28 March, 2012

Guddida Qurbajooga Ciise Muuse Oo Warsaxafadeed Ka Soo Saaray Arrinta Wershadda Sibidhka Berbera

Guddida Qurbajooga Ciise Muuse Oo Warsaxafadeed Ka Soo Saaray Arrinta Wershadda Sibidhka Berbera

Guddida Qurbajooga Ciise Muuse Oo Warsaxafadeed Ka Soo Saaray Arrinta Wershadda Sibidhka Berbera

Warsaxafadeed uu ku saxeexanyahay Guddoomiye ku xigeenka  Guddida Beesha Ciise Muuse ee Qurbajooga Md. Rashiid Axmed Cabdi ayaa waxaa Guddidu ay ka soo saareen baaq ku saabsan siday u arkaan go'aanadii is-daba jooga ahaa ee ka soo baxaayey Wershadda sibidhka ee Berbera.

Haddaba nuqul qoraaleed warbaahinta loo qaybiyey oo mid ka mid ahi soo gaadhay xafiiska Halbeegnews ee magaalada London ayaa lagu yidhi sidani:

"Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan shacabka Soomaliland meel kasta ooy joogaan, marka xigtana waxaan salaamayaa warbaahinta Soomaaliland ee sida cadaalada iyo daacdnimada leh u soo bandhiga kana warbixiya xaalad kasta oo ku soo korodha wadankeena.Waxaan marka labaad u mahadnaqayaa Salaadiinta Subeer Awal ee uu hormoodka u yahay Suldaan Xassan Suldaan Cabdillahi Suldaan Cabdiraxmaan,ee sida adag uga hadlay dadka la majaro habaabiyay ee warxun sheega ah sida khaldanna uga hadlay arinta warshada sibidhka Berbera.Aniga oo ku hadlaya Magacayga, iyo Dhamaan qurbajooga Beelaha Ciise Muuse, Waxaanu 100% taageersanahay arimahan soo socda;

a.      Waxaanu taagersanahay in aan laga dhisin laba Warshadood meel isku mid ah wakhtigan xaadirka ah, sababo badan oo ay ka mid yihiin dhibaatooyinka Dhaqaale, Mid Deegaan, Dad iyo Duunyaba. Waxaan halkan ka cadeynaynaa in Warshadii Hore u furan tahay cid kasta oo dooneysa in ay Saami ku yeelato. Hadii dalka iyo dadka loo daneynayana waxaan ku talinaynaa in la isugu tago sidii loo kicin lahaa Warshadii Hore lana isku geeyo maal, caqli iyo muruqba.

b.     Waxaanu taageersanahay Salaadiinta Subeer Awal, iyo Odayaasha Beeshu udaba fadhido danta reerka ee lagu soo doortay shirkii Beeshu ku qabsatay Dubur, ee uu furay Suldaaka guud ee Subeer Awal, islamarkaana gunaanaday Suldaanka guud ee Soomaaliland, Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir. Go'aanka ugu danbeeya ee kuligayo aanu taageeraynaana waa ka ay iyagu qaataan.

c.     Waxaanu taageersanahay go'aankii ay Odayaasha Beeshu ugu gudbiyeen Madaxwaynaha Soomaaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, in uu go'aan ka soo saaro sida ugu haboon ee xal lagu gaadhi karo, maadaama uu  Dhiigshiil diiday (20%) hore loogu bandhigay, iyada oo loo qeybinayey ummada reer Somaliland oo dhan. Halka isaga kaligii loogu qoondeeyey (20%)ka.

d.     Waxaanu taageersanahay go'aankii uu qaatay Maayarka Magaalada Berbera, ee uu ku burbriyay Seeskii kiiloomitir iyo badhka ka dheeraa ee uu Dhiigshiil ku seestay Buuraha Shimiitada si Sharci daro ah, oo ka hor imaaneysa Qawaaniinta u taal  Somaliland.Waxa ayaan daro ah in uu Dhiigshiil ku dafirey shirkii jaraa'id ee uu  qabtey seesashada uu seestay Buuraha Shimiitada, isaga oo adeegsanayey waraaqo uu ka soo qortey Madaxtooyada Somaliland. Hadii loo baahdo waxa aan soo bandhigi doonaa waraaqihii iyo sawiradii lagu cadeynayey falkaa uu Dhiigshiil ku kacay ee sharci darada ah.

 e.      Waxaanu taageersanahay xil-kaxayuubintii ay Salaadiintu ku sameeyeen Cuqaashii ka weecday maamuuskii loo igmaday. Caaqil waxa uu Caaqil ku yahay Guddoominta go'aanka Ummada ay xilka u hayaan. Mana gaari karaan go'aan aan la isla ogayn, iyagoo cid gaar ah u adeegaya.

f.        Waxaaanu sidoo kale taageernahay garowsigii uu garowsaday Madaxwaynaha Soomaaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, in Odayaashii lagu soo doortay Shirkii  Dan & Duco yihiin  kuwa loo daba fadhiyo danta Reerka iyo Deegaankaba.
Waxaanu si adag u dhalaycaynaynaa;

I. Ka hordhaca uu Dhiigshiil ka hor dhacay go'aankii laga sugayay Madaxwaynaha Soomaaliland walina laga sugayo

.II.                  Falkii uu Dadka ku soo ururiyay Dhiigshiil Huteelka Maansoor oo ahaa qoyskiisa, dadkana uga dhigayay in ay metelaan ummada reer Somaliland oo dhan, samiiyaalna ku leeyihiin Warshadan uu doonayo in uu dhisto isagu.

III.                Waxaanu sidoo kale dhaleecaynaynaa Warbaahinta dhinaca ka raran ee lumiyey mansabkii suxufinimada iyo dhexdhexaadnimada,  iyaga oo u xaglinaya ama garab saartay Dhiigshiil,  ee wararka aan salka iyo raadka laheyn ka baahinaya Odayaasha deegaanka. Waxaad wada maqasheen baaqii ay soo saareen Salaadiinta Subeyr Awal, iyaga oo kaga cabanaya beenta aan salka iyo raadka toona laheyn ee warbaahintu ka fidisay Beesha Ciise Muuse iyo Gudida Degaanka labadaba

.IV.                Waxaanu si adag u dhaleecaynaynaa qoladan sida kaadhadhka aynu gashano telefoonada, hadba cid dangaara wadataa ay u isticmaasho, iyaga oo ay ka dhex hadlayso cajaladii la gashaday. Waxaanu u sheegaynaa nimanka noocaas ah, ha ka waantoobaan hunguriga ay siisanayaan midnimada iyo wada tashiga reerka. iyadoo aanay iyaga ahayn waxan hadlaya laakiin yihiin kaadhka la gashaday. Waxaan soo jeedinaynaa in laga waantoobo warxumo tashiilka, lana wada ilaashado nabadgalyada Soomaaliland. Odayga Dhiigshiilna hadii uu doonayo in uu kaligii dhisto Warshad Shamiito maaha wax suurto geleysa iyo wax ay aqbalayaan ummada reer Saaxil. Waayo hantida ummada Somaliland maaha wax uu nin kaliyi kaligii tuurta ku qaadan karo. Illaaha Wayn ee Waaxidka ayaa iska leh mahad oo dhan
Somaaliland Guul & Gobanimo

 Guddomiye Xigeenka Qurbajoogta

Beelaha Ciise Muuse
Rashiid Axmed Cabdi

No comments: