Mid Ka Mid Ah Golihii Sare Ee Taliskii Siyaad Barre Oo Qirey Inay Sabab U Ahaayeen Burburkii Soomaliya, Kana Sheekeeyay Sidii Uu Xamar Uga Cararey Markii Tallo Faraha Ka Baxday.
Brusels (Ramaas) Mar 17,2012 – Axmed Saleebaan Dafle oo ka mid ahaa golihii sare ee taliskii Maxamed Siyaad Barre ayaa 21 sanadood ka dib ka hadlay xaalada dalka Soomaliya ee wakhtigan.
Axmed Saleebaan Dafle oo hadda da’ ahaan aad u weyn isla markaana ku nool caasimada dalka Bilgium-ka ee Brusels ayaa aad uga dayriyey xaalada wakhtigan ee Soomaliya, waxaanu tilmaamay in dadka Soomaliyeed halka ay maanta marayaan iyagu isgaadhsiiyeen.
Axmed Saleebaan Dafle, waxa uu si faahfaahsan uga hadlay sababihii keenay burburkii ku dhacay Jamhuuriyadii Soomaliya oo uu tilmaamay in taliskii Maxamed Siyaad Barre oo uu golihiisa sare ka mid ahaa sabab u ahaayeen in burbur laxaad lihi ku yimaado dalka Soomaliya, isaga oo xusay in dhibaatadaasi dhacday markii taliskii Siyaad Barre dheeraystay sii haynta talada dalkaasi.
Mr Dafle waxa uu sheegay in 21 sanadood oo taliskoodu xukumayey Soomaliya kadib ay isku dayeen inay xisbiyo qaran ka yagleelaan dalka Soomaliya isla markaana shacabku la garan waayeen qorshihii ay doonayeen inay dalka dimuqraadi uga dhigaan, halkaana uu ka curtay dagaalkii sokeeye ee Soomaliya ka bilaabmay “Sabab ayaanu u ahayn (burburkii Soomaliya), sababtuna waxa weeyaan muddada ayaanu dheeraysanay, waxaanu islahayn waxbaad hagaajinaysaan, laakiin dadkii way nala garan waayeen, waxayna ahayd wixii markii dambe aanu wadnay in aanu mar hore ku dhaqaaqno ayay ahayd” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Markii dambe waxaanu samaynay dastuur aqbalaya asxaab badan iyo tartan ummaddeed oo loo baratamo siyaasada wadanka, hawshaana labadii sanadood ee u dambeeyay ayaanu galnay, laakiin waxay ahayd in shan sanadood iyo ka horba hawshaa la gallo”.
Axmed Saleebaan Dafle waxa uu tilmaamay inay doonayeen in lala tartamo taliskii Siyaad Barre “Annaga oo dadka ka mid ah ayaanu doonaynay in lanala baratamo, ninkii doonayaana uu ka deggo xilka, aniguna waxaan doonayey inaan baratamo” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Markii Xabadu bilaabantay Xamar ayaan joogay, aniga oo lugeynaya ayaan ka soo baxay aniga oo u badheedhay in la I dilo iyo in kale, laakiin ILAAHAY wuu I badbaadiyey, waxaanan tagay Kismaayo, markii dambana dalka ayaan dibada uga baxay”.
Axmed Saleebaan Dafle waxa uu sheegay in maalintii uu dalka ka cararay xubno ka mid ah golihii sare ee Siyaad Barre la dhacay oo la dhibaateeyey, isaga oo sheegay in dad badan ay dili lahaayeen haddii ay la kulmaan.
Ramaasnews Desk
Hargeisa
Source: SNTV
No comments:
Post a Comment