17 April, 2012

Ina Saleeban dafle oo ahaa taliyihii ciidamadii nabadsugida Soomaaliya oo ku baaqay inlala dagaalmo somaliland lana soo dhiciyo dhulka dhulbahante


Ina Saleeban dafle oo ahaa taliyihii ciidamadii nabadsugida Soomaaliya oo ku baaqay inlala dagaalmo somaliland lana soo dhiciyo dhulka dhulbahante

General-dafle oo hadaladiisa ay ahaayeen qaar u muuqday in uu ku abaabulayo dagaal hore leh oo ka curta Bariga Somaliland,

Gacan ku dhiigle ahmaed saleeban dafle oo ahaa taliyihii ciidamadii nabadsugida Soomaaliya oo ku baaqay inlala dagaalmo somaliland lana soo dhiciyo dhulka dhulbahante Brigadier General Axmed Saleebaan Cabadlle (Dafle) oo ka mid ahaa saraakiishii masuulka ahayd xasuuq ay ciidamadii dawladii Maxamed Siyaad Barre kula kaceen shacabka Somaliland dabayaaqadii 1980-yadii, ayaa beesha uu ka soo jeedo ee degta Bariga dalka ugu baaqay dagaalo lagu hoobto oo ay la galeen dawlada Somaliland. 

General Dafle oo ka hadlay munaasibadii ay jaaliyada dalka Kuwait ee gobolada Sool, Sanaag Bari iyo Buhoodle ku soo dhaweynaysay wefti ka socday kooxda Khaatumo State oo uu hogaaminayay,kuwaasoo ay ka mid ahayd Suuban Maxamed Siyaad Barre oo ah xaaskiisa, ayaa sheegay in deegaamada beesha Dhulbanahante ee ay Somaliland ka taliso yihiin dhul xaqdaro ku maqan, oo ay waajib tahay in dhakhso gacanta beesha loogu soo celiyo. 

General-ka oo hadaladiisa ay ahaayeen qaar u muuqday in uu ku abaabulayo dagaal hore leh oo ka curta Bariga Somaliland, ayaa waxa u riyaaqay dadkii madashii ku sugnaa, kuwaasoo qaadhaan ugu yaboohay jabhada Khaatumo State ee dagaalada ku jirta ciidamada Somaliland. 

“Dagaalku waa muhiim si dhulkii loo qabsado, sababta loogu soo dhiiraday qabsashada deegaamada Sool, Sanaag iyo Cayn oo ay ka mid tahay Laascaanood, waxa weeyaan beesha oo aanay midnimo ka dhex jiran, wax ay isku raacsan tahayna aanay jirin, ciidamada haysta Laascaanood kuma soo dhiiradeen haddii beesha SSC midaysan tahay, waayo si wanaagsan ayay u yaqaanaan dadka degga SSC, Laakiin beesha hadda waxa ay ku midaysan tahay Khaatumo, qof kasta waxa la gudboon in uu maamulka ku taageero waxa uu tari karo, waa in aad ka hortagtaan dadka kala goynaya Soomaaliya” ayuu yidhi Axmed Saleebaan Dafle. 

Mr Dafle oo ay xaaskiisu ahayd gabadh uu dhalay Madaxweynihii Soomaaliya Gen Maxamed Siyaad Barre waxa uu ahaa nin awood badan, iyadda oo la’ aaminsan yahay inuu ahaa maskaxdii ka dambaysay barakicinta dadka reer Somaliland oo uu wakhtigaa ku tilmaamay qaar halis ku ah jiritaanka nidaamkii Kacaanka hanta-wadaaga. illaa intii ay burburtay dawladii uu ka tirsanaa laguma arag masraxa siyaasada Soomaalida sida saraakiisha kale ee ciidamada oo u xuubsiibatay siyaasiyiin.
http://samotalis.blogspot.com/

No comments: