28 April, 2012

Madaarka Hargeysa oo La Filayo in Maalinta Barri ah la Xidho iyo Wasiirka Duulista iyo Hawada oo Ka Biyo diiday in Lagu sii Shaqeeyo Madaarka kala baydh inta Dib udhisku ka Socodo Madaarka Caasimada.

Madaarka Hargeysa oo La Filayo in Maalinta Barri ah la Xidho iyo Wasiirka Duulista iyo Hawada oo Ka Biyo diiday in Lagu sii Shaqeeyo Madaarka kala baydh inta Dib udhisku ka Socodo Madaarka Caasimada.

Wasiirka Duulista iyo Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa Afkiisa in badan kala Xishooda soo hadal qaadka Madaarka......

Hargeysa (GNS)-Wasiirka Wasaarada Duulista iyo Hawada Somaliland ayaa Maalinta Barri la Filayaa inuu Xidho Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal International Airport oo lagu samaynayo dib u dhis balaadhan, Xidhitaanka Madaarka oo loo samaynayo Xaflad ayaa la filayaa inuu Ka qayb galo madaxwaynaha Somaliland axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo koox ka mid ah wasiiradiisa. 

Madaarka ayaa la sheegay in Si ku meel gaadh ah loogu Wareejin doono Berbera iyo Burco ayaa Noqon doonta Talaabo kale oo Baabiin karta Madaarkii Kalaybdh oo Haawanayay muddoba,kaasi oo ujira Madaarka Hargeysa 50-km oo aad ugu dhaw Dadka Rakaabka iyo Bagaashka laga soo dejinayoba in Si dhibyar loo soo gaadhsiiyo Caasimada iyo Gobolada kale ee dalka. 

Sidoo kale Shirkada Diyaaraha iyo Shacabkan Rakaabka ah ayaa ka Warwarsan Wakhtiga kulaylaha oo ku soo Fool leh Magaalada Berbera oo ah Magaalo Xeebeed laga Xagaa Baxo Bilaha soo socda, iyada oo sida warar Xogogaal ahi sheegayaan la Xaqiijiyay in Wasiirku Sheegay in hadii kulaylku soo galo loo wareegi doono Madaarka Burco. 

Wasiirka Duulista iyo Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa Afkiisa in badan kala Xishooda soo hadal qaadka Madaarka kalabaydh halka Madaarada kale ee dalka uu ku Faano inuu Wax ka Qabtay, Balse Gacantiisa kala Xishoodo inuu wax ka Qabto madaarka kalabaydh ee Gobolka Gabiley, sidoo kale Bulshada Gobolka ayaa ka Yaaban Talaabooyinka Wasiirku iskaga indha Tirayo Madaarkan. 


Gabiley News Desk 
Hargeysa Somaliland 
contactgabiley@yahoo.com 




No comments: