Xildhibaanadan la soo daayay ayaa la xidhay Maalinimaddii shalay ka dib markii ay soo abaabulay Mudaharaad ka dhan ah Maayarka Magaaladda Gabiley
Hargeysa (GNS)- Wasiirka arimaha gudaha somaliland ayaa shaaca ka qaaday in uu amaray in saldhiga dhaxe ee Magaaladda Gabiley laga soo daayo 11 xildhibaan oo ka mid ah mudanayaasha golaha deegaanka Gabiley, kuwaasi oo rabshad ka abuuray Magaaladda Gabiley, isla markaana lagu xidhay magaaladaasi. Xildhibaanadan la soo daayay ayaa la xidhay Maalinimaddii shalay ka dib markii ay soo abaabulay Mudaharaad ka dhan ah Maayarka Magaaladda Gabiley Khadra Xaaji Gaydh, Mudanayaashan ayaa lagu soo eedeeyay in ku kaceen falal fool xun, iyagga oo burburiyey muraayaadaha xafiisyada dawlada hoose ee Gabiley iyo hoolka shirarka oo dhawaan Madaxwayne ku xigeenka Somaliland xadhiga ka jaray.
Mudanayaashan oo la sheegay inay ka cadhoodeen fadhiyadii caadiga ahaa ee ay yeelan jireen oo wasaaradda arimaha guduhu ka hor-joogsatay, waxayna Mudaharaadkan oo ahaa mid rabshato oo ay gacan ku siiyeen xildhibaanada dad wax ma garato ah ayaa dhibaato ugu geystay qaar ka mid ah shaqaalaha dawlada Hoose ee Gabiley iyo askar ka tirsan booliska Magaaladda Gabiley.
Wasiir Maxamed Nuur Caraalle Duur waxa uu sheegay in Mudanayaasha la xidhxidhay ay wakhtigan dib loogu soo celiyay xuriyadoodiii.
Cali-Mahdi Cismaan Axmed
Gabiley News Reporter
Hargeysa Office
contactgabiley@yahoo.com
No comments:
Post a Comment