10 March, 2012

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Ka Hadlay Xadhiga Badhsaabka Gobolka Hargeysa, Agaasimaha Wasaaradda Dib U Dajinta Iyo La-taliyahiisa Gaar Ka Ah

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Ka Hadlay Xadhiga Badhsaabka Gobolka Hargeysa, Agaasimaha Wasaaradda Dib U Dajinta Iyo La-taliyahiisa Gaar Ka Ah
Saylici waxa uu sheegay in maxbiistani ay ku xidhan yihiin xarunta dabi baadhista CID

Hargeysa (GNS)- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici ayaa ka hadlay xadhiga loo geeystay masuuliyiin sarre oo ka tirsan Xukuumadda Somaliland kuwaas oo kala ahaa Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex Axmed Cumar X. Cabdilaahi (Xamarje), Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Dibu-dejinta Axmed Cilmi Yare iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cismaan Siciid. 

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland waxa uu sheegay in masuuliyiintan lagu xidhay sababo la xidhiidha Eedo musuqmaasuq oo ka yimid Raashin loo qaybinayey dad masaakiin ah oo ay leexsadeen, loona iib geeyey Suuqa, waxana uu intaasi ku daray in ay wakhtigan ku xidhan yihiin xarunta dabi baadhista CID ee magaaladda Hargeysa. 

Mudane Saylici waxa uu xusay in maxbiistan la xidhay la baadhayo danbigoodda, isaga oo intaasi ku daray in haddii lagu hello danbiga lagu xidhay in la soo hor taagi doono Maxkamadd, waxana uu carabka ku dhuftay hadii lagu waayo danbiga lagu xidhay in la sii dayn doono. 

Maalimihii udanbeeyay ayaa waxa saxaafadda Somaliland ay qaadda dhigaysay isla markaana dibadda u soo saartay in ay jiraan masuuliyiin kala duwan oo luinsaday raashin loo qaybinayay dad masaakiin ah oo muwaadiniin ah, raashinkan la leexsaday ayaa la sheegay in la dhigay bakhaaro ku yaala caasimadda Somaliland. 

Si kastaba ha ahaatee Arintan ayaa Tusaalle iftiimaysa u ah eedaha musuqmaasuq ee lagu eedeeyo xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Siilaanyo, waxana ay dad badani rumaysan yihiin in qaar ka mid ah Musuuliyiinta ugu sarsaraysa Xukuumadda Taladda haysaa ay lunsadeen hanti ka badan tan maanta lagu xidhay masuuliyiintan. 

Cali-Mahdi Cismaan Axmed 
Gabiley News Reporter 
Hargeysa Office 
contactgabiley@yahoo.com 
http://samotalis.blogspot.com/

No comments: