25 April, 2012

Dawlada Hoose ma Sidan bay Doormooday Mise Dadkay ku Mashquushay

Dawlada Hoose ma Sidan bay Doormooday Mise Dadkay ku Mashquushay

togaherer   

Hargeysa/ToggaHerer 24 April 2012
Iyadoo lagu jiro  xili Roobaad kii Gu`ga  ayaa waxaa muhiima inay Dawlada Hoose ilaaliso Nadaafada Magaalada iyadoo  ku dadaalaysa  ururinta qashinka  maadaam oo ay tahay shaqadeedii iyo Xilkii loo igmaday.
Maadaama oo la galay  Wakhtigii Raxmaadka Eebe Subxaanahu Watacaalaaye  aynu heli jirnay   markuu Qashinku sidan u  buux dhafiyo  Suuqyada Caasimada  waxaay ka dhigan tahay inay Dawladii Hoose ilawday doorkeedii wax ku oolka ahaa ee ay bulshada u haysay.
Waxaa ayaan daro ah  inay  Badhtamihii Magaaladu sidan u eekaado.
Waxaad ka argagaxaysaa ooy Indhahaagu arki karayn  Qashinka qoyan ee yaala Badhtamaha Suuqa iyadoo ay fududahay sida cudurka looga qaadayaa.
 
Waxa kale oo ka daran  xoolaha oo ka batay dadka iyagoo  ku dhex nool Qashinka sidaad indhihiina ku arkaysaan  iyagoo dadkuna ku ag Ganacsanaya.
Dawlada hoose ee Hargaysa  oo iyadu ah meesha u xilsaaran Nadiifinta  Magaalda Hargaysa oo ah caasimada Soomaliland inay ku dhex nooladaan  Adhigii ,Geelii, Lo`dii  waxaa intaa u dheer Ayda oo iyguna aad ugu sii badanaya Magaalada.
Goobtan aad imika arkaysan  waa Badhtamaha  Magaalada dhinac waxaa yaala qashin Qoyan dhinacnkal waxaa ku Ganacsanaya  dadkii halka dhinaca kalena joogaan xoolihii.
Warqabadka ToggaHerer
Khadar Nuux Yoonis
4613818



No comments: