Suldaan Maxamed Xirsi Qani Oo Ka Hadlay Dagaal Qadhaadh Oo Duleedka Gaashaamo Bari Ku Dhexmaray Ciidamada Liyuu Booliska Iyo Dad Shacab Ah Oo Reer S/land & Wararka
Khasaaraha Dhimasho Iyo Dhaawac
Hargeysa, March 18,2012 – Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani oo ka mid ah Salaadiinta waawayn ee galbeedka Burco ayaa ka hadlay Dagaal Culus oo Dhimasho iyo Dhawacba Sababay oo ka dhacay Deegaanada Duleedka Gaashaamo Bari ee Kililka Shanaad ee Ethiopia, kaas oo sheegay inuu ka dhashay ka dib markii doraad ay Ciidamada Liyuu Booliska ee Kililka Shanaad ay deegaanka la yidhaahdo Raqda ay ku dileen Marxuum la odhan jiray Farxaan Cali Goohe, taasina sababtay inay dadkii shacabka ahaa oo dhibaato badan ka tirsanayey askarta Liyuu booliska ay aar goosi kala daba tageen halkaasna ay kaga dileen 8 Askari.
Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani ayaa waxa uu sidaas ku sheegay mar uu Xalay Wargeyska Haatuf ugu waramayey Khadka Telefoonka, isaga oo ku sugan Hargeysa , kaas oo si mugleh uga warbixiyey xaalada ka taagan deegaanada Gaashaamo bari ee Kililka shanaad, isla markaana Cambaareeyey falkaas Ciidanka Liyuu boolisku ay ku gumaadeen dadkaas shacabka ah ee aan waxba galabsan.
Waxaanu sheegay in ay dagaaladaasi saameeyeen, isla markaana ay xaalado colaadeed ka taagan yihiin deegaanada Galka-boodo-libaax, Dhoobo-Guduud, Raqda iyo Cadaada oo ka mid ah deegaanada kililka shanaad ee dalka Itoobiya, ayna dagan yihiin dad dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland.
Ugu horayna Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani isaga oo ka hadlaya arintaas, waxa uu yidhi “Waxa jira oo wararka hada na soo gaadhayaa ay sheegayaan in Deegaanada Gaashaamo bari ay Ciidamada Liyuu booliska ee kililka shanaad ee Ethiopia ay ku gumaadeen dad shacab ah, isla markaana ay duldhigeen Tikniko badan. Sida warku nagu soo gaadhayo shalay (doraad) ayaa tuulada la yidhaahdo Raqda ay ciidamada Liyuu Boolisku ku dileen nin la odhan jiray Farxaan Cali Goohe, dadka shacabka ahina dhibaato ayay ka tirsanayeen askarta Liyuu booliska, dilkaasina shalay mid fool xun ayuu ahaa oo nin ayay Magaaladda dhexdeeda isaga toogteen”. Suldaanku isaga oo hadalkiis sii wata, waxa uu yidhi “Markaas ka dib ayay dadkii shacabka ahaa is-abaabuleen, nimankii Liyuu booliska oo xagga bari u lugeeyay ayay ka daba tageen dadkii, waxayna ku gaadheen meel kayn ah oo la yidhaahdo Xabaale Case, halkaa waxa ku geeriyooday 8 nin oo Liyuu booliska ah iyo nin shacabka ah, saddex shacabka ahina way ku dhaawacmeen, dhaawiciina halkan (Hargeysa) ayaa loo soo qaaday”.
Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Saaka waxa la noo sheegay in Liyuu boolisku ay afar tuulo oo la kala yidhaahdo Galka-boodo-libaax, Dhoobo guduud, Raqda iyo Cadaada weerar ku soo qaadeen, wararkuna waxay sheegayaan in tuulada Cadaada la gubay oo Liyuu boolisku gubay, waxaana la sheegay in 15 nin oo dhaawac ah halkaasi laga soo qaaday shacabkuna ay aad isku abaabuleen.”
Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani waxa uu eedaymo u jeediyay Liyuu booliska “Ciidamada liyuu boolisku maaha ciidan dadka kililka shanaad ka dhaxeeya ee waa dad gaar ah waana reer gaar ah, inay dad gaar ah yihiina waxa cadaynaysa sida ay u aar-goosanayaan ee ay u gubayaan tuulooyinka”.
No comments:
Post a Comment