14 March, 2012

Saddexdii Masuul Ee U Xidhnaa Eedaymaha Lunsiga Raashinkii Kaalmada Ahaa Oo Cunto Ka Soomid Ku Dhaqaaqay Iyo Dacwadooda Sabtida Ka Furmaysa Maxkamada Gobolka Hargeysa


Saddexdii Masuul Ee U Xidhnaa Eedaymaha Lunsiga Raashinkii Kaalmada Ahaa Oo Cunto Ka Soomid Ku Dhaqaaqay Iyo Dacwadooda Sabtida Ka Furmaysa Maxkamada Gobolka Hargeysa

Hargeysa (Ramaas) Mar 14,2012 – badhasaabkii gobolka Maroodi-jeex Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi (Xamarji), agaasimihii wasaarada dib-u-dejinta Axmed Cilmi Barre iyo la taliyihii Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Cismaan Siciid Jaamac oo dhowr maalmood ka hor loo xidhay eedaymo musuqmaasuq ayaa la sheegay inay cuntada ka soomeen.
Saddexdan masuul oo lagu eedeeyay inay leexsadeen raashin kaalmo ah oo loogu tallo-galay danyarta dalka, isla-markaana xilalkii laga xayuubiyey, ayaa la sheegay inay cunto joojin sameeyeen isla-markaana diideen inay wax cunto ah qaataan.
Saddexdan masuul oo maxkamada gobolka Hargeysa ku riday xukun rumaan ah oo todoba maalmood ah, kuna xidhan jeelka dhexe ee Magaaladda Hargeysa, ayaa xaqiiyey in talaabadan ay u qaadeen inay muujiyaan in aanay waxba kaga jirin musuqa lagula kacay raashinkaasi kaalmada ahaa.
Masuuliyiintan oo maalintii la xidhay xilalkii ay qaranka u hayeen laga qaaday, ayaa dacwadoodu maalinta sabtida ahi ka bilaabmi doontaa Maxkamada gobolka Hargeysa, iyadda oo shalay jeelka ku booqdeen xubno ka mid ah ururka garyaqaanada Somaliland ee loo yaqaano SOLLA.
Cunto joojinta masuuliyiintan oo la sheegay inay socotay ilaa shalay ayaa waxa xaqiijiyey mid ka mid ah dadka ehelada la ah masuuliyiintan xidhan.
dhinaca kale, Qaar ka mid ah waxgaradka beesha uu ka soo jeedo badhasaabkii hore ee gobolka Maroodi-jeex Mr Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi (Xamarji) ayaa xukuumadda ugu baaqay in sharciga si deg-deg ah sharciga loo horkeeno.
Waxgaradka iyo cuqaasha beeshaasi waxay sheegeen in si aan sharci ahayn loo xidhay masuuliyiinta uu ka mid yahay Guddoomiye Xamarji “Waxaanu u arkaynaa in masuuliyiinta xidhan arintooda si gaara loogu tashaday oo la wanjalay oo been abuur loo sameeyey, waxaana waajib ah in la hor keeno maxkamada si aan anaguna ugu qanacno dadkana u qanciso oo sharciga lagu kala baxo.” Sidaa waxa yidhi Caaqil Maxamed Madar Guuleed oo ka mid ah dadka shirka jarka jaraa’id qabtay ee ka hadlay arinta xadhiga masuuliyiinta


Ramaasnews Desk
Hargeisa

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: