
Milicsiga Xilka Loo Magacaabay Samaale: “Waxaan Leeyahay Damac Siyaasadeed Oo Dhaafsiisan Halkaan Taagayanay Oo Ah ilaa Madaxwaynaha dalka Inaan Isu Taago” Samaale
Hargeysa (Ramaas) Mar 14,2012 – Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa oo manta isku shaandhayn buuran ku sameeyay golaha xukuumaddiisa.
Madaxwaynaha ayaa isku shaan-dhayntan ku soo daray xilal cusub oo aan hore uga jirin xilalka xukuumadda, ayaa waxa uu sidoo kale uu xilkii ka qaaday wasiirkii Maaliyadda Somaliland Eng Maxamed Xaashi Cilmi, waxaanu ku bedalay Guddoomiye ku xigeenkii golaha wakiilada Md Cabdicasiis Maxamed Samaale.
Guddoomiye Cabdicasiis Maxamed Samaale oo aan ilaa hadda la ogeyn inuu qaadan doono xilka wasiirka Maaliyadda ee loo magacaabay, ayaa haddana shacabka waxa markiiba ka soo noqday aragtiyo kala duwan oo la xidhiidha Magacaabidiisa wasaaradda Maaliyadda, waxayna shacabka badankoodu xilkaasi uga hadleen inuu yahay mid aan wakhtigan u wanaagsanayn Mr Samaale.
Dadka qaarkood ayaa ku doodaya in Guddoomiye Cabdicasiis Maamed Samaale ku hamiyayey inuu u tartamo musharaxa Madaxwaynaha ee xisbiga Kulmiye u ordi doona doorashada Madaxwaynenimo ee dambe, isa-markaana isagu hore u sheegay inuu tartamayo, sidaa daraadeedna xilkan loo magacaabay meesha ka saarayo in hankiisaasi guulaysto.
Dadkan ayaa sidoo kale ku dooday in xilka uu hadda hayo Guddoomiye Samaale uu yahay xil ka muhiimsan kana sareeya xilka loo magacaabay, maadaama oo uu ka mid ahaa xildhibaanadii ugu codka badnaa doorashadii golaha wakiilada Somaliland, xilkan Maaliyaduna wax badan hoos u dhigi doono karaamadii iyo milgihii siyaasadeed ee uu dalka ku lahaa, maadaama oo loo magacaabay xil uu shaqaale ka yahay, markii la doonana laga xayuubin karo.
Xilkan loo magacaabay Guddoomiye Samaale, ayaa sidoo kale dadku ku sheegeen inuu yahay mid lagu baa’biinayo mustaqbalka siyaasadeed ee guddoomiye Samaale, isla-markaana uu yahay qorshe ay soo maleegeen Guddoomiyaha golaha wakiilada, ahna guddoomiyaha ururka Wadani Cabdiraxmaan Cirro oo musharax Madaxwayne ah kana cabsi qabba in Cabdicasiis Samaale Kulmiye musharax u noqdo, sidaana uu kaga guulaysto doorashada Mr Cirro, iyadda oo sidoo kalena ay qaarkood tilmaameen in Guddoomiyaha Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi uu dedaal badan u galay in xil wasiirnimo loo magacaabo Guddoomiye Samaale si ay hoos ugu dhaco miisaanka siyaasadeedka ee uu xisbiga Kulmiye ku dhex leeyahay, si marka loo gaadho shirka golaha dhexe ee Kulmiye uu ugaga guulaysto tartanka loo galayo musharaxa Madaxwaynaha ee Kulmiye.
Dhanka kale, qaar ka mid ah dadkii Guddoomiye Cabdcasiis Maxamed Samaale u codeeyay ayaa ku baaqaya inuu ka baaqsado inuu xilkaasi qaato oo uu iska casilo xilka uu hadda hayo, iyagga oo tilmaamay inay ku hamiyayeen inay arkaan Mr Samaale oo u tartamaya Musharax Madaxwaynenimo, sida uu isagu hore ugu dhawaaqay.
Guddoomiye Cabdicasiis Maxamed Samaale oo telefiishanka HCTV u waramay 4-tii bishii August 2010 ayaa sheegay inuu leeyahay han siyaasadeed oo gaadhsiisan heer Madaxwayne “Xisbiga Kulmiye Aas-aasayaashiisii ayaan ahay, ilaa hadda dareenkaygu waa xisbiga Kulmiye, Kulmiye siyaasadiisa ayaan dhisayaa, waxaanan qeexayaa inaan han iyo damac siyaasadeed oo dhaafsiisan halkaan taaganahay oo ka sareeya ayaan leeyahay, ilaa Madaxwaynaha dalka inaan isu taago hankeeda waan leeyahay, laakiin wakhtigeedii manta lama joogo” ayuu yidhi Guddoomiye Cabdicasiis Maxamed Samaale oo maanta loo magacaabay xilka wasiirka Maaliyadda Somaliland.
Ramaasnews Desk
Hargeisa
No comments:
Post a Comment