24 April, 2012

Ururrada hadhay oo Caalamka ugu baaqay in laga fiirsado Dhaqaalaha lagu bixiyo Dimuquraadiyada Somaliland


Ururrada hadhay oo Caalamka ugu baaqay in laga fiirsado Dhaqaalaha lagu bixiyo Dimuquraadiyada Somaliland 

Ururrada hadhay oo Caalamka ugu baaqay in laga fiirsado Dhaqaalaha lagu bixiyo Dimuquraadiyada Somaliland,Wasiir Duur-na u jawaabay

maxaa iska bedelay mawqifkoodii Hanjabaadii Xukuumadda ka dib, maxayse ka yidhaahdeen eedaymihii loo jeediyay

Hargeysa-(WAAHEEN) Qaar ka mid ah Ururrada Siyaasada ee lagu reebay Qiimayntii Ururada Siyaasada ayaa wali yooyootan ugu jira sidii ay ugu meel dayi lahaa qaadacaadooda ku aadan natiijadii ka soo baxday Guddida diwaan-gelinta Ururada oo ay ku qanci waayeen.

Ururadan oo iminka samaystay Dalada farsamo oo ay ku gorgortamaan ayaa maanta shir jaraa’id oo ay kaga jawaabayaan hadalkii Wasiirka arrimaha Gudaha ee shalay ku qabtay xarunta Ururka UDHIS ee Magaalada Hargeysa, waxaanay tilmaameen inaanay wali ka noqon mawqifkii ay iska taageen qiimayntii guddida diwaan-gelinta ka soo baxday, taasoo ay u arkaan mid ka fog Cadaalada iyo hawshii loo igmaday.

Qaar ka mid ah hogaamiyayaasha Ururadan oo shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa Hanjabaadii Wasiirka arimaha guduhu shalay u diray markii ay isku dayeen inay dibadbaxyo dhigaan, ku tilmaamay mid aan loo meel dayin oo lagula dul-kufay, waxaanay ku cel-celiyeen inaanay wax nabad-gelyada waxyeelaya ku hawlanayn, sida uu shirkaasi ka sheegay Guddoomiyihii hore ee Ururka Horyaal Mustafe C/lahi Jaamac “Mr Duur Saaxiibkay weeye inkasta oo aanu maanta ku kala duwanahay fikirka siyaasiga ah oo anigu aan distoorka difaacayo isna uu distoorka duudsiyayo,
sidaa awgeed waxaan leeyahay waxaad ahayd nin dhalinyaro ah oo siyaasada ku soo galay doorasho lagu soo doortay oo anigu wali kumaan arag adiga oo qori sita ee Nin Xildhibaan ah ayaad ahayd nasiib wanaagna maanta wasiirbaad tahay, markaa marka ugu horaysa kelmedaha aad odhanayso aad uga fiirso hadii ay khilaafsanyihiin Distuurka dib uga noqo, shaqadaadu waxay tahay inaad amniga wadanka ilaaliso xaqbaad u leedahay taa, laakiin maalintii tirada kunka qof ahi socotay waxa jiray shaqooyin wasaarada arrimaha guduhu ay ahayd inay qabsato, taasoo ahayd hab socodka ay hawluhu u socdaan gaar ahaan nabad gelyada iyo cida ka hor imanayso wixii lagu heshiiyay”… “metelan Boorama waxa ka bilaabantay in Ururada qaar soo raraan dad waanad arkayseen waxna kamaydaan qaban, markii aanu waydiinay guddidana waxay nagu yidhaahdeen annaga iyo wasaarada arimaha guduhu waxaany ku heshiinay inaan wax la soo rarayo la qaban, markaa horta shaqadaadii koowaad taasay ahayd oo maad qaban”.

Mr Mustafe isagoo hadalkiisa sii wato waxa uu yidhi “Arinta labaad markaad leedahay amniga wadanka ayaa khal-khal ku jira ee salaadiin iyo cuqaal halaysugu yeedho waxbaa dhacayee waxbaa kaaga soo noqonaya”- “anigu waxaan ka qayb galay shirkii Boorama ee xadi qarameedka lagu sameeyay, axdi qarameedkii wakhtigaana dastuurka ayaa bedelay, markaa maanta adigu inaad Axdi qarameedkii ku shaqayso waan ka xumahay oo aad tidhaahdo dalkii wuu burburayaa ee madaxdhaqameedku haysu yimaadeen, dadka waxa loogu Hanjabayaa oo la leeyahay fawdaa dhici doonta fawdo hadii ay dhacaysana horey u dhici lahayd ee maaha in lagu hadlo arimahaasi” ”ayuu yidhi.

Sidoo kale Guddoomiyaha Ururka NDB Foosiya X. aadan Qabille oo iyaduna shirkaasi jaraa’id ka hadashay ayaa fariin ka dhan ah geedi socodka dimuquraadiyada Somaliland u dirtay wadamada caalamka ee dhinaca Doorashooyinka ka caawiya dawlada Somaliland, kuwaasoo ay kula talisay inay ka fiirsadaan halka ay ku baxayso “Dalalka faraha badan ee xooga saaray Somaliland dimuquraadiyadeeda ee doonaya inay hir-gasho hawsha badan iyo dhaqaalahana ku bixyay oo ay ka mid yihiin (Somaliland Democratation Strearing Committee), EUROPEAN UNION ee ay ka mid yihiin Ingiriiska iyo WORLD VISION waxaanu ogaysiinaynaa waxa ay ku bixinayaan dhaqaalaha inay eegaan oo ay ka daba tagaan” ayay tidhi.

Foosiya X. Aadan Qabille oo fariin u diraysa shacbiguna waxay tidhi “Waxaanu umadda reer Somaliland u sheegaynaa in warbaahintii qaranka annaga naloo adeegsaday oo nalugu cambaareeyo iyadoo nalugu sheegayo inaanu nahay dad qaran dumis ah ama dalka khal-khal gelinaya annagoo xuquuqdayadii distooriga ahayd ka amba qaadayna, markaa waxaanu umadda reer Somaliland u sheegaynaa oo aanu ogaysiinayaa inaan ahayn dad bur-burinaya dalka, dawladuna waa inay ka iirsataa xuquuqda aanu leenahay inaanay meel kaga dhicin iminka qalad way
galeen oo waxay galeen khalad wayn oo dastuuri ah, kana tanaasuli mayno xaqayaga ee dawladu haka fiirsato odayaasha la soo kiraysanayo ee warbaahinta la soo fadhiisiinayo ee umadda lagu soo jeedinayo”.

Guddoomiyaha Ururka NDB mar ay dhaliilaysay nidaamka dimuquraadiyadeed ee Somaliland oo ay sheegtay in lagu tuntay waxa ay tidhi“Guddoomiyaha Ururrada midoobay ee Jamhuuriga Axmed Sandoon ayaa isaguna sheegay inaanay ku hadhin qiimayntii Ururada iyo tii diwaangelinta toona, una diyaar garoobayaan Doorashada Golaha deegaan sidii ay uga qayb geli lahaayeen, taasoo buu yidhi hadii naloo diido
wixii dhaca aanay masuul ka ahayn “hadii aanu nahay Ururka Jamhuuriga oo ay ku midoobeen saddex Urur siyaasadeed mar kaliya maanu hadhin tii diwaan-gelinta iyo qiimayntii toona kumaanu hadhin, waxaanan u diyaar garoobaynaa sidii aanu uga qayb geli lahayn Doorashada, hadii ay noo diidaana wixii dhaca xukuumadda ayaa ka masuulka ah”ayuu yidhi.





Waaheen




http://samotalis.blogspot.com/

No comments: