28 March, 2012

Xukuumadda oo boqor Buurmadow Afartan cisho oo Rumaan ah Jeelka ku dhigtay

Xukuumadda oo boqor Buurmadow Afartan cisho oo Rumaan ah Jeelka ku dhigtay

Hargeysa-Waaheen-Xukuumadda Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa shalay Boqor Cismaan Aw Maxamud
Buurmadow geysay Maxkamadda, waxaanay Maxkamaddu u jartay Afartan cisho oo Rumaan ah.

Boqor Cismaan Aw Maxamud Buurmadow oo muddo sadex iyo toban cisho ah Maxkamad laáan ugu jiray xarunta CID-da ayaa loo
gudbiyay Jeelka weyn si uu halkaas ugu ahaado Gar-suge Dacwada loo haysto ugu suga.

Goáanka Jeelka loogu dhaadhiciyay Boqor Buurmadow waxa loo aanaynayaa inay sababtay ficilo ay ku talaabsadeen qaar ka mid ah qoyskiisa oo Madaxweyne Siilaanyo saxaafadda u mariyay Hanjabaado badan isla markaana u qabtay inuu si dhakhso ah u sii daayo.

Waxa kale oo kala hadlay Salaadiin reer Somaliland ah sidii Boqorka xorriyadiisa loogu celin lahaa, hase yeeshee jawaabta arrimahaas ay xukuumaddu ka qaadatay waxa ay noqotay inay God dheer ku rido si aanu fursad ugu helin Boqorku xidhiidhka dadweynaha oo ay Xukuumaddu u dabcisay intii hore.

Talaabadan ayaa Ibo furaysa cadaaladda uu doono ha ka helee in xadhigiisu uu noqdo mid sharciga waafaqsan halka ay intii hore Xukuumaddu sharci daro ugu haysay xarunta CID-da maadaama tan iyo intii la qabtay aan la horgaynin Maxkamad.

 

Waaheen




No comments: