10 March, 2012

Madaxtooyada Somaliland oo xil ka qaadis ku sameysay mar kaliya sadex masuul oo maanta loo xidhay Musuqmaasuq.

Madaxtooyada Somaliland oo xil ka qaadis ku sameysay mar kaliya sadex masuul oo maanta loo xidhay Musuqmaasuq.
Warsaxaafadeed uu soo saaray Madaxweynaha Somaliland oo uu

Hargeysa (GNS) - Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siillanyo) ayaa goor dhawayd xilkii ka qaaday Sadex masuul oo lagu eedeeyey falal musuq maasuq, isla markaana loo xidhay. 


Warsaxaafadeed uu soo saaray Madaxweynaha Somaliland oo uu ku saxeexnaa afhayeenka Madaxtooyada Somaliland C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse), kaas oo lagu sheegay xil ka qaadista Masuuliyiintan ayaa waxa uu u dhignaa sidan 

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta Degreeto madaxweyne oo numberkeedu yahay JSL/M/XILQ/249/1-949/032012 xilalkii ay hayeen kaga qaaday. 
1. Badhasaabkii Gobolka Maroodi-jeex, Mudane, Axmed Cumar X. Cabdilaahi (Xamarji) 
2. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dib-u-dejinta, Mudane, Axmed Cilmi Barre 
3. La-taliyihii Madaxweyne ku xigeenka JSL, Mudane, Cismaan Siciid Jaamac, 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland markii uu ku qancay in madaxdaasi ay faraha kula jireen eedo musuq-maasaq oo ka dhashay raashin mucaawimo ah oo la leexsanayey. 
Waxa uu go’aan saday in laga bilaabo maanta uu ka qaaday xilalkii ay hayeen sadeexdaasi masuul, 
Sidaa darteedna, waxa maanta laga bilaabo xilalkii ay hayeen si ku meel gaadha u sii hayn doona 

1. Xilkii gudoomiyaha Gobolka Marooji-jeex waxa sii hayndoona Gudoomiye Ku-xigeenka Gobolka Maroodi-jeex. 
2. xilkii Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dib-u-dejinta waxaa sii hayndoona Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta. 


ALLAA MAHAD LEH” 


Sacad M. Cabdi 
Gabiley News Writer 
Hargeysa/ Somaliland 


http://samotalis.blogspot.com/

No comments: