Dadweynaha Oo Khaati Ka Taagan Habdhaqanka Maxkamadaha, Jiitanka DacwadahaLa Mashruucsado Iyo Halista Ka Iman Karta Maxaabiista Xabsiyada Is-Dul Tuulan
Hargeysa, April 10, 2012 (Haatuf) - Hay'adaha Garsoorka dalka ayaa nidaamkooda maamul iyo habdhaqanada ay u qaadaan kiisaska iyo dacwadaha ayaa shacbiga Somaliland cabasho weyn ka muujiyaan Jiitanka iyo Cimri dhererka ku yimaada dacwadaha ay ugu kala gar-qaadayaan kiisaska ay gacanta ku hayaan Garsoorayaasha ka hawlgala Maxkmadahu.
Maxkamadaha qaarkood ayaa lagu arkaa dad muddo dhawr iyo toban sanadood gaadhaysa oo dacwadi ka dhaxayso oo aan la kala xukumin dacwadaha, kuwaas oo labada dhinac, dhinac kastaa lacag laaluush ah ku bixiyo sidii kiiska loogu xukumi lahaa, xataa qofka aan awoodin lacag ay ku kalifto inuu xoolo dirqi baadi-doono si uu laaluushka laga doonayo u bixiyo, taas oo labada dhinacba ku doonayaan midkasta in isaga loo xukumo.
Habacsanaanta hawlaha shaqo iyo cadaalad darada ka jirta goobaha Garsoorka ayaa waxa ay sidoo keentay in dadweynaha Kiisasku ka dhexeeyaan ay ku soo qulqulaan Warbaahinta gaar ahaana Wargeysyada Madaxabanaan sidii ay cabashadooda ku wajahan Maxkamadaha ay ugu gudbin lahaayeen Madaxda sare ee dalka.
Garsoorayaasha Maxkamadaha gobollada iyo degmooyinka dalka ayaa lagu tilmaamaa kuwo mashruucsada kiisaska gacanta ay ku hayaan, isla markaana dib u dhac weyn ku rida dacwadaha dadka ka dhexeeya ee ay gacanta ku hayaan.
Habdhaqan-nada noocaas ah ayaa shacbigu ay cabashooyinka badan ka muujiyaan, taas oo ilaa iyo hadda aan wax isbedel ah oo ku yimid nidaamkii garsoorka ee dalkuna aanu jirin.
Hooyo da'deedu ay tahay 65 jir oo macageeda la yidhaahdo Aamina Cumar oo aanu kula kulanay shalay Maxkamada gobolka Hargeysa oo iyaduHaatuf uga warantay cabashadeeda ku wajahan Maxkamada waxay tidhi "Muddo 13 sanadood gaadhaysa ayaan qolo kale isku haysanay dhul beer ah, ilaa muddadaasi labadayadii qolo ee isku haystay dhulkaasi nalama kala saarin, dacwadayadiina Maxkamadaha ayuun bay iska taalaa, labadayada dhinacna lacag bay naga gurtaan garsoorayaashu".
Sidoo kalena waxa dhibaato wayn ka taagan tahay Maxaabis tiro badan oo qaarkood muddo dheer gar-sugayaal ku ah xabsiyada dalka oo inta badan Rumaan loogu diro Jeelasha, kuwaas oo lagu iloobo Jeelasha ama qaar dambiyo fudud ku eedaysan iyo qaar loo haysto fal-dambiyeedyo culus oo kala duwan oo ilaa heer dil ah ku eedaysan oo xukunadoodii dibu dhacyada ka yimaada kiisaska ay Maxkamaduhu gacanta ku hayaan ay keeneen in Maxaabiis tiro badan loo Rumaan-gareeyo xabsiyada, kuwaas oo ay kala bataan dhismayasha xabsiyada iyo maxaabiista ku xidhan.
Tusaale ahaan xabsiga magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer oo dhawaan laga dayriyay tirada badan ee Maxaabiista ku xidhan iyo dhismaha oo kooban oo ay soo bandhigeen xildhibaano ka tirsan golaha wakiiladu, oo iyagu walaac ka muujiyey xabsigaasi ayaa xiligaasi ku baaqay in la balaadhiyo dhismihiisa.
Sidoo kale xabsiyada Mandheera, Saaxil, Awdal, Gabilay, Sanaag iyo Laascaanod ayaa iyaguna ah xabsiyo qadiimi ah oo cidhiidhi badan ku haya maxaabiista ku xidhan iyo dhismayashooda oo kala badan.
Maxaabiista tirada badan ee lagu Rumaan-gareeyo xabsiyada dalka oo ay haboonayd in la gudo galo dhamaystirka kuwa aan xukunkooda la dhamaystirin, ayaa keeni kara cidhiidhiga ka jira xabsiyada kuwa ay ka dillaaci karaan cudurro halis galin kara Maxaabiista ku xidhan.
Si kastaba ha ahaatee Lacagaha Laaluushka looga qaado dhinacyada isku qabsada dacwadaha dhulka iyo Beeraha ee lagu laaluusho Garsoorayaasha iyo Dambi-baadhayaasha ayaa u goyn lahayd marka la qiimeeyo Beertii ama dhulkii la isku haystay, sidoo kale qaar ka mid ah eedaysanayaasha lagu soo qabto iyagoo dambiyo faraha kula jira ayaa marka aad wax ka waydiiso waxa ay kuu sheegayaan in todobaado saldhigyada Bileyska lagu warwareejiyo kolba oo ay sheegaan in ay u dhaami lahayd inta kolba silsilad iyo Saldhigi loogu wareejinayo in hore loo xukumo oo toos Jeelka loo geeyo ama la iska sii daayo.
No comments:
Post a Comment