Maxakamada Gobolka Hargeisa ayaa u sheegtay eedaysanayaashani dacwadooda la qaadi doono Maalinta Sabtida......
Hargeisa (GNS)-Maxkamada gobolka Hargeys ayaa Saaka Xukun rumaan ah ku Riday Seddexdii Masuul ee Raashinka Masaakiinta Dhacay, kuwaasi oo Shalay Madaxwayne Siilaanyo Xilka ka qaaday iyaga oo Xabsiga ku jira, Maxakamada Gobolka Hargeisa ayaa u sheegtay eedaysanayaashani dacwadooda la qaadi doono Maalinta Sabtida ee todobaadka soo socday, kuwaasi oo Maxkamada la horkeeni dooni Caddaymaha Danbiyada ay ka galeen Masaakiintii raashinka laga leexsaday
Masuuliyiintan Saaka Dacwadooda Dib loo Dhigay ayaa kala ahaa Axmed Cumar X Cabdilaahi (Xamarje) , badhasaabkii gobolka Maroodijeex, Axmed Cilmi Barre agaasimihii guud ee wasaarada dib u dejinta iyo Cismaan Jaamac Siciid, la taliyihii Madaxweyne ku xigeenka,
Si kastaba ha ahaatee Talaabadan ayaa noqonaysa Tii ugu horaysay ee xukuumada Siilaanyo ku Qaado Masuuliyiin xil haya oo lagu helay Falal Musuqmaasuq oo ay gacmaha kula jireen, kuwaasi oo
dadwaynaha ku dhaqan Somaliland si wayn u soo dhaweeyeen in la Qabto cid kasta oo isku dayday falalka foosha xun ee noocan oo kale ah
C/raxmaan Muuse Ibraahin
Gabiley News Reporter
Hargeisa Somaliland
contactgabiley@yahoo.com
No comments:
Post a Comment