11 February, 2012

Wasiir Duur Oo Khudbad Dheer Ka Horjeediyay Golaha Wakiiladda Somaliland Kana Hadlay

Wasiir Duur Oo Khudbad Dheer Ka Horjeediyay Golaha Wakiiladda Somaliland Kana Hadlay Dagaalkii Ka Dhacay Buuhoodlle, Shaqaaqadii Seemaal Iyo Arimo Kalle

“xaaladda guud ee dalka marka aynu maanta eegno waxaan odhan karaa dalku waxa uu ku sugan yahay nabad marka laga reebo deegaanka Buuhoodle.." Wasiir Duur
Hargeysa (GNS)- Kal- fadhigii goloha wakiiladda Somaliland oo uu shir gudoominyaya gudoomiyaha golaha wakiiladda Somaliland C/Raxmaan Maxamed C/Laahi Cirro, ayaa waxa ay warbixin ku saasan shaqaddiisa ay kaga dhagaysteen Wasiirka arimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraalle Duur, waxana uu wasiirku si qoto dheer uu uga warbixiyay xaaladda uu haatan dalku marayo iyo sidda ay uga hawl galayaan falalka ka dhacaya goboladda bari gaar ahaan deegaanka buuhoodlle.

Wasiir maxamed nuur caraalle duur oo golaha baarlamka hortiisa ka horjeediyay khudbad dheer ayaa sidoo kale ka hadlay xaaladihii ka hor yimid tan iyo intii uu hayay xilka Wasiirnimo, waxana uu sidoo kale uu sheegay in uu qori doono dhowaan 500, oo dhalinayaro ah, kuwaas oo uu sheegay in uu utababari doono ciidanka booliska. Isla marlkaan aanay dawladuu wax shuurad ah ku xidhi doono sidda qoriga balse ay Dawladdu kharashaadka bixin doonto.

Wasiirku waxa uu sheegay in uu dalku wakhtigan uu marayo xaaladda wanaagsan, waxana uu yidhi isaga oo ka hadlayaa “xaaladda guud ee dalka marka aynu maanta eegno waxaan odhan karaa dalku waxa uu ku sugan yahay nabad marka laga reebo deegaanka Buuhoodle oo xoogaa shaqaaqa ahi ka taagan tahay, Taasna waxa aan odhan karaa ma jiro wadan caalamka boqolkiiba boqol nabad ah” ayuu yidhi Wasiir Duur, waxana uu intaasi ku aray “sidoo kalla markaan ka haddlo shaqaaqooyinkii ka dhacay dalka tan iyo intii aan xilka hayay waxa ka mid ahaa magaaladda Ceerigaabo oo ay ka dhaceen xoogaa is ka hor imaadyo ah taasi oo ay sababaeen xaaladdo mudooyin badan soo rafanayay balse waxa aanu ku guulaysanay inaanu ka galno dhex dhexaadin siddii loo dhamayn lahaa waxyaabaha ay kala tabanayaan deegaankaasi.

Sidoo kale deegaanka Seemaal oo iyana ay ka dhaceen xoogaa shaqaaqooyin ah taasi oo keentay in beelaha deeegaankaasi ay isku hub urursadaan balse xukuumaddu ay ka hawl gashay sidii xal looga gaadhi lahaa waxana laga gaadhay xal nabadeed oo dadkii lagu aanaynayay falkii ka dhacay deegaankaasi wax isugu jiraan dad la qabtay iyo dad maqan waxana aaanu ku rajo weynahay inaanu horkeeno maxkamadda dadkii falkaa loo aanaynayay ee deegaanka seemaal” .

Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraalle Duur, waxa uu si adag ugu nuuxnuuxsaday dagaaladdii dhowaan ka dhacay deegaanka Buuhoodlle ayaa sheegay in ay xukuumaddu diyaar u tahay in ay wadda hadal ku dhamasyo xaaladda dagaal ee ka taagan Buuhoodlle, waxana uu Wasiirku balan qaaday in dawladdu aanay qori caaradii waxba ku doonayn balse ay doonayso in ay wadda hadal ku soo afjarto, waxana ka mid aha ahadalkisii “Deegaanadda Sool iyo Buuhoodlle oo ay iminka ka taagan tahay xaaladda ugu culus ee iska hor imaadka sababay, iska hor imaadkaas oo ka dhaxeeyay ciidmadda Qaranka iyo maleeshiyo deegaankaas ka soo jeedda waxaanu rajeenaynaa in ay xaaladaasi ku dhamaan doonto wadda hadal oo aanuu jirin wax qori caaraddii lagu dhamaynaayaa”

Wasiir Duur waxa uu sheegay in ay dhowaan qori doonaan dhalinayaro ka kooban 500 oo boolis ah kuwaas oo loo tobabari doono laba hab oo kalla duwan, waxana uu intaasi raaciyay inaanay jirin wax shuruud ah oo lagu xidhayo dhalinyaraddan cusub, waxana uu yidhi isaga oo arintaasi ka hadlayaa “waxa aanu ku raja weynahay inaanu 500 oo dhalinyaro ah aanu Ciidan Boolis ah qorno kuwaaas oo aanu ku xidhayn shuruudaha asrkariga Cusub lagu xidho, kuwaas oo ah oo ah inuu keeno qori direys iyo wax lamid ah, balse anagu (somaliland) aanu ka bixin doono jeebkayga waxana 500 ee dhalinyaradda ahi ukala bixi doonaan qaar qabta shaqaddii askaranimadda iyo qaar loo tobabaro saraaakiil waxana jirra inaan qoray waraaqo aan ku codsanayo tobabar saraakiilnimo ah inala siiyo kuwaas oo aan jawaabtoodiui sugayo”. Wasiirku isaga oo hadalkiisa sioi wata waxa uu yidhi “Sanadkii hore aan la wareegay xilka waxa uu sanadkani kaga duwan yahay waa sanad aan qortshaheedda lee yahay inaan dajisto wax badan, wax badana waan ka badali doonaa” ayuu raaciyay wasiir Duur.

Ugu danbeyntii xildhibaanadda golaha wakiiladda Somaliland ayaa su’aallo kala duwan ku boobay wasiir duur, waxana uu wasiirku ka jawaabay dhamaan su’aalaha la weydiiyay, xildhibaan ka mid ah goloha wakiiladda Somaliland oo Wasiirka weydiiyay su’aal ahayd waxa ay xukuumaddu iminka ula dagaalamayso dadka deegaankaas madaama ay fasaxadday in ay qabsadaan shirkii dhaliyay in ay ku dhawaaqaan maamul gooni ah ayaa waxa uu ku jawaabay “beelaha Somaliland beelna lagama hor istaagi karro in ay danaheedda ka tashato balse wax kaliya ee laga hor istaagi karaa waxa weeye marka uu shirkooda ka soo baxo wax qaranimadda dalka iyo bulshadda dhibaato ku keeni kara, balse beesha taleex ku jirtey waxay la mid ahayd uun beelihii ku shirayay gudaha Somaliland ee ayahoodda ka tashanayay laakiin wax shirkaas ka soo baxay baa ahaaa natiijo qaranka iyo bulashadda reer Somaliland dhibaato ku keenaya waxana aanau ku rajo weynahahay in ay sidda ugu fiican ku dhamaan doonto” ayuu yidhi Wasiir Duur

Sacad Muuse Cabdi (Sacad Caalami)
Gabiley News Reporter
Hargeysa Office
contactgabiley@yahoo.com



http://samotalis.blogspot.com/

No comments: