25 April, 2012

Jaamacadda Hargeysa oo ka Cabatay Farogalin ay Xukuumadu ku Hayso


Jaamacadda Hargeysa oo ka Cabatay Farogalin ay Xukuumadu ku Hayso

Guddida Sare ee Jaamacadda Hargeysa (Senate) bishii February 11,

Jaamacadda Hargeysa, ayaa si rasmi ah uga cabatay farogelin ay sheegeen in dawladda Somaliland ku hayso, iyadoo Guddida Sare ee jaamacaddu u dirtay madaxweynaha baaq iyo codsi la xidhiidha cabashooda. 
Qoraal ka soo baxay guddida sare ee Jaamacadda Hargeysa oo nuqul ka mid ahi Gabiley News soo gaadhay xalay, ayaa lagu sheegay in la go’aansaday kordhinta lacagta fee-ga ah ee laga qaado ardayda jaamacadda dhigata. 
Qoraalka ka soo baxay guddida Jaamacadda Hargeysa oo faahfaahsana waxa uu u qornaa sidan; “Guddida Sare ee Jaamacadda Hargeysa (Senate) bishii February 11, 2012 wuxuu go’aan ku gaadhay in la kordhiyo fee-ga jaamacadda, kaas oo ah ka ugu yar jaamacadaha waddanka, isla markaana fee-ga cusub uu ilaa maanta yahay ka ugu yar jaamacadaha Somaliland. 
Faculty Fee-gii hore Fee-ga cusub Korodhsiimo lixdii biloodba Bishiiba inta la kordhiyey 
Faculty of Business $157.5 $180 $22.5 $3.75 (saddex dollar &75 cent) 
Faculty of Economic $157.5 $180 $22.5 $3.75 (saddex dollar &75 cent) 
Faculty of ICT $190 $210 $20 $3.3 (saddex dollar & 3 cent) 
Faculty of Medicine $184 $250 $66 $11 (kow iyo toban dollar) 
Faculty of Engineering $180 $210 $30 $5 (shan dollar) 
Faculty of Science & Technology $157.5 $180 $22.5 $3.75 (saddex dollar &75 cent) 
Faculty of Law $180 $200 $20 $3.3 (saddex dollar & 3 cent) 
Faculty of Islamic Studies $157.5 $160 $2.5 $ 0.40 (40 cent) 
Faculty of Education $100 $100 0 0 
Faculty of Statistics $157.5 $180 $22.5 $3.75 (saddex dollar &75 cent) 

Golaha Sare, wuxuu si buuxda korodhsiimadaas aadka u yar ugu sameeyey duruufahan soo socda awgood: 
1. Duruufaha dhaqaale ee dalka oo isa soo bedalayey, laga soo bilaabo 2000 oo ah aasaaskii jaamacadda. 
2. Iyadoo jaamacaddu dhaqaale ahaan haysan kari la macallimiinta khibradda leh. 
3. Harumarinta adeegyada kala duwan ee jaamacadda. 
4. Iyadoo ardayda jaamacaddu aad u korodhay, waxa lagama maarmaan noqotay in la qorsheeyo sidii loo kordhin lahaa goobaha waxbarashada sida fasallada, lecture halls-ka iyo shaybaadhada iwm. 
5. In la horumariyo xarunta cilmi-baadhista si loo hirgeliyo qaybaha kala duwan ee cilmi-baadhista ee waddanka u baahan yahay, ardayduna uga qaybqaadan lahayd. 
6. Kor-u-qaadidda, joogtaynta tayada macallimiinta iyo shaqaalaha jaamacadda (capacity building). 
7. Si joogto ah in dib-u-eegis loogu sameeyo barnaamijyada waxbarasho ee jaamacadda, looguna raadiyo ardayda buugta waxbarashada (Text books, computers iwm). 
8. Iyadoo ay jiraan kulliyado muhiim u ah bulshada iyo qaranka Somaliland oo aan hadda isbixin karin, una baahan kaabis sida kuliyadaha, caafimaadka, waxbarashada, daraasaadka islaamiga ah iyo Statistics-ka. 
Kadib markii ay kulamo badan yeesheen Golaha Sare ee Senate-ku, daraasaddana sameeyeen, kuna qanceen duruufaha jira, lana tixgelinayo xaaladda dhaqaale ee bulshada iyo sababahaas kor ku xusan dartood, ayuu goluhu wadajir ku go’aamiyey kordhintaas yar.
Go’aankaas oo ardayda lagu wargeliyey 11 February 2012, iyagoo u baxaya fasaxii bisha ahaa si ay ugu soo talogalaan semester-ka cusub. Markii ardaydii soo noqotay waxa soo baxay in koox yar oo sheegatay inay ardayda matalayaan, meel lagu magacaabayna aanay jirin, ardayduna kula socon ay ka horyimaaddeen go’aankii, iyadoo ardayduna bilaabeen bixinta fee-ga cusub. 
Kooxdaasi yar waxay bilaabeen fawdo iyo ixtiraam la’aan iyo haddidaad ku wajahan jaamacadda, maamulka, macallimiinta iyo guud ahaan qaranka, waxaanay ku hanjabeen in ay bannaanbaxyo abaabuli doonaan haddii aan laga noqon fee-ga cusub. Waxay kulamo la yeesheen Wasaaradaha Daakhiliga, Waxbarashada iyo Tacliinta Sare iyo saxaafadda, iyagoo shuruucdii jaamacadda iyo tii ardaynimo burburiyey, isla markaana soo yeedhiyey go’aamo xadgudub ah. 
Kooxdaasi waxay kulan la yeesheen Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, kulankaas kadibna wasaaraddu waxay soo magacowday guddi xaqiiqo-raadis ah, kuwaas oo ku guda jira hawlahoodii ilaa maanta. Iyadoo taasi jirto waxa kaloo ay Wasaaradaha Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Daakhiliga iyo Taliyaha Ciidanka Bilayska iyo kooxdii ardayda ahayd kulan aanay jaamacaddu ogayn ku yeesheen Wasaaradda Daakhaliga, taas oo go’aamo aanay jaamacaddu waxba ka ogayn laga sii daayey warbaahinta kala duwan oo ay ka mid ahayd in kordhintii fee-ga laga noqday. 
Faragelinno hore oo jiray iyada oo la ogyahay, jaamacaddana ku abuuray mashaakil, waxa la yaab noqotay in Wasaaradda Waxbarashadu soo farageliso markale go’aamada jaamacaddu qaadato, isla mar ahaantana meesha ka saartay shuruucdii u dheaxaysay maamulka iyo ardayda. 
Go’aan: Golaha Senate-ku wuxuu 07/April/2012 yeeshay shir degdeg ah oon caadi ahayn, kaas oo lagu go’aamiyey qodobaddan hoos ku xusan: 
1. In aanay ka noqosho lahayn korodhinta fee-ga jaamacadda lagu sameeyey. 
2. In Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ula dhaqanto Jaamacadda Hargyesa sida jaamacadaha dalka, iyadoo ilaalinaysa madaxbannaanida maamulka jaamacadda, farogelintana laga daayo. 
3. In Jaamacadda Hargeysa laga fogeeyo arrimaha siyaasadaysan ee ardayda la soo dhex geliyey, isla markaana dadka ay ogtahay Wasaaradda Waxbarashadu inay abaabulayaan arrimahaan inay ka qaado tallaabo amma u gudbiso hay’adahay khusayso. 
4. Golaha Senate-ku wuxuu soo jeedinayaa inta aan la xulan Guddoomiyaha Jaamacadda, in la dhiso laguna dhawaaqo Board of Trustees-ka. 
5. Goluhu wuxuu bulshada la soconsiinayaa inta hab-maamulka jaamacaddu suurtogelinayo inay jaamacaddu shaqaynayso, sideediina u socoto, una dhutinayn xil bannaan. 
CODSI: Mudane Madaxweyne; waxaannu si xishmad leh kaaga codsanaynaa in la ixtiraamo, loogana dambeeyo hab-maamulka jaamacadda madaxda loo igmaday. 
Waxaanannu kula socodsiinaynaa in faragelintii dawladdu dhaxalsiisay jaamacadda labadan ayaan-darro: 
1. Khalkhal ku dhacay macallimiinta, maamulka iyo araydaba oo keenay in aanay ardaydu lacagtii bixin intooda badan, taasina waxay keenaysaa in aan bishan macallimiinta wax mushahar ah loo haynin. 
2. Ardayda oo gacantooda sharcigii waxbarasho ee jaamacadda u degennaa ku qaatay oo shuruucdii waxbarasho ee jaamacadda u yaalay ka hor yimi, iyaga oo isku halaynaaya in dawladdu tooda uun raaci. 


Gabiley News Desk 
Hargeysa Somaliland
http://samotalis.blogspot.com/

No comments: