“Waxaan Ka Muraara Dilaacaa Askariga Furinta Jooga Ee Awlaadiisii Cagaf La Galiyey Iyo Hoygii Yaraa Ee Ay Ku Jireen”
Nadiira Maxamed
Hargeysa, March 18, 2012 (Haatuf) – Qaar ka mid ah Ganacsatadii danyarta ahaa ee dawladda Hoose Meheradahoodii yaryaraa ee ku yaalay Ex Gurigii Xusbiga ayaa si weyn u cambaareeyey talaabada Axmaqnimada leh ee ay xukuumadu ula dhaqantay danyartaasi, taas oo ay ku tilmaameen in lagu barakiciyey boqolaal qoys oo muwaadiniin ah.
Ganacsatadan danyarta ah ayaa qaar ka mid ah warbaahinta oo Haatuf uu ka mid yahay ugu waramay xalay goobtii laga barakiciyey, kuwaas oo tilmaamay inay quus taagan yihiin, isla markaana loogu yimid noloshoodii iyo hantidii yarayd ee ay quutal daruuriga kala soo baxayeen.
Dadka halkaasi ka hadlay oo isugu jiray Rag iyo Dumar ayaa waxa ka mid ahaa dadkii hadlay Nadiira Ismaaciil Maxamed, waxaanay tidhi “Dadka Ku ganacsanayey waxa ka xanuun badan maatida afarta cisho halkaa wadhan ee hantidoodii iyo hoygii ay galayeen, awlaadoodii iyo naftoodiiba loogu yimid, ummadduna had iyo jeer waxa ay ka dagaalantaa, waa difaacida nafta iyo maalka, anaga malaha waxa noo eg dawladdu sida ay nagu wado, in aanu kacno oo naftayada iyo maalkayga aanu difaacano mooyaane wax noo qabtaay way naga dhamaatay, in aanu nafta iyo maalka difaacano oo kaliya ayaa noo hadhay. Dawladda Siilaanyo waxa ay nagu soo gashay ee habeen iyo maalin aanu ugu soconay oo cagaha biyuhu noogu galeen is bedel baanu keenaynaa, isbadelkii laakiin waxa uu noqday inay danyarta ka adkaato oo maatida ay ka adkaato oo hantidiooda burburiso, anagau hanti maanu haysan waxa aanu haysanay waxaa yar ee aanu caruurtayda siinayo, waxa ummadda la keenayo ka muhiimsan ummadan la baabiiyey.
Kuwa Halkayagii la keenayaa waa dadkayagii, waxa aan ka muraara dilaacaa ninka askariga ah ee isaga oo furinta jooga awlaadiisii Cagaf la galiyey iyo hoygii yaraa ee ay ku jireen, ee saddexda cisho ee ay leeyihiin waxbaanu ogaysiinaynaa dadka, Gabadhu kolba meel istaagaysay ee lahayd boqol kun oo aan ku furfurto yaa I amaahiya, iyada oo wayday intiiba ay ka soo gaadhay Cagaftii, markaa dawladayadii tacadi ayay nagula kacday, dawladdii hore ee siyaad bare, waxaynu ka difaacanaynay naf iyo maal bay ahayd, tana naf iyo maalbay noogu timid, in aanu kacno haday doonayso dadku way bislaadeen dagaal tag uma hayaan, hay’adaha qaxootiyada caawiya ayaanu u tagaynaa oo xuduudaha ayaanu ka talaabayn wadankayaga dhexdiisa hay’addi naguma qaabili kato, xalku waxa weeyi in aanu xuduudaha ka talowno oo hay’adaha qaramada midoobay ee dadka caawiya aanu u tagno, waayo intaas oo dhan ayaa Tv-yada laga hadlayaa, maatida dhibaatadeeda laga hadlayaa, dadka waxa soo gaadhay laga hadlayaa, qof inta uu noo yimaado yidhaa bilic baan hagaajinayaa mooyaane qof leh cid baan dhibaateeyey ma hayno ilaa al aanag.
Muhiimadana waxa aanu awal moodi jirnay inay nagaga imanayso dhibaatadu dawladda Hoose laakiin imika dawladda hoose nagagama timaado ee dawladdii dhexe ee aanu dooranay ee wali daalkeedii uu nagu sii yaalo ayaa nagu haysaa waxa anagaga daran markii la yidhi dad maatiya ayaad dumiseen waxa ay yidhaahdeen maatiba may ahayne dad oromo ah ayay ahaayeen, ma anagii shalay waraaqaha nalala hoos ordayey noo codeeya nala lahaa ayaa oromo noqonay waa nasiib daro haddii aanu oromo u ekaanay maanta, laakin waa la isku baahan doonayaa ayaan odhan lahaa”. Ayay tidhi Nadiira Ismaaciil.
Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka halday xubo ay ka mid yihiin Maxamed Muxumed Xirsi, Axmed Cismaan Cumar, Cali Maxamed, Isaaq, kuwaas oo dhamaantood ka tirsan Ganacsatadii danyarta ahayd ee laga baabiiyey meheradihii ay ku lahaayeen Xusbiga, kuwaas oo tilmaamay in dawladdu ay bara kicisay.
No comments:
Post a Comment