17 March, 2012

Qurba Jooga Ciise Muuse oo Wax laga xumaado ku tilmaamay Hadaladii ka soo yeedhay Xoghayaha Dan iyo Duco Xaalna ka siiyey Shacbiga reer Somaliland ee lagu gefey,,,,‏

Qurba Jooga Ciise Muuse oo Wax laga xumaado ku tilmaamay Hadaladii ka soo yeedhay Xoghayaha Dan iyo Duco Xaalna ka siiyey Shacbiga reer Somaliland ee lagu gefey,,,,‏


Salaan Sharafeed Naga Gudooma Dhamaan Reer Somaliland, noolaada cadowgiinu ha jabo , ilaahay horumarka iyo dawlad wanaaga ha idiin siyaadiyo.

Intaasi ka dib waxaanu maanta halkan Reer Somaliland ugu soo gudbinaynaa anagoo ah aqoonyahanka qurbajooga Beesha Ciise Muuse inaanu aad uga xunahay hadalada naxliga xambaarsanaa ee aflagaadada qaawan ahaa ee uu Xoghayaha gudigii Dubur lagu doortay ee Ciise Muuse kula dul kufay dhamaanba shacbiga reer Somaliland ee aragtidooda ka dhiibtay arinta wersheda Sibidhka.

Waxaanu raali gelin buuxda iyo xaalba ka siinaynaa cid kasta oo arinkaasi taabtay oo ay ugu horeeyaan Madax dhaqameedka Somaliland ee u guntaday siday wanaaga uga talin lahaayeen iyo wax garadka kale ee gobol walba oo Somaliland ka hadlay kuna taliyey in dalkeenu u baahan yahay horumar iyo iskaashi ee aanu u baahnayn in beelo sheegtaan khayraadka dalka isna hortaagaan horumarka, waxaanu leenahay anagoo aflagaadada ka soo yeedhay ninkaa aad uga xun kana gubanayna walaalayaal cid kasta oo wanaag ka talinaysaay ka raali ahaada gefkaas la idinkula kacay ee ka soo yeedhay ninkaas sheeganaya beeshayada.

Waxaanu sidoo kale mahadnaq balaadhan u soo diraynaa cid kasta oo beesha Ciise Muuse ah oo arinta wersheda Berbera si hufan oo sharfta reerka ka turjumaysa uga hadlay cadeeyeyna in arintu ka weyntahay Wershed diid ee ay ku salaysan tahay dawlad diid iyo mucaaradad oo ay jiraan kooxo magaca beesha ku shaqaysta isla markaana mucaaradadii ay xukuumada Siilanyo ku hayeen u isticmaalay magaca beesha, waxaanu leenahay mucaarad in xukuumad lagu noqdaa wax iska caadi ah oo xisbiyo ayaynu samaysanay laakiin marna raali kama nihin in koox dano gaara lihi ay magacayaga u isticmaalaan siday doonaan horumarka dalka ee cid kasta u dan ahna ay hor istaagaan.

Waxaa noo muuqata in Wesheda Sibidhka dhawr jeer oo hore gaalo iyo muslinba is dul taagay oo dadka lagu rajo geliyey in la dhisayo inkastoo ay beenowday, kooxda maanta carqalada wadaana ay beentaas riyaale iyo kooxdiisii u sheegi jirtay ay hor yaaci jireen, waxse wax laga xumaado ah in maanta markii wadani somalilander ahi uu damcay inuu dhiso ay kooxdaasi si foolxun oo dhaqankeena iyo wax isu ahaansheheenaba ka soo hor jeeda u hor istaageen.

Walaalayaal shacbiga reer Somaliland ee sharafta badanoow waxgarad, waayeel, haween, caruur iyo cirooleba hadaanu nahay wax garadka beesha Ciise Muuse ee qurbo jooga intayada caafimaadka qabta ee wanaaga ka talisaa waanu ka soo horjeednaa cid kasta oo xumaan wada fawdada noocaas oo kale ahna ku shaqaysata, hore ayaanu u cadaynay in aanay na metelin ilaa markii ay Dubur isku urursanayeen wayna noo muuqatey markii ay Beesha shir aanay u baahnayn ku jujuubayeen inay arimaha noocan oo kale ah ka wateen shirkuna ku salaysnaa kooxo dano gaara leh xukuumadana ku mucaarad ah, kun jeer ayaanu raali gelin ka bixinaynaa cid kasta oo beesha Ciise Muse ahna waxaanu kula talinaynaa in kooxdaas meel looga soo wada jeesto si Sumcadii Beesha ee ay dhulka jiideen u soo noqoto, xukuumada jirta ninkii ku mucaarad ahi waa u xor waana wax loo baahanyahay laakiin ha loo maro wadadii ku haboonayd ee yaan beesha lagula soo galgalan anagana umada nalaga hor keenin.

Waa markii sadexaad oo kooxdaas Dubur ay sumcad xumo noocan oo kale ah Beesha u soo jiidaan umana dul qaadan doono waxan oo kale, waxanu nahay aqoonyahan dalka wax u soo bartay oo dhalin yaro ah sidaa darteed ma rabno in mustaqbalkayagii la hor istaago oo aanu noqono Tuke baalcad oo umaduba nacday, ilaahban idinku dhaarshee miyaan damiirkiinu diidayn umada reer Somaliland ee qaylinaysa ee inagu leh Xishooda sidaanu beri isu dhex taagi karaa hadaanaan kuwa xumaha wada iska qaban.

Farxaan Abdi Ahmed
Rashiid Xasan Jirde
Axmed Nuux Alaale
Jamaal xasan weyd
Fariid maxamed cali
Amran Dhulqiyas
Siciid xuseen good
C/lahi Cumar C/laahi
Samsam faarax raage

iyo qaar kaloo badan

Ilaahay ayaa mahad leh
Somaliland Guul

libaxlaleys1@hotmail.com



--
Ahmed Hassan Arwo


No comments: