Suldaanka Guud Ee S/Land Oo Qabashada Boqor Buur-Madow Ku Tilmaamay Sharci Daro, Sheegayna In Sida Aan Loo Xidhi Karin Xubnaha Guurtida Iyo Wakiilada Salaadiintana Loo Xidhi Karin
Suldaanka Guud Ee S/Land Oo Qabashada Boqor Buur-Madow Ku Tilmaamay Sharci Daro, Sheegayna In Sida Aan Loo Xidhi Karin Xubnaha Guurtida Iyo Wakiilada Salaadiintana Loo Xidhi Karin
Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa qabashada Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur Madow) oo xukuumadu ay Maalintii shalay Xabsiga u taxaabtay mar uu ka soo degay garoonka Diyaaradaha ee Hargeysa ku tilmaamay mid u dhacday qaab fool xun, isla markaana tilmaamaysa in aan sharciga dalka u yaala loo sinayn.
Suldaan Maxamed waxa uu intaasi ku daray in Salaadiinta, Boqorada iyo Isimada aan la xidhi Karin sida aan loo xidhi Karin xubnaha Guurtida, Wakiilada iyo Wasiirada, maadaama oo ay xasaanad huwan yihiin.
Suldaan Maxamed Waxa uu sidaasi ku sheegay Mar uu xalay Khadka Telefoonka kula soo xidhiidhay Wargeyska Haatuf oo uu waraysi siiyey, kaas oo sidoo kale Madaxweyne Siilaanyo ugu baaqay in si degdeg ah xoriyada loogu soo celiyo Boqor Cismaan Buur Madow, maadaama oo Somaliland ay ka jirto Dimuqraadiyad oo la dhaliili karo xukuumada hadda jirta, sidii iyaguba markay mucaaridka ahaayeen ay u dhaliili jireen Xukuumadii Sabankii Rayaale.
Ugu horayna Suldaanku isaga oo ka hadlaya qabashada Boqorka, waxa uu yidhi "Waxaan leeyahay Qabashada Boqor Cismaan Buur Madow, qaab aad u fool xun ayay u dhacday, Salaadiintii damacsanayd inay Airport-ka kaga hor tagtana waa loo diiday, oo kadinka madaarka laga galo ayaa lagu celiyey, CID-dana in loo furo kol haddii kadinkaa lagu celiyey ma jirto, runtii anigu xidhiidh waan la sameeyey intuu Dubai joogay maadaama oo aan ahayd Suldaankii guud ee Beelaha Somaliland, Madaxweynuhuna uu yahay Madaxweynihii Somaliland, waatan imika aan TV-yada ka arkayey in halkaa qoraal Maxkamadu ay soo saartay loo dhigay, boqorku intaanu imana waxa aan waydiiyey wax Cafis ahi may jiraan, maya ayuu yidhi anuu waxba maan soo qorine waan imanayaa dalka nin u dhashay oo reer Somaliland ah ayaan ahay, waa hagaag ayaan ku idhi.
Markaa waxa aan leeyahay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland in boqorkaa xoriyadiisa loo celiyo, ta labaad Dimuqraadiyad ayaa ka jirta Somaliland oo qofka bini'aadamka ahi wixii uu tabanayo wuu sheegi karaa, Maadaama oo Madaxweynihii Somaliland aad tahay, ana aan Suldaankii Guud ee Beelaha Somaliland aan ahay, waxaan kaa codsanayaa Madaxweyne in aad xoriyadiisa u celiso oo aad sii dayso Boqor Cismaan.
S: Haddii uu Boqor Cismaan Dambi Galay oo sida ay xukuumadu sheegayso uu hadalo kicin iyo Nabad Galyo daro ah uu galay Miyaan Sharciga loo sinayn oo aanu Qabanayn?
J: Horta waxa aan qabaa anigu, Dawladda, Markii loo tartamayey Asxaabta ayaa hadii sharciga loo siman yahay ahayd in dad badan la xidho oo Aflagaadooyin ku hadli jiray maalinta ay banaan bax leeyihiin oo ha uguba sii horeeyo xisbigii Kulmiye cidii markaa Matalaysay Madaxdiisa sare, dee haddii dadka wixii aflagaado ah oon cay ahayn, laakiin Facaa'ilka xukuumada aad wax ka taataabato, haddii sharciyada la isku horgeynayo, dee kuwii hore ee sharciyadaba sidaa u aflagaadaynayey sabankii Riyaale, maxay maxkamada gobolku u xidhi wayday oo ay dacwad ugu oogi wayday, anigu waxa aan qabaa Warsaxaafadeedka uu bixiyey Boqor Cismaan inuu xaq u leeyahay in wixii uu dhaliil u arko dee inuu ka waramo.
S: Suldaan Wax Xog ah ma ka haysaa in Boqorka Lagu yidhi Waa lagu Cafiyey ee dalka Kaalay oo uu sidaasi Hargeysa uga soo dagay, oo markii uu soo dagayna arintaasi Qabta ahi ku dhacday?
J: Taasi haday jirto cidii cafiskaasi tidhi ku soo gal aanay sharci u samaynin iyaga laftooda ayaa dambiileyaal ah, oo maxay u soo lugoynayaan haddii ay taasiba iyagu ku yidhaahdeen, markaa anigu waxa aan qabaa Salaadiinta, Boqorada iyo Isimadu sida ay xubnaha xukuumadu ay u mudan yihiin in aan la xidhi Karin in sharciga loo wada siman yahay, waxa aan anuu u arkaa in ninka xubin Baarlamaanka ah lama xidhi karo, Golaha Guurtida cidi ma xidhi karto, golaha Wasiirada Cidi ma xidhi karto, Salaadiintii iyaga ka saraysay ee soo xushay ee soo dooratay waa la xidhi karaa laba is qabta maaha runtii.
S: Markaa waxa aad leedahay ilaa Salaadiinta iyo Boqorada Xisaanada ay sidaan laga qaado lama xidhi karo?
J: Ilaa xilka laga qaado lama xidhi karo, waxa weeyi ninka Boqorka ah waxa weeyi in beeshiisu ay soo kaxayso.
S: Haddii Xukuumadu ay ku Adkaysato Xadhiga Boqorka Maxay Keeni kartaa ama dhici kara?
J: Waxa dhici kara sharciga haddii loo siman yahay, ninka Baarlamaanka ku jira marka la soo xidho in sharci laga soo saaro oo in la xidhi karo ay sharci ku dhawaaqdo, oo ninka Suldaan ah in la xidhi karo ay ku dhawaaqdo.
Wargeyska Haatuf
No comments:
Post a Comment