17 April, 2012

Burco: Nin iyo Gabadh is-qabay oo isku dhex Khaarajiyay Hudheelka Barwaaqo, ka dib markii ay qol hoosta ka soo xidheen


Burco: Nin iyo Gabadh is-qabay oo isku dhex Khaarajiyay Hudheelka Barwaaqo, ka dib markii ay qol hoosta ka soo xidheen

Taliyaha qaybta Bilayska ee Gobolka Togdheer Saleban Ducaale Ubaxle .....

Burco(GNS)-Dil Fool xun ayaa shalay ka dhacay Huteelka Barwaaqo ee Magaalada Burco, kaasoo lagu khaarajiyay Nin ka mid ahaa dadka Hudheelkaasi degenaa, kaasoo ay toogatay sida la rumaysanyahay Xaaskiisii oo ay hudheelka wada degenaayeen. 

Labada qof ee is-qabay ayaa sida la sheegay qol ka mid ah qolalka Hudheelka oo ay degenaayeen hoosta ka soo xidhay ka hor intii aanay is-dilin, waxaana lagu war-helay dhawaqa rasaastii ay isku rideen. 
Waxaana goobta soo gaadhay ciimadan Bilays ah oo Daaqadaha uga dhacay qolkii falku ka dhacay, kuwaasoo ugu galay Marxuumka dhibtay iyo Haweenaydiisa oo midna dhintay midna dhaawac yahay. 

Ninkan dhintay oo ka mid ahaa sida la sheegay Shaqaalaha shirkada dahabshiil, gaar ahaana Darawaliinta ayaa la rumaysanyahay inay dishay Xaaskiisa oo iyadana dhaawac halis ahi ku yaalo, isla markaana loola cararay Cisbitaalka guud ee Magaalada Burco lagu dabiibayo. 

Mid ka mid ah Shaqaalaha cisbitaalka guud ee Burco ayaa sheegay in Haweenaydaasi dhaawac culus ka qabto sambabka oo xabadi kaga taalo, halka Marxuumka dhintay xabadu kaga dhacday madaxa “walaal Gabadhii Cisbitaalka ayaa la dhigay oo ay taalaa, Ninkiina wuu dhintay, waxaanay xabadu kaga taalay Madaxa halka gabadhana ay dhaawac halis ah ka qabto Sababka”sidaasi waxa yidhi mid ka mid hawl-wadeenada Cisbitaalka. 
Sidoo kale Dr. C/qaadir oo ka mid ah Dhakhaatiirta ka hawl-gasha Cisbitaalka ayaa xaqiijiyay inay cisbitaalka taalo Haweenaydaasi dhaawaca qabta, taasoo lagu tuhunsanyahay inay ninkeeda dishay. 

Geesta kale Taliyaha qaybta Bilayska ee Gobolka Togdheer Saleban Ducaale Ubaxle oo aanu kiiskan wax ka waydiinay ayaa ka gaabsaday inuu wax faah-faahin ah ka bixiyo dhacdadan, hase yeeshee waxa uu hadalkiisa ku soo koobay in baadhis lagu wado kiiskaasi sida uu u dhacay “kiiskaa iminka kama warami karno oo baadhis ayaa socota”ayuu yidhi Taliyuhu. 

Qof Goob jooge ahaa markii arintani ka dhacday ayaa sidoo kale noo sheegay in qolkii dilku ka dhacay laga helay Baaskoolad kaliya, taasoo ilaa hadda aan la xaqiijin labada ruux ka sitay ama hudheelka la soo galay, inkasta oo markii hore suuqa la soo galiyay warar sheegayay in labadooduba ay kala siteen laba baaskooladood oo ay si toos ah isugu fureen. 

Wararku waxay intaasi ku darayaan in Qoyska Khilaaf hore ka dhexeeyay, laakiinse ilaa hada ma jirto si rasmi ah u cadaynaysa sababta falkaasi ka dambeysa iyo sida ay labada ruux wax yeelada isu gaadhsiiyeen, waxaana laga war sugayaa baadhista hay’adaha C.I.D-da oo arintaasi baadhaya, wallow labadii qofba aanay Xay wada ahayn. 

Gabiley News Desk 
Burco Office 
Somaliland 
contactgabiley@yahoo.com
http://samotalis.blogspot.com/

No comments: