboon in dadka lagu jiheeyo waxqabad iyo qorshayaal la horkeeno ee ilama haboona in la iska daba qayliyo oo waxaan leeyahay Masuuliyada ina wada saaran aynu u gudano sida ugu wanaagsan".

Guddoomiyaha ururka WADANI C/raxmaan Ciro mar uu ka hadlayey barnaamijka ururkooda, waxa uu yidhi "Barnaamijka ururka WADANI, waxa inaga dhexeeya ee la inaga rabaa inaynu wadaagno inaynu ururka Xeerkiisa iyo Barnaamijkiisa siyaasadeed ee aad ansixiseen maanta inaynu ku shaqayno, barnaamijkaas oo aynu ku salaynay Hidaha iyo dhaqanka Somaliland, tusaale ahaan siyaasada arrimaha dibadda ee ururka WADANI waxaynu ku soo koobnay oodi ab ka dhaw, taas oo aynu uga jeedno inaynu xooga saarno in dawladaha jaarkeena ah aynu kula noolaano Nabad, iskaashi iyo xidhiidh darisnimo oo wanaagsan. Barnaamijka Caafimaadka waxaynu ku soo koobnay 'ka hortaga ayaa ka wanaagsan in wax la daweeyo', markaa wuu balaadhan yahay Barnaamijka ururka Wadani oo waad wada haysataan, waananu hor marin figradihiinana waanu u baahanahay ee walaalayaal na soo gaadhsiiyo".

Dhinaca kale Shirweynaha ururka WADANI ee shalay Magaalada Hargeysa lagu soo gunaanaday ee guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka Waddani lagu soo doortey Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), halka guddoomiye ku xigeenka koowaadna loo doortey Axmed Muumin Seed oo ka soo jeeda Gobolka Awdal, guddoomiye ku xigeenka 2-aadna loo doortey Faarax Maxamed Cabdile oo ah Xildhibaan Ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland kana soo jeeda bariga Burco, guddoomiye ku xigeenka sadexaadna waxa loo doortey Cabdilaahi Siciid Ismaaciil (Cabdilaahi Dheere) oo ka soo jeeda Hargeysa, guddoomiye ku xigeenka afraad waxa loo doortey Cabdi Raygal Beegsi oo ka soo jeeda gobolka Saaxil, guddoomiye ku xigeenka shanaad waxa loo doortey Milgo Maxamed Cabdi (Ina San-balooje) oo ka soo jeeda Hargeysa, sidoo kale waxa xoghayaha guud ee Urur-siyaadeedka Wadaani loo doortey Maxamed Cabdilaahi Uurcade oo ah Maayar kuxigeenka Caasimada Somaliland ee Hargeysa kana soo jeeda gobolka Maroodi Jeex.

Waxa kale oo shirweynahaas lagu ansixiyey guddida fulinta oo ka kooban 35-xubnood, waxa kale oo la ansixiyey oo la meel mariyey 201 ka mida 250- xubnood ee ay guddida fulinta ee ururka WADANI ka kooban tahay.



No comments: